Waa 106 jir qoob ka cayaarka samaysa, mana doonayso in ‘duqda’ loogu yeero
Eileen Kramer oo 106 jirsatay ayaa u muuqata mid sameysay wax soo saarki ugu badan ee ay abid sameeyso.
Maalin walba waaxay sheeko ka soo qortaa xarunta lagu daryeelo dadka waaweyn ee ku taallo Sydney, Australia, iyada oo daabacday buug kana mid noqotay tartanka sare ee sawirrada dalka Australia lagu qabtay.
Fannaanad Kramer oo dibadda ku nooleyd waxay magaalada Sydney ku soo laabatay markii ay da'deedu ahayd 99 jir. Wixii intaa ka dambeeyeyna waxay guda gashay iney fannaaniinta ka caawiso sidii ay muuqaalla tayo leh u soo saari lahaayeen iyada oo uga faa'ideyneyso aqoonta ay leedahay iyada oo sidoo kale qoob ka ciyaarka aad u xiiseyso.
Karamer weli waxay u ciyaareysaa si layaab leh iyada oo soo bandhigto xirfad qoob ka ciyaar oo la yaab leh, waxayna inta badan qoob ka ciyaarka u adeegsata qaarka hore. Sanadihii ugu dambeeyeyna waxay sida oo kale ahayd mid u jajaban tababarrada qoob ka ciyaarka.

Xigashada Sawirka, Sue Healey
"Tan iyo markii aan ku soo laabtay Sydney waxaan ahaa mashquul, waxaana mac-hadka NIda iyo masraxyo kale aan ku soo bandhigayey seddex nooc oo ka mid ah qoob ciyaarka", ayey tiri.
"Labo bandhig oo qoob ka ciyaar ah oo lagu qabtay Adelaide iyo Brisbane, waxaan ka qayb galay jilitaanka filimaan yaryar, saddex buugna waan qoray, maanta oo aan kula hadlayana fasax ayaan ahay" ayey ku tiri wariyaha gurigeeda kula kulmay.
Marar qaar waxaa la isweydiin karaa halka ay tamartaasi ay ka keento iyo haddii ay jirto sir ka dambeysa iyada oo da' ah iney qoob ka ciyaar sameyso.
Waxayna Kramer uga jawaabtay iney ardaydeeda ka mamnuucday ereyga "Duq" ana "Da", waxayna aniguba igula dardaarantay inaan mar dambe ereygaasi u adeegsado inta ay sheekada na dhex mareyso.
"Waxaan leeyahay ma ihi duq, waxaan halkan jooga muddo kooban wax badan ayaanna bartay", ayey tiri.
"Ma dareemayo sida ay dadku yiraahdaan waa inaad dareentaa markaad gabowdo. Aniga aragtida hal abuurka tani iyo yaraanyeyda waxay ii ahayd mid igu abuurneyd tan iyo carruurnimadeedi."

Xigashada Sawirka, Sue Healey
Niyad samida ay guriga la joogto
Sannadihii ugu dambeeyay Ms Kramer waxay lacag yabooh ah u uruurisay, isla markaana sameysay dhowr howlo qoob-ka-ciyaar ah oo ay iyadu gaar u leedahay.
Inta ay xayiraadaha saarnaayeen magaalada Sydney wuxuu si ku meel gaar ah u carqaladeeyey qorshaheedi ahaa iney ku duubto muuqaallada qoob ka ciyaarka cusub ee ay sameyn lahayd. Balse saameyntaasi muddo dheer ma sii jirin.
"Waan tagi waayey goobta filinka balse waxaan qoray buug aniga oo wakhtiga ka faa'ideysanaya, ayey tiri iyada oo qosleysa. "waana sheeka ku saabsan sida aan filimaanta u samyeno."

Xigashada Sawirka, Sue Healey
Goobta filinka lagu sameeya ayaa ah xaafadda Glebe oo ka tirsan magaalada Glebe. "Geedkan ayaa si weyn u bilay xirfaddeyda qoob ka ciyaar," ayey tiri.
"Weligaa ma u dhawaatay? Waxaad dareemeysaa inaad ku dhex jirtid qasriyadii sheeko xariirta carruurnimada aan ku shekeysan jirnay. Waxay igu celisay caruurnimadaydii."
Fannanad Kramer waxay caan ka noqotay xaafadaha Elizabeth ee magaalada Sydney oo ah halka ay deggan tahay.
"Waan yaabay, waana farxay, aadna wey ii taabatay, ayay tidhi.

Xigashada Sawirka, Sue Healey
Noolasha qurxda badan
Laga soo bilaabo marka aad noqotid qofkii ugu da'da weynaa ee bandhigyada soo muuqda oo da'diisu tahay 104, waxay guddoontay abaalmarinno dhowr ah oo ay ka mid tahay abaalmarinta farshaxamistaha ugu caansan Australia, Abaalmarinta Archibald, arrimahaasi oo muujinaya hibada hal abuur ee ay leedahay Eileen Kramer.
Waxay ku dhalatay Sydney's Mosman Bay, Ms Kramer waxay u tababartay qoob-ka-ciyaarka ka dibna waxay ku dalxiis tagtay Australia Ballet Bodenwieser muddo toban sano ka hor. Waxayna u safartay Hindiya, ka dibna waxay degtay Paris iyada oo ugu dambeynti u wareegtay New York halkaas oo ay ku nooleyd illaa ay da'deedu gaarto 99 jir.
Xirfaddeeda qoob ka ciyaarka waxay ku egtahay afar qaaradood iyo hal qarni, waxa waxa ugu horreeya oo aad u jeceshahay.
"Markii aan ku jiray kooxda qoob ka ciyaarka ma dareemeyn inaan keligeey ahay" ayay tiri.
"Aniga si ka duwan, dadka guursaday oo caruurna yeeshay waxaan ku noqday Yurub. Waxaanna u dulqaatay dhibaatooyinka xirfadda qoob-ka-ciyaarka iyo noolasha iga soo martay."

Xigashada Sawirka, Bodenwieser Dance Company
Inta ay dhalinyarada ahayd ee ay ku nooleyd magaalada Paris waxay sheegtay sida keli ah ee uu qofka noolasha uu ku dabbari karo lacag uu kiro isaga bixiyana xirfadda keli ah ee u suuragelineysay waxay ahayd inuu xirfadda qoob ka ciyaarka.
"Wey adkeyd inaan joojiyo maadaamaa ay macamiisha waxa ay doonayeen aan garanayo, inaad jirkaada muujisana ma ahayn mid sidaa au adag" ayay tahay.
Waxayna sheegtay marka ay muddo dheer oo ay ku nooleyd Yurub kaddib oo ay ku soo laabatay dalka Australia iney aad ula yaabtay dhaqanki qadiimka ahaa ee dalkaasi ka jiray sida ay dadku uga tagin.
"Wakhtiyadan dambe waxaan ka baqaa cudurka Covid-19 ee dunida faraha ba'an ku hayo maxaa yeelay cudurku halis buu leeyahay inkasta oo tallaal loo helay."
"Waan ka baqayaa inuu cudurka igu dhaco, waxaana ku dadaalayaa inaan caafimaadkeyga ilaashado uu cudurka igu dhicin oo aan bukoon" ayey tiri.













