Iran dan ma ugu jirtaa haddii Mareykanka uu ciidamadiisa Ciraaq kala baxo?

Asakari Ameerikaan ah oo saaran diyaarad nooca qumaatiga u kaca oo sita qori darandoori u dhaca
Qoraalka sawirka, Mareykanka haatan dalka Ciraaq waxaa ka jooga oo keli ah 2,500 oo askari
Published

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ahaaca ka qaaday ciidamada dalkiisa ka jooga Ciraaq iney dabayaaqada sanadkan ay dalkaasi ka baxayaan.

Marki hore waxay ahayd Afghanistan haddana waa Ciraaq. Iyada oo uu Ra'isal wasaaraha Ciraaq uu booqasho uu ku marayo aqalka cad si uu kulan ula yeesho Madaxweyne Joe Biden xilli la filayo Mareykanka inuu ku dhawaaqo dhammaan ciidamada ugu dambeeya ee ka jooga Ciraaq inuu dabayaaqada sanadkan kala baxayo, tallaabbadaasi oo qayb ka ah "Wadahadallada istiraajiyadeed ee Mareykanka iyo Ciraaq' ee muddooyinki ugu dambeeyey soo socday.

Haddaba arrintan waxaa ka dhalaneysa su'aal muhiim ah: Arrintan maxaa ka dhalan karo ma waxay sabab u noqon kartaa inuu markale uu soo noqdo ururkii la magac baxay dowladda islaamka ee IS?

Duullaanka uu Mareykanka ku qabsaday dalka Ciraaq oo ay haatan ka soo wareegtay 18 sano, Mareykanka oo keli ah waxaa dalka Ciraaq hadda ka joogo 2,500 oo askari iyo tira yar oo ciidama gaar ah oo aan tiradooda la shaacin oo laoogu talagalay howlgallada gaarka ah ee la dagaallanka IS?

Ciidamada Mareykanka ee Ciraaq ku soo haray waxay ku soo uruureen seddex saldhig oo keli ah iyada oo ciidamada Mareykanka ee Ciraaq duullaanka ku qabsaday ay tiradoodu ahayd 160,000.

Balse weli saldhigyada Mareykanka ee Ciraaq waxay la kulmaan weerarro dhinaca gantaalla ah iyo kuwo loo adeegsado diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo isdabajoog ah oo looga shaki qabo iney werarradaasi ka dambeeyaan maleeshiyaad ay Iraan taageerto.

Shaqada ugu weyn ee ay ciidamada Mareykanka qabtaanna waxaa ka mid ah tababaridda iyo caawinta ciidamada ammaanka Ciraaq oo weli la dagaallamayo kacdoonno goosgoos ah iyada oo dhimashada ugu badan ay halkaa ka geystaan kooxada jihaad doonka ee IS.

Qoraalka Muuqaalka, Waa kumaa Qaasim Suleymaani?

Balse ciidamada Mareykanka iney Ciraaq sii joogaan muran badan ayaa ka dhashay.

Siyaasiyiinta iyo Maleeshiyaadka ay Iran taageerto ee ku sugan Ciraaq ayaa doonaya iney ciidamada Mareykanka gabi ahanba baxaan, gaar ahaanna wixi ka dambeeyey marki Madaarka Baghdaad bishii Janaayo ee 2020-ka lagu khaarijiyey madaxii ciidamada ilaalada kacaanka Iran ee Quddus, General Qaasim Suelymaani iyo taliyihii ugu sarreeyey maleeshiyada shiicada ee Ciraaq.

Xataa Ciraaqiyiinta aan dhanna la safneyn waxay doonayaan iney arkaan dalkooda oo xoogagga shisheeya ka madaxbannaan, maadaamaa ay dadkaasi dareensan yihiin duullaanka ay ciidamada shisheeya dalkooda ku qabsadeen uu yahay mid qiiro gaar ah ku reebay.

Mareykanka oo ciidamadiisa si buuxda ugala baxa dalka Ciraaqna waxaa loo arkay iney la mid tahay Ciraaq oo Iraan lagu wareejiyey.

Mareykanka wuxuu muddo dheer doonayey inuu mar un uu lugaha kala baxo waxa u madaxweyne Biden uu ugu yeeray "Dagaalka aan dhamaadka lahayn" ee Bariga Dhexe ka socda.

Sidaa darteedna ka bixitaanka ciidamada Mareykanka iyo xulafadiisa ee dalka Afghanistan waxay doonayaan iney iu jiheystaan dhanka Aasiya-Baasifika iyo Badda Konfurta Shiinaha.

Dowladda Islaamka ee Labaad?

Saansaanta halkan ka taagan waxay u muuqataa soo nooleynta ururka IS iyo suurtagalnimada taariikhda oo markale isqorto.

