Ibraahim Raiisi-ga Iiraan: Wadaadka mayalka adag ee lagu wado inuu madaxweynaha noqdo

Xigashada Sawirka, ATTA KENARE/AFP
Ibraahim Raiisi, oo ah wadaad mayal adag oo u dhaw Hogaamiyaha Ruuxiga ah Ayaatullaahi Cali Khamenei, ayaa waxa uu ku guulaystay doorashada madaxtinimada ee Iiraan.
60-jirkan ayaa waxa uu ku dooday inuu yahay qofka ugu wanaagsan ee la dagaalami kara musuq maasuqa xallinna kara dhibaatooyinka dhaqaalaha ee ay Iiraan wajahday intii uu xilka hayay madaxweynaha talada sii banaynaya Madaxweyne Xasan Ruuxaani.
Waa xaakimka ugu sarreeya ee dalkiisa, siyaasaddiisuna ay tahay mid aad muxaafid u ah. Iiraaniyiin badan iyo kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa waxa ay tilmaameen doorka la sheegay inuu ku lahaa dilal wadareed lagu fuliyay maxaabiista siyaasadeed ee 1980-yadii.

Xigashada Sawirka, Anadolu Agency
Ibraahim Raiisi waxa uu 1960 ku dhashay magaalada Mashhad, oo ah magaalada labaad ee ugu wayn dalkaasi ayna ku yaallaan goobaha barakaysan ee Shiicada dalkaas. Aabihiis waxa uu ahaa wadaad, waxa uuna dhintay isagoo shan sano jir ah.
Mr Raiisi oo xiran dhar madow ah oo Shiicada lagu yaqaan ayaa waxa uu raacay aabihii, isagoo markii uu 15-jirka ahaa billaabay inuu tago malcamadaha Shiicada ee ku yaal magaalada barakaysan ee Qum.
Isagoo arday ah ayaa waxa uu ka qeyb qaatay dibadbaxyo loogaga soo horjeeday maamulkii Shah ee ay reer Galbeedku baritaarayeen, kaas oo markii dambe awoodda loogaga xayuubiyay 1979, kacdoonkii Islaamiga ahaa ee uu hogaaminayay Ayaatullaahi Ruuxullah Khomeini.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kaddib kacdoonka waxa uu ku biiray garsoorka waxa uuna dacwad ooge ka soo noqday dhowr magaalo iyadoo uu tababar ka qaadanayay Ayaatullaahi Khamenei, kaas oo madaxweynaha Iiraan noqday 1981-kii.
Mr Raiisi ayaa noqday ku xigeenka dacwad oogaha Tahraan isagoo 25 jir ah.
Isagoo xilkaasi haya ayuu ka mid noqday afar garsoore oo xaakimiin ka ahaa maxkamado si qarsoodi ah loo sameeyay 1988 ee loo yaqaannay "Guddiggii Geerida".
Maxkamadahaasi "ayaa waxa ay dib u qaadeen" kumannaan maxaabiis ah oo markii horaba xabsiga loo dhigay dhaqdhaqaaqooda siyaasadeed. Qaar badan oo ka mid ah waxa ay xubno ka ahaayeen kooxda mucaaradka ee garabka bidixe ee Mujaahidiin e Khalaq (MEK) oo sidoo kale loo yaqaan Hay'adda Dadka Mujaahidiinta ee Iiraan (PMOI).

