Cameron Herrin: Maxaa hadda loo hadal hayaa quruxlowgan la xukumay?

,

Xigashada Sawirka, WFTS

Published

Waxaa dib u soo laba kacleeyay baaqyo ku aaddan in xukunka laga khafiifiyo Cameron Herrin oo 21 jir, kaasoo hadda gudanaya xabsi muddo dheer ah.

Ninkan oo dadka qaar ay u bixiyeen "quruxlowgii xabsiga loo taxaabay" ayaa lagu helay dembi ah in sanadkii 2018 uu gaari jiirsiiyay haweeney iyo gabar yar oo ay dhashay.

Bishii April ee sanadkan ayaa lagu xukumay 24 sano oo xabsi ah. Xukunkaas kadib, waxaa baraha bulshada, gaar ahaa TikTok qabsaday muuqaal laga soo duubay maxkamadda xilliga xukunka lagu ridayay.

Malaayiin qof oo u badan hablo ayaa xilligaas niyad jab iyo loo-qaadan waa ka muujiyay xukunka ninkaas, iyagoo inta badan aragtidaas ku salaynayay wejigiisa qurxoon.

Hadda, waxaa markale bilowday olole inta badan ka socda Twitter oo lagu dalbanayo in xukunka laga khafiiyo Herrin.

Shirkadda Twitter ayaa dhankeeda bilowday inay hawada ka saarto cinwaano ay uga shakiday inay yihiin si otomaatik ah ay mashiinno u soo dirayaan, isla markaana lagu marin habaabinayo dadka.

Waxaa fekerkaas qaba khubaro ay kamid tahay Dr. Loni Hagen oo bare ka ah kuliyadda tiknoolajiyadda ee jaamacadda South Florida.

Ujeedada laga leeyahay baaqyadan iyo hashtag-ga #JusticeForCameronHerrin ayaa la sheegay in ay tahay in dib loogu soo celiyo hadal-haynta ninkaas xukuman.

Maxay gabdhaha Soomaaliyeed ka yiraahdeen xukunka Cameron Herrin?

Gabdho badan oo ka fal celiyay xkunka lagu riday Cameron Herry ayaa sheegay inuu yahay quruxlow aan u qalmin in xabsiga la dhigo, iyadoo qaarkood ay si kaftan leh u sheegeen inay booskiisa ku beddeli lahaayeen 10 wiil oo Soomaali ah. Gabdhaha qaar ayaa ku kaftamay in tani ay jawaab u tahay sida ay dhawaan wiilasha Soomaaliyeed uga daba dhaceen fannaanada reer Sudan Nada Al Qala.

CAMERON

Xigashada Sawirka, FACEBOOK

Waxaa jira gabdho kale oo feker kaas ka duwan qaba, sida Khayriya Bintu Siciid, waxay tiri: "Wiil Soomaliyeed ayaan tageera war gabdhaw iska daaya wiilkaas xitaa hadaad jeclayn heli maysaan raggeennii Soomaalida ahaa geesiyaasheenii ba buuxa."

Hibak Axmed ayaa iyaduna tiri, "Mid aan ogahay oo Soomaali ah kama qurux badna marka laga reebo timaha xataa qoorta dheer iyo hab labiskiisa."

Cameron

Xigashada Sawirka, FACEBOOK

Qoyska Herrin ayaa sheegay inay iibiyeen gurigooda si ay u helaan lacag ay siiyaan qoyska dhibbanayaasha.

Baarayaasha ayaa sheegaya in Herrin uu gaariga ku waday xawaare dhan 100 mayl saacaddii markii uu jiirayay Jessica iyo gabadheeda.