2011-kii Madaxweyne Barrack Obama wuxuu shaaca ka qaaday ciidamada Mareykanka ee Ciraaq ku sugan iney gabi ahaantood baxayaan.

Inkasta oo tani iyo wakhtigaas ay tira yar oo ciidamada Mareykanka ka mid ah ay Ciraaq sii joogeen, maadaamaa ay sii kordheysa xiisadda gudaha Ciiraaq ka jirta iyo dagaallada sokeeya ee ka dhacay dalka Suuriya taasoo fursad u siisay kooxda IS iney dib u qabsadaan magaalada Mosul oo ah caasimadda labaad ee dalka Ciraaq, kaddibna qabsaday deegaanno ay ciidamada waddamada reer Yurub joogeen balse ay ka baxeen.

Haddaba ma dhici kartaa taa iney markale dhacdo? Ma dhici kartaa in ururka IS ee labaad uu dib iisu soo abaabulo taasina ay niyadjab ku keento ciidamada Ciraaq haddii ay tageerada Mareykanka meesha ka baxdo?

Saldhigga Cirbil ee Ciraaq
Qoraalka sawirka, Maleeshiyaad Ciraaq ka dhaqdhaqaaqa ee ay Iran taageerto ayaa looga shaki qabaa iney ka dambeeyaan weerarra dhanka gantaallada ah ee lala beegsado saldhigyada ciidamada Mareykanka ee Ciraaq.

Ururka IS ayaa ahaa mid si weyn taageero uga helay muslimiinta sunniga ah ee dalka Ciraaq kaddib marki ay gacan bidixeysay dowladda Ciraaq uu majaraha u hayey Ra'isl Wasaare Nuur Al-Maaliki inti u dhaxeysay 2006-2014 oo Shiicada ka soo jeeda.

Ururka IS oo xilligaasi si weyn isugu ballaadhiyey dalka Ciraaq iyo waddamada kale ee Bariga dhex waxaa dagaal ka dhan ah oo shan sanadood socday oo ay balaayiin doolar ku baxday la galay 80 dal oo dagaalkaasi xulafa ku noqotay.

Jarta ay muddo dheer soo dageysay Iran

Tani iyo marki uu dhashay Kacaanka Islaamiga ee Iraan ee sanaddi 1979-kii waxay Iran marweliba isku dayeysay iney Mareykanka ka saarto bariga dhexe si ay iyadu u noqoto awoodda gobolka ugu sarreysa .

Waxayna Iran muddadaasi guulo aad u yar ay ka soo hooysay waddamada carbeed ee khaliijka oo aan kalsoonida ay ku qabaan Iran aad u yartahay, halka ay Militariga Mareykanka ilaa iyo lix waddan ay ku leeyihiin saldhigyo uu ka mid yahay xaruunta dhexe ee ciidamada badda saldhiggooda shanaad ee ugu weyn oo ku yaalla Bahrain.

Qaar ka mid ah Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran oo dhoollatus sameynaya

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran tiradooda waxaa lagu qayaasaa 190,000 oo askari oo heegan ah

Balse ciidamada xulafada uu Mareykanka horkacayey marki ay 2003-dii ka takhaluseen Sadaam Xuseen waxaa meesha ka baxay caqabaddi ugu weyneyd ee Iran ka hortaagneed iney waddamada gobolka isku ballaadhiso.

Waxayna Tehraan si buuxda ugu guuleystay iney gudaha iyo Ciraaq iyo waddama kale oo ku yaalla bariga dhexe iney ka howlgeliso maleeshiyaad Shiica ah oo iyadu taabacsan iyada oo siyaasaddi Iran ee qaabkaa ku billaabatay ay u suuragelisay iney siyaasiyiinta taageersan ay awood ku yeeshaan baarlamaanka Ciraaq.

Dagaalka sokeeye ee Suuriya ka qarxayna waxay Iran fursad u siisay iney ciidamadeeda halkaasi ka howlgalaan, halka albaabka xiga ee taageerada Tehran uu ka iman karo oo ah ururka Xisbullaah uu fashigiisu yahay Lebnaan uu u dhawaado.

Iraan ayaa ciyaareysa khidda siyaasadeed oo cajiib ah oo muddo dheerna ay ku taameysay. Hoggaamiyeyaasheeduna waxay rajeynayaa haddii ay sii waddo saameynta muuqata iyo midda qarsoon ee ay wadaan ay Bariga Dhexe ka dhigi doonto meel aan u habbooneyn siyaasadda iyo militariga Mareykanka.

Dad badan oo reer Iran ah ciidamada Mareykanka iney gabi ahaantood ka baxaan dalka Ciraaq waxay u arkaan iney tahay tallaabbo dhanka wanaagsan loo qaaday isla-markaana sii balladhineyso fursadda Tehran ay ku meel marineyso hammigi fogaa ee ay Bariga Dhexe ka lahayd.