Xigashada Sawirka, AFP
Tirada rasmiga ah ee dadka dilka ay maxkamadahaasi ku xukumeen ayaanan la ogayn, hasayeeshee kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in 5,000 oo rag iyo haween ayaa la dilay laguna aasay xabaal wadareedyo aanan calaamadaysnayn taas oo ka dhigan dambi ka dhan ah aadanaha.
Hogaamiyayaasha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ayaanan diidin in dilalkaasi ay dhaceen, hasayeeshee ma ka hadlaan faafaahintooda iyo sharciyadda kiisaska shakhsiyaadka arrintaasi lagu fuliyayba.
Mr Ra'iisi ayaa waxa uu si joogta ah u diiday doorkii uu ku lahaa xukunnada dilka ah. Hasayeeshee waxa uu sidoo kale sheegay in lagu bannaystay fatwo ama xukum diimeed uu soo saaray hogaamiyihii hore ee ruuxiga ahaa Ayaatullaahi Khomeini.
Shan sanadood ka hor waxaa la dusiyay cod laga duubay kulan 1988 dhexmaray Mr Raiisi, dhowr xubnood oo garsoorka ka tirsan iyo kuxigeenkii hogaamiyihii ruuxiga ahaa ee xilligaas Ayaatullaahi Xuseen Cali Montazeri. Codkaas ayaa waxaa laga dhex maqli karaa Montazeri oo dilalka ku tilmaamaya "dambigii ugu waynaa ee la galay taariikhda Jamhuuriyadda Islaamiga ah". Sanad kaddib Montazeri waxa uu lumiyay booskiisii ahaa inuu badelo Khomeini, taa badalkeedana waxaa markii Khomeini dhintay xilka Hogaamiyaha Ruuxiga ah la wareegay Ayaatullaahi Khamenei.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Mr Raiisi ayaa waxa uu noqday dacwad oogaha Tahraan, kaddibna waxa uu noqday madaxa hay'adda la socota tayada ee qaranka iyo kuxigeenkii ugu horreeyay ee garsoorka, ka hor inta aanan 2014 loo magacaabin dacwad oogaha guud ee Iiraan.
Laba sanadood kaddib, Ayaatullaahi Khamenei ayaa waxa uu u magacaabay inuu madax ka noqdo mid ka mid ah hay'adaha ugu muhiimsan uguna qanisan ee Iiraan, waa Astan-e Quds-e Razavi.
Waxa ay hay'addaasi maamushaa mawlacyada siddeedda ah ee Shiicada Imaam Reza ee Mashhad iyo sidoo kale dhowr hay'adood oo kala duwan oo halkaas ka farcama.
Sida ay sheegtay dowladda Mareykanka, waxa ay dhaqaale baaxad leh ku haysataa dhanka dhismaha, beeraha, tamarta, isgaarsiinta iyo adeegyada maaliyadda.

Xigashada Sawirka, AFP
2017-kii Mr Raiisi ayaa waxa uu kormeerayaasha kaga yaabsaday inuu u tartamo xilka madaxtinimada.
Mr Ruuxaani, oo isna wadaad ah, ayaa waxa uu ku guulaystay muddo xileedkiisii labaad, isagoo guul muhiim ah soo hooyay wareeggii koobaad ee doorashada, markaas oo uu helay 57% ee codadka. Mr Raiisi, oo isku soo bandhigay inuu yahay nin la dagaalama musuq maasuqa hasayeeshee madaxweynaha ayaa waxa uu ku eedeeyay inuusan wax badan ka qaban musuq maasuqa markii uu ahaa kuxigeenka madaxa garsoorka, doorashada xilligaas la qabtayna waxa uu ka helay 38%.
Guuldarradaas waxba uma aanay dhimin jaaha Mr Raiisi iyadoo 2019-kii uu Ayaatullaahi Khamenei uu u magacaabay booska awoodda badan ee madaxa garsoorka.

Xigashada Sawirka, Anadolu Agency
Todobaadkii xigay, ayaa sidoo kale waxaa loo doortay gudiimiye ku xigeenka Golaha Khubarrada, kaas oo ku jiraan 88 wadaad oo mas'uul ka ah doorashada Hogaamiyaha Ruuxiga ah ee xiga.
Intii uu ahaa madaxa garsoorka Mr Raiisi waxa uu sameeyay isbadello horseeday in ay hoos u dhacaan tirada dadka dilka lagu xukumo oo loo dilo falal dambiyeedka la xiriira maandooriyayaasha ee dalkaasi. Sikastaba xaalku ha ahaadee, Iiraan ayaa waxa ay sii waddaa in dad badan ay disho iyadoo arrintaas uu Shiinaha oo kaliya uu kaga horreeyo.
Garsoorka ayaa sidoo kale sii wada inuu la shaqeeyo laamaha ammaanka si howlgal loogu fuliyo mucaaradka iyo in la maxkamadeeyo Iiraaniyiin badan oo laba dhalasho haysto ama ajaaniib daganaanshiyo joogta ah dalkaas ka haysto oo lagu eedeeyo inay basaasiin yihiin.

Xigashada Sawirka, EPA
Markii Mr Raiisi uu ku dhawaaqay inuu u tartamayo xilka madaxtinimada ee doorashada 2021-ka, waxa uu ku dhawaaqay "inuu masraxa si madax bannaan u soo fuulay si uu isbadello uga sameeyo hay'adda fulinta ee dalka iyo inuu la dagaalamo saboolnimada, musuq maasuqa, isdullaysiga iyo takooriadda".
Wax badan lagama oga nolosha gaarka ah ee Mr Raiisi oo aan ka hayn xaaskiisa Jamiilah, taas oo wax ka dhigta Jaamacadda Shahid Beheshti ee magaalada Tahraan, iyo inay laba carruur ah dhaleen. Waxaa ninkaasi sodog u ah Ayaatullahai Axmed Alamolhoda, oo ah nin mayal adag oo ah khadiibka khudbo Jimcaha ka akhriya masjidka way nee Mashhad.














