Man City oo marki afaraad ku guuleysatay koobka Carabao Cup

Xigashada Sawirka, Getty Images
Manchester City ayaa afar sana oo xiriir ah ku guuleysatay koobka Carabao Cup halka iyo Tottenham oo markale ku guul darreysatay iney hanato koobka.
Man City iyo Tottenham waxay ciyaarta kama dambeysta ee koobka Carabao Cup aad u xiisa badneyd ku dhex martay garoonka weyn ee Wembly.
City ayaa koobka qaadday kaddib marki ay Tottenhan ku karbaashtay 1-0.
Qaybta hore ee kulanka kama dambeysta ee Carabao Cup ayeey ku kala nasteen labada kooxood Manchester City iyo Tottenham Hotspur bar-bardhac 0-0 ah.
Qaybta labaad ee ciyaarta marka dib la isugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan oo goolal laga filan karay.
Ciyaarta marka ay ka harsan tahay 8 daqiiqo oo keli ah waxaa ciyaarti hoggaanka u qabatay Man City kaddib marki uu goolka ay City koobka ku qaadday u dhaliyey laacibka Aymeric Laporte.
Ciyaarta oo ugu dambeynti ku soo idlaatay 1-0 oo ay guusha ku raacday Manchester City, halka ay Tottenham-na garoonka y Wembly kala hoyatay guul darro aad u weyn.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kooxda Tottenham oo toddobaadki hore eriday tababare Jose Morinho ayaa u muuqatay mid ciyaarti shalay si aad ah looga gacan sarreeyey.
Ciyaartana waxaa daawanayayey oo garoonka Webly ee ay ciyaarta ka socotay ka soo qayb galay 8,000 oo isugu taageerayaasha labada kooxood iyo daawadayaal kale oo kubadda xiiseeya.
City oo koobkaan marki afaraad hanatay ayaa iska baraajeysay rekoorki ay 1980-yadi haysatay kooxda Liverpool, iyada oo kala mid noqotay 8 jeer iney koobka qaaddo.
"Ciyaartooyda wixi la gudboonaa ayey sameeyeen. Xilliyada soo socdana City taariikh hor leh ayey dhigi doontaa" ayuu yiri tababaraha Man City Pep Gardiola.
"Ciyaarti afar dhamaadkana waxaan ka soo guuleysannay Manchester United iyo Arsenal marka waan mudneen inaan koobkan marki afaraad qaadno" ayuu hadalkiisa sii raaciyey.
City rajadi ay ka qabtay iney sanadkan qaaddo afar koob, rabitaankoodi waxaa toddobaadki hore beeneeyey Chelsea oo ciyaarti FA cup ee dhexmartay guul darra u xambaarisay.
Hase yeeshee Tottenham ma noqon koox City ka hor istaagto iney qaaddo koobka Carabao.
Pep Gardiola inta uu tababaraha noqday wuxuu ku guuleystay 30 koob. Taasoo la mid ah iney City ay koobta horyaalka Ingiriiska ay durbadiba dhagta qabsatay. Geed dheer iyo geed gaabanna ayeyna u fuulyaan sidi ay u hanan lahaayeen koobka Champions League.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Tottenham oo la mooda iney guusha dhabarka u jeedisay oo seddex sana gudahood ciyaarta kama dambeysta soo gaartay ayaa marki labaad kooxdi ka soo horjeeday u hibisay koobki ay ku hammineysay.
Tottenham oo shan jeer iska xaadirisay ciyaarta kama dambeysta ah marna guul ma gaarin. Xataa waxay nasiib u yeelan waayeen afarti ciyaarood oo kama dabeysta oo ay u soo safteen midkoodna iney gool ka dhaliyaan.












