Shiinaha: Maxaa kala haysta ragga iskaabulada iyo dumarka aan rabin inay ilma dhalaan?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Tirakoobka dadweynaha Shiinaha oo 10 sannadoodba mar la sameeyo ayaa muujinaya inuu hoos u dhac ku yimid carruurta dhalanaysa taas oo gaartay meeshii ugu hoosaysay tan iyo sannadkii 1960-kii.
Hoos u dhacaan ayaa waxa uu horseeday baaqyo lagu soo afjarayo siyaasadaha lagu xakamaynayo tirada carruurta dhalanaysa guud ahaan Shiinaha.
Inkastoo ay hooyadeed ugu soo daadaashay, hadana Lili oo degan Beijing, ma qorsheynayso xilli dhow inay caruur dhasho.
Lili oo 31 jir ah oo haatan xaas ah muddo laba sannadood ayaanan haatan doonayn inay ka welwesho mas'uulyad ay caruur ku koriso.
"Dadka aan isku da'da nahay ee carruurta haysta aad ayay u yar yihiin, haddii ay caruur haystaana waxay la daalaa dhacayaan korintooda iyo sidii ay ku geyn lahaayeen iskuulka ugu fiican, taas oo muuqata nolol raafaad badan."
Lili ayaa la hadashay BBC iyadoo ka codsatay magaceeda in aan la xusin, iyadoo xustay in hooyadeed ay murugoon doonto haddii ay ogaato sida ay gabadheeda dareemayso.
Tirakoobka Shiinaha, oo la soo saaray horraantii bishan, wuxuu muujinayay in ku dhowaad 12 milyan oo carruur ah ay dhasheen sanadkii hore - taasoo aad uga yaraatay tiradii sannadkii 2016, oo ahayd 18 milyan.
In kasta oo tirada guud ay korortay, haddana waxay gaartay heerkii ugu hooseeyay muddo tobanaan sano ah, iyadoo ay jirto walwal laga qabo in Shiinaha ay ku dhacdo dad yari.
Tirakoobka ayaa muujinaya isu dheli tir la'aan dadka iyadoo dadka waaweyn ay aad uga badan yihiin kuwa d'ada yar.
Markay taasi dhacdo, ma jiri doonaan shaqaale ku filan mustaqbalka, waxaana laga yaabaa inay kordhaan baahida loo qabo caafimaadka iyo daryeelka bulshada.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ning Jizhe, oo ah madaxa xafiiska qaran ee tirakoobka, ayaa ka sheegay madasha lagu soo bandhigayay tirakoobka in ay tahay natiijada hoos u dhac dadweynaha Shiinaha mid saamayn doonto horumarka bulshada iyo dhaqaalaha.
Marka ay dalalka hormaraan, waxaa suura gal ah in heerka dhalmada ay hoos u dhacdo sababo la xiriira waxbarashada ama mudnaanta kale sida xirfadaha.
Wadamada deriska ah sida Japan iyo Kuuriyada Koofureed, tusaale ahaan, waxay kaloo arkeen heerarka dhalmada oo hoos u dhacay sanadihii la soo dhaafay in kasta oo dowladdahaas ay lamaaanayaasha siiyeen dhiiragelin si ay ilma badan u dhalaan mustaqbalka dhow.
Isku dheeli tir la'aan
Khubarada ayaa sheegaya in xaaladda Shiinaha ay si gaar ah uga sii dari karto marka loo eego tirada ragga oo ay ku adag tahay inay marka hore helaan xaas, iskaba daa inay ku fekeraan inay reer yeeshaan.
Isku soo wada duuboo, waxaa jira dheelitir la'aan daran oo xagga jinsiga ah oo waddanka ka jirta sanadkii hore, waxaa ragga dalkaas lagu qiyaasay 34.9 milyan oo ah tira ka badan dumarka.
Dr Mu Zheng, oo ka tirsan jaamacadda Singapore, ayaa yiri "Tani waxay dhibaato ku haysaa suuqa guurka, gaar ahaan ragga aan haysanin dhaqaalaha."
Sannadkii 2016-kii, dowladda ayaa u oggolaatay lamaanayaasha inay laba carruur ah ka badan dhali karaan.
Si kastaba ha noqotee, dib-u-habeeynta ayaa ku guuldareysatay inay bedesho heerka dhalmada ee dalka ee hoos u dhaca weyn ku yimid.
'Yaa ku dhiiran kara inuu carruur dhalo?'
Khubaradu waxay yiraahdeen dabacsanaanta siyaasadda ma aysan keenin isbeddelo kale oo caawinaya nolosha qoyska sida taakuleynta lacagaha waxbarashada ama helitaanka xarumaha daryeelka carruurta.
"Dad badan ayaan si fudud u awoodi karin inay koriyaan carruurta iyadoo ay sare u sii kacayso qiimaha nolosha." ayuu yiri Dr Mu.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xaaladda wax ma laga beddeli karaa?
Shuruucda la xiriira dhalmada ayaa la filayaa in gebi ahaanba la qaado mustaqbalka dhow. Ilo wareedyo ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters inay dhici karto saddexda ilaa shanta sano ee soo socota meesha laga sara shuruucdaasi.
Laakiin qaar ka mid ah dadka ayaa ku baaqay in Shiinaha uu si dhakhso leh u baabi'iyo siyaasadaha ka hortaggaya uurka.
"Macna badan ma yeelaneyso in sharciyada la khafiifiyo iyada oo qofna uusan rabin inuu carruur dhalo ."
Laakiin khubarada qaar ayaa tilmaamaya baahida loo qabo in si taxaddar leh loo abbaaro arrintan iyagoo si gaar ah farta ugu fiiqaya farqiga weyn ee u dhexeeya dadka deggan magaalooyinka iyo kuwa ku nool miyiga.
Maaddaama dumarka ku nool magaalooyinka qaaliga ah sida Beijing iyo Shanghai ay jeclaan lahaayeen inay dib u dhigaan ama ay ka fogaadaan dhalmada, kuwa miyiga ku nool waxay u badan tahay inay weli raacaan dhaqanka oo ay rabaan qoysas ballaaran, ayay ku doodeen khuburada qaar.












