Daawo: Wiil Soomaali ah oo samaynta doolshooyinka ku xeeldheer

Qoraalka Muuqaalka, Wiil Soomaali ah oo samaynta doolshooyinka ku xeeldheer
Published

Sakariye Cabdifataax Maxamuud oo ah nin dhallinyaro ah oo Soomaali ah oo Yurub ku nool ayaa ka mid ah dadka aadka ugu xeeldha dheer samaynta noocyada kala duwan ee doolshooyinka, tani oo ahayd wax illaayaraantiisii uu ku riyoon jirey.

Hadda waxa uu sheegayaa in uu ku haminayo sidii uu ku hormarin lahaa cuntooyinka macmacaanka Soomaalida, islamarkaasna looga abuuri lahaa ganacsiyo macaash sameeya.

BBC-da ayuu uga waramay hawlaha uu qabto.