Gobol shareecada Islaamka looga dhaqmo oo mamnuucay Boombalada bini'adanka loo eekeeysiiyay

Boombalooyinka la mamnuucay

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published

Boombalada sida bini'adamnka loo suureeyay ee dharka lagu xayeesiiyo gaar ahaan kuwa dumarka laga matalay ayaa waxaa laga mamnuucay gobol ku yaalla waqooyihga Nigeria ka dib marki ay maamulka sheegeen in ka soo horjeeddo shareecada Islaamka.

Boombalooyinka noocyadaas oo kale ah ayaa "sidoo kale mas'uul ka ah fikradaha anshax darrada ah ee ka dhex dhaca qaar ka mid ah dadweynaha", sida uu sheegay madaxa booliiska arrimaha diinta ee gobolka Kano, ee halkaasi Hisbah laga yirahdo.

"Booliska Hisbah ayaa mamnuucaya isticmaalka boombaloyinka ee dukaamada, goobaha ganacsi iyo xitaa guryaha la degan yahay ee gaarka loo leeyahay iyo goobaha ay dadweynaha isugu yimaadaan."

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Haaruun Muxamed Sani Ibn Sina ayaa sheegaya in marka hore olole wacyi gelin ah oo ka dhan ah boombaloyinka loo suureeyay sida bini'aadanka la qaadi doono hase yeeshee wuxuu yiri "Wixii markaasi ka dambeeya qof kasta oo lagu arko inuu sii wadi isticmaalka boombalooyinka uu la kulmi doono ciqaab adag oo xarig iyo ganaax isugu jira."

Gobolka Kano waa mid ka mid ah 12ka gobol ee Nigeria ee looga dhaqmo shareecada Islaamka iyo sharciyada madaniga ee dalka u yaalla.

A team of Islamic Sharia enforcers called Hisbah is on patrol in the northern Nigerian city of Kano in an open pickup on 29 October 2013

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Maxkamadaha shareecada Islaamka ee gobolka Kano waxay leeyihiin booliis u gaar ah

"Dawaarleyaasha, dukaamada waaweyn iyo milkiileyaasha dukaamada dhammaantood waxay laga rabaa inay u hogaansamaan sharcigaan cusub, waxaana lala socon doonaa inay fulinayaan iyo in kale." ayuu Sheikh Ibn Sina ku sheegay bayaanka.

.

Gobolka Kano waa mid ka mid ah 12ka gobol ee Nigeria ee looga dhaqmo shareecada Islaamka iyo sharciyada madaniga ee dalka u yaalla.

Inta badan Muslimiinta dalkaas waxay ku nool yihiin waqooyiga Nigeria, keliya Muslimiinta ayaana lagu xukumaa maxkamadaha shareecada.

Mar sii horreeysay Maxkamad islaami ah oo ku taalla waqooyiga Nigeria ayaa nin fanaan ahaa ku xukuntay dal dalaad kaddib markii lagu helay dambi ah in uu aflagaadeeyay nebi Maxamed NNKH.

Maxkamadda sare ee shareecada islaamka ee ku taalla Kano ayaa go'aamisay in Yaxya Maxamed Shariif Aminu uu diinta aflagaadeeyay xilli uu qaaday hees si weyn loogu baahiyay barta WhatsApp.

Dad careysan oo dibadbaxyo dhigayay ayaa codsaday in lasoo xiro fanaanka

Xigashada Sawirka, Idris Ibrahim

Qoraalka sawirka, Dad careysan oo dibadbaxyo dhigayay ayaa codsaday in lasoo xiro fanaanka