Muxuu dunida ka tari doonaa rinjigii ugu caddaa abid ee la soo saaray?

Prof Xiulin Ruan with his whitest ever white paint

Xigashada Sawirka, Purdue

Qoraalka sawirka, Prof Xiulin Ruan oo soo bandhigaya rinjiga
Published

Saynisyahanno ku sugan Mareykanka ayaa soo saaray rinji "ka cad kan ugu cad ee haatan la heli karo".

Tijaabooyin ay baarayaashu ka sameeyeen Jaamacadda Purdue University ayaa lagu ogaaday in rinjigu uu ka falcelinayo iftiinka qorraxda in ka badan 98%.

Arrintaas ayay saynisyahannadu ku sheegeen inay wax ka tari karto keydinta tamarta iyo la dagaallanka cimilada adduunka.

In "saqafyada qabow" lagu rinjiyeeyo midab caddaan ah waa hab lagu keydinayo tamarta taas oo haatanba laga isticmaalo qaar ka mid ah magaalooyinka waaweyn.

Noocyada rinjiyada cad ee haatan suuqyada yaalla ayaa inta u dhaxaysa 80% iyo 90% ka falceliya qorraxda, sida uu qabo Prof Xiulin Ruan oo horkacaya baarayaasha kana tirsan Purdue, oo ku taalla Galbeedka Lafayette, Indiana, Mareykanka. "Waa wax weyn, sababtoo ah 1% falcelin ah waxay u dhigantaa 10 watts mitirkiiba oo laba jibbaaran inuu ka difaacayo qorraxda," ayuu yiri.

People in West New York, New Jersey watch the sun set on New York, August 23, 2015.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Magaalada New York ayaa "saqafyada qabow" u aragta xal loo helay cimilada

"Sidaas darteed haddii aad isticmaali lahayd rinjigeenna inaad mariso saqaf bedkiisu dhan yahay 1,000 ft isku wareeg ah (93 isku wareeg m), waxaan qiyaaseynaa inaad heli lahayd tamar qaboojin oo 10 kilowatts ah. Taasi aad ayay uga awood badan tahay qaboojiyeyaasha hawada ee inta badan guryaha lagu isticmaalo," ayuu yiri.

Rinjiga caddaanka ah wax maka tari karaa la dagaallanka cimilada?

Saqafyada qabow ee caddaanka ah ayaa loo arkaa kuwo xal fudud u noqon kara cimilada magaalooyinka.

gudaha Maryekanka, New York waxay dhowaan rinji caddaan ah marisay in ka badan 10 milyan ft isku wareeg ah oo saqafyo ah.

Faa'iidooyinkooda weli baaritaan baa ku socda, balse daraasado la sameeyay ayaa muujinaya inay yareyn karaan dalabaadka tamarta ayna abuuri karaan cimilo kulkeedu hooseeyo. Taasi waxay sidoo kale gacan ka geysan kartaa yareynta biyaha magaalooyinka loogu isticmaalo waraabka.

IR image of whitest white paint

Xigashada Sawirka, Purdue

Sidee loo sameeyay rinjigan caddaanka saa'idka ah?

Rinjiga cusub wuuxu ka kooban yahay maaddo lagu magacaabo barium sulfate, oo sidoo kale loo adeegsado in laga sameeyo waraaqaha sawirka iyo waxyaabaha la isku qurxiyo.

"Waxaan isticmaalnay xaddi sare oo walxaha laga sameeyay ah," ayuu yiri Prof Ruan. "Waxaana heynaa cabbir kala duwan oo rinjiga ah."

Qof walba ma iibsan karaa rinjigan?

Baarayaasha ayaa haatan la shaqeynaya shirkad soo saareysa isla markaana iibineysa rinjigooda, iyagoo sheegay in qiimaha uu la mid noqon doono kan haatan la iibiyo nrinjiyada.

"Madxaf ayaa haatan isoo weydiiyay in rinjigeenna uu bandhig ahaan u heysan karo isagoo garab dhigaya rinjiga ugu madow," ayuu yiri Prof Ruan.

Rinjiga ugu madow waxaa sanadkii 2014 soo saaray saynisyahanno waxayna ugu magac dareen Vantablack.

Scientist with sample of Vantablack in the lab

Xigashada Sawirka, Surrey NanoSystems

Wuxuu dhuuqaa dhammaan iftiinka, waxaana loo isticmaalaa caksiga kan ugu cad. Balse shirkadaha teknolojiyadda qaarkood ayaa isticmaala keliya oo qof walba ma isticmaali karo.