Dib u milicsiga Cabdi Maxamuud Cumar iyo sida loo xiray

Xigashada Sawirka, ETV
Madaxweynihi hore ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa xabsiga loo taxaabay bishii August 2018-ka.
Ciidamada amniga ee dowladda dhexe ee Itoobiya ayaa Cabdi Maxamuud Cumar ka kaxeeyey gurigiisa oo ku yaallay magaalada Addis Ababa. Baarlamaanka deegaanka Soomaalidana waxay Cabdi Maxamuud Cumar xasaanaddi ka qaadeen 26-kii August 2018-ka.
Guri uu ka deganaa magaalada Addis Ababa meel u dhow Hotel Atlas ayay ciidamada federaalka ka kaxeeyeen Cabdi Maxamuud Cumar, madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka, kaas oo markaasi muddo bilk u dhow ku jiray xabsi guri.
Muuqaal xilliga Cabdi Maxamuud Cumar xabsiga loo taxaabayey aya amuujinayey isaga oo askar hiubeysan oo Federaal boolis ah ay garab socdaan.

Xigashada Sawirka, ETV
Xeer ilaaliyaha Guud ee Itoobiya oo xarigga Cabdi ka hadlay wuxuu sheegay in loo haysto gabood fallo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo ku tagrifalid awoodeed.
Ra'isulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ka hadlay xarigga Cabdi Maxamuud Cumar wuxuu sheegay inuu mari doono dariiqa saxda ah ee garsoorka, helina doono maxkamadayn caddaalad ah.
Muddada uu Cabdi Maxamuud Cumar uu ku jiray gacanta dowladda dhexe waxaa marar badan la soo taagay maxkamadda sare inkasta oo ilaa iyo hadda wax go'aan ah oo ay maxkamadda kiiska Cabdi ka gaartay aysan jirin.

Cabdi Maxamuud Cumar oo 8 sano madaxweyne ka soo ahaa dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya wuxuu xilka iska casilay 6-da August 2018-kii.
Hase yeeshee muddo bil ah marka uu xabsi guri ku jiray ayaa xabsi loo taxaabay laguna soo oogay dacwad la xidhiidha rabshado ka dhacay magaalada jigjiga 24 bisha August ee 2018-ka oo la sheegay iney ku dhinteen dad kor u dhaafay 40 qof.
Xabsi ayuu wali ku jiraa mana cadda marka maxkamadeyntiisu ay dib u billaabmi doonto.












