"Riyo rumowday"-Gantaalkii ugu weynaa abid oo Maraykanka lagu sameeyey

Xigashada Sawirka, SPACEX
Shirkadda American SpaceX ayaa gantaalkii ugu weynaa abid samaysay.
Labada qaybood ee gantaalkan ayaa ka koobnaa - qaybta sare oo la yidhaa Starship iyo xoojiye qaybta hoose ah oo la yidhaa Super Heavy - labadaa qaybood oo isku xidhan ayaa lagu soo bandhigay goob ku taal Boca Chica, Texas.
Joog ahaan waxaa lagu qiyaasay 120m (400ft), gantaalkan SpaceX ayaa kormaraya nidaam kasta oo bilow ah.
Matoorrada ugu waaweyn ee Apollo ee gantaallada caanka ah ee Saturn V ayaa geeyay 35 meganewtons (ku dhawaad 8 milyan oo rodol oo xoog ah) . Laakiin gantaalkan cusub ee SpaceX Super Heavy waa inuu gaadhaa ku dhawaad 70 meganewtons.
Wiish aad u baaxad weyn ayaa loo baahday si loogu qaado labada qaybood ee ka kooban yahay, bandhiggiisii.

SpaceX wali waxaa ka horeeya toddobaadyo ilaa bilo uu ku jirayo xaalad tijaabo ah si ay si loogu diyaar garoobo duullimadkiisii u horreeyey.Ugu dambayntii, in kasta, SpaceX ay sheetgay in qorshaheedu yahay in uu yeesho meel laga kaantaroolo marka uu soo dhaco ee soo gaadho dhulka ama aagagga badda, si dib loogu isticmaalo.
Maamulaha shirkadda, Elon Musk, ayaa sheegay in nidaamka Starship, marka si buuxda loo horumariyo, uu ka awood badnaan doono inuu aadamaha geeyo Dayaxa iyo Mars.

Xigashada Sawirka, SPACEX
Wakaaladda hawada sare ee Mareykanka, Nasa, waxay durba qandaraas siisay SpaceX si ay u soo saarto nooc ka mid ah Starship-ka heerka sare oo ka soo degi kara cirbixiyeennada meel u dhow cidhifka koonfureed ee dayaxa tobankii sano ee la soo dhaafay.
Guusha ugu weyn ee Jimcaha la baahiyey ayaa daba socotaa bilo hawlo xiiso leh oo ka socday Boca Chica.
Injineerradu waxay dhiseen tusaalooyin is xigxigay, si ay uga gun gaadhaan ugu danbayn kan ay sameeyeen. Kuwani waxay ka caawiyeen kooxda naqshadeynta inay fahmaan habka ugu wanaagsan ee loo soo saari karo farsamo kale oo ka ilbaxsan mustaqbalka.
Gantaalkan lama isticmaali doono ilaa ay shati ka haystaan Maamulka Duulista Hawada ee Federaalka (FAA).
Wakaaladda dawladda ayaa hadda ku hawlan dib-u-eegista deegaanka oo mar uun ku casuumi doonta wada-tashi dadweyne oo 30 maalmood ah, si lo qiimeeyo khasaaraha ka dhalan kara. Laakiin Mr Musk wuxuu aad u danaynayaa inay si wanaagsan u dhacdo kahor dhammaadka sannadka.
Mask ayaa ku qeexay natiijada gantaalkan "riyo rumowday".Gantaalka ugu xooggan ee hadda shaqeynaya waa Falcon Heavy, oo ay sidoo kale dhistay SpaceX. Kani waxa UU soo saaraa 23 meganewtons oo la riixo marka la bilaabayo

Xigashada Sawirka, SPACEX












