Afgaanistaan: Mustaqbalka Dooxada Panjshir oo uu mugdi ku jiro xilli uu soconayo dagaal culus

Anti-Taliban militants in training

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Kumannaan qof ayaa waxa ay ka qeyb qaadanayaan dagaalka Panjshir
Published
Waqtiga akhriska: 2 daqiiqo

Mustaqbalka Dooxada Panjshir ee waddanka Afgaanistaan - oo ah meesha kaliya ee aanan ku jirin gacanta Taalibaan - ayaanan weli kala caddayn xilli uu soconayo dagaal culus.

Ila wareedyo ka agdhaw Taalibaan ayaa u sheegay wakaallada wararka ee Reuters inay qabsadeen aaggaasi, hasayeeshee dagaalyahannada wax-iska-caabbinta ayaa arrintaasi gaashaanka u daruuray.

Mid ka mid ah xooggaga iska-caabbinta, Amrullah Saleh, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay inuu cararay, hasayeeshee waxa uu sheegay in xaalku uu "adag yahay".

Dagaalka ka soconaya Panjshir ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen boqollaal qof.

Dooxada oo ku taal waqooyiga magaalada caasimadda ah ee Kabul, ayaa ah mid ka mid ah gobollada ugu yar waddanka Afgaanistaan, waana goobta kaliya ee aanan soo gelin gacanta Taalibaan.

Goobtaas oo caadiyan lagu yaqaan in laga mucaarado Taalibaan ayaa waxa ay hoy u tahay inta u dhaxaysa 150,000 illaa 200,000 oo qof, waxaana ku hareeraysan buuro.

An Afghan resistance fighter in Panjshir

Xigashada Sawirka, AFP

Dagaalyahannada wax-iska-caabbinta 0 oo ay ku jiraan ciidamo hore uga tirsanaan jiray milateriga Afgaanistaan iyo maleeshiyaad maxalli ah - ayaa waxaa hogaaminaya hogaamiyaha qabiilka halkaas deggan ee Axmed Mascuud. Aabihii ayaa guulo ka soo hooyay dagaalkii Midowgii Soofiyeet kaas oo dalkaas soo galay 1980-yadii, iyo weliba ururka Taalibaan oo uu la dagaallamay 1990-yadii.

Farriin muuqaal ah oo uu BBCda u soo diray ayuu Mr Saleh, madaxweyne ku xigeenkii hore ee Afgaanistaan, waxa uu ku sheegay in labada dhinacba uu dagaalka khasaare ka soo gaaray.

"Waxaanan shaki ku jirin in xaaladdu ay adag tahay. Taalibaan ayaa weerrar nagu hayso," ayuu yiri.

Hasayeeshee waxa uu ku daray intaas: "Ma isdhiibi doonno, Afgaanistaan ayaan u taagannahay."

Waxa uu sheegay in muuqaalka uu u soo diray si uu dadka ugu xaqiijiyo in wararka sheegaya inuu dalka isaga baxay ay been yihiin. Sikastaba xaalku ha ahaade, BBCda ayaanan si madax bannaan u xaqiijin karin deegaanka uu ninkaasi ku sugan yahay.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

1px transparent line

Cali Nazari, afhayeenka dagaalyahannada Jabhadda Iska-caabbinta Qaranka, ayaa BBC World News waxa uu u sheegay in fallaagadu ay dib u riixday Taalibaan.

"Boqollaal dagaalyahannada Taalibaan ah ayaa go'doon ku jira. Rasaastiina waa ay ka sii dhammaanaysaa, waxaana haatan socda wadahadalkii ay isku soo dhiibi lahaayeen," ayuu yiri.

Hasayeeshee saraakiisha Taalibaan ayaa iyana guul ka sheeganayay deegaankaasi, iyadoo taliye uu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters: "In amarka Alle, aannu haatan maamulno guud ahaan Afgaanistaan. Dadka qaswadayaasha ah ayaa laga adkaaday Panjshir-na haatan waxa ay ku jirtaa gacanteenna."

Taalibaan ayaa haatan waxa ay gacanta ku haysaa inta kale ee dalka, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo aaddan ay ku dhawaaqaan dowlad cusub.

Midowga Yurub iyo UK ayaa Jimcihii waxa ay ku biireen Mareykanka iyagoo sheegay inay la tacaamuli doonaan kooxdan Islaamiga ah, hasayeeshee aanay u aqoonsan doonin dowladda Afgaanistaan.