Maareeye: "Anagu marna kama qeybgaleyno doorasho aan ahayn wixii lagu heshiiyay"

Qoraalka Codka, Maareeye: "Anagu marna kama qeybgaleyno doorasho aan ahayn wixii lagu heshiiyay"
Published

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa ku wargeliyay 11-ka xubnood ee Guddiga Doorashooyinka xildhibaannada gobollada Woqooyi in doorashada Guddoonka Guddiga la qaban doono maalinta Sabtida ah ee soo socota, iyadoo ka dhici doonta xerada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Arintan ayaa imaanaysa maalin uun ka dib markii Ra’iusl Wasaare Maxamad Xuseen Rooble uu kulan la qaatay 11-ka xubnood ee Guddiga oo horey isugu khilaafay qaabka ay isu dooranayaan.

Durbana siyaasiyiinta reer Woqooyiga ee uu hogaamiyo Gudoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdiilaahi, ayaa ka soo horjeestay in 11 ka xubnood is doortaan, iyagoo taa badalkeeda codsanayay in 8 kaliya iska dhex doorato guddoonka Guddiga.

Maxamed Cabdi Maareeye oo ka mid ah garabka Gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa khadka telefoonka ugu warramay Xasan Cali Geelle.