Daah furka nooca cusub ee ciyaaraha: Muxuu yahay horyaalka Kubbadda Kolayga ee Afrika ee hadda billowday?

Xigashada Sawirka, Basketball Africa League
Muddo hal sano ah wuxuu dib ugu dhacay cudurka Covid-19 awgiis, laakiin horyaalka cusub ee Kubbadda Kolayga qaaradda Afrika wuxuu furmadaa maanta oo Axad ah , 16 May.
Horyaalka Kubadda Kolayga Afrika (BAL), oo uu taageero xiriirka Kubadda Koleyga Mareykanka ee NBA, waxaa ka qeyb galaya 12 kooxood oo ka kala socda 12 waddan - laakiin sidee buu u shaqeyn doonaa?
Kooxaha ugu sarreeya kubadda kalayga Afrika ayaa Axadda isku wajihi doona magaalada Kigali ee caasimadda u ah waddanka Rwanda, iyagoo billaabaya tartan cusub oo loogu talogalay in lagu hormariyo ciyaarada, sare loogu qaado ganacsiga islamarkaana lagu soo bandhigo xirfadaha ugu wanaagsan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ujeeddooyinkaas waxay qeyb ka yihiin sababaha uu horyaalkan ugu lug yeeshay Xiriirka Kubbadda Kolayga Mareykanka ee NBA, kaasoo markii ugu horreysay abid gacan ka geysanaya qaban qaabada horyaal laga dhisay meel ka baxsan Mareykanka.
"Waxaan joognaa halkan oo Afrika ah sababtoo ah waxay nala tahay inaan yeelan karno saameynta ugu weyn," ayuu yidhi Adam Silver, oo ah guddoomiyaha NBA.
"Waxaan u jeednaa fursad taalla qaaradda ay ku nool yihiin dad ka badan hal bilyan oo qof iyo rajo fiican oo dhinaca xirfadda Kubbadda Kolayga ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xiriirka maamula kubbadda kolayga adduunka ee magaciisa loo soo gaabiyo FIBA ayaa sidoo kale gacan ka geystay aasaaska horyaalkan oo rajo laga qabo inay kasoo baxaan ciyaartoy la mid ah Joel Embiid (Cameroon) ama Pascal Siakam (Congo).
"Afrika waa qaarad ay ka buuxaan siro badan iyo dhaqaale badan, waxaana u maleynayaa in kheyraadkan oo dhan la heli doono," ayuu yidhi rugcaddaaga Kubadda Kolayga Dikembe Mutombo oo la hadlayay BBC-da laanteeda ciyaaraha ee Afrika.
"Maadaama ay ciyaarahan billaabanayaan, waxaa jiri doona ciyaartoy badan oo qaaradda kasoo if bixi doona, waliba kuwo aan noocooda horay loo arkin."

Xigashada Sawirka, Getty Images
Tartankan wuxuu baddali doonaa horyaalkii hore ee Kubbadda Kolayga Afrika, kaasoo socday tan iyo sanadkii 1971-kii.
BAL waxaa la filayay inuu billowdo bishii March ee sanadkii hore, laakiin Covid-19 ayaa hakad galiyay, 14 bilood kaddib ayayna suuragashay in la furo.
Hannaaka
Haddaba sidee ayuu u shaqeyn doonaa BAL? Hagaag, waad u maleyn kartaa inuu u eg yahay sida horyaalka kooxaha Yurub ee Champions League.
Waxaa jira 12 kooxood oo ka qeyb galaya sanadkan daah furista ah, kuwaasoo ah kooxihii qaran ahaan ugu sarreeyay waddamada Angola, Masar, Morocco, Nigeria, Senegal iyo Tunisia, dhammaantoodna waa la xaqiijiyay in ay boosas heleen.
Lixda kooxood ee kale waxay ciyaareen isreebreeb - waxayna kala yihiin Algeria, Cameroon, Madagascar, Mali, Mozambique iyo Rwanda.
Waxaa jiri doona 26 kulan oo la ciyaari doono guud ahaan.
Goobta

Xigashada Sawirka, Basketball Africa League
Markii hore ciyaaraha waxaa la qorsheeyay inay ka dhacaan toddobo magaalo oo ka tirsan Afrika, oo kala ah Qaahira (Masar), Dakar (Senegal), Lagos (Nigeria), Luanda (Angola), Tunis ama Monastir (Tunisia), Rabat (Morocco) iyo Kigali (Rwanda).
Hase yeeshee, saameynta ka dhalatay fayraska corona awgeed, wax walba waxay ka dhici doonaan garoonka Kigali Arena.
Brian Kirungi, oo ah madaxweynaha xiriirka Kubbadda Kolayga Rwanda, haddana ah madaxweynaha BAL, ayaa aaminsan in garoonkaas uu heli doono faa'iido weyn oo horumarinta ciyaaraha ah.
"Hadda waxay kubadda ku taaban karaan, kuna dareemi karaan garoonkooda," ayuu yidhi Kirungi oo la hadlayay BBC-da laanteeda ciyaaraha ee Afrika.












