Muxuu yahay Gujiska xambaara hubka Niyuukleerka, sidee ayuuna u shaqeeyaa?

Xigashada Sawirka, CNN
Dowladda Faransiiska ayaa mar kale waddamada Australia, Mareykanka iyo Britain ku eedeysay khiyaano kaddib markii waddamadaasi ay galeen heshiis cusub oo dhanka amniga ah isla markaana ay meesha ka saareen heshiis balaayiin doolar ku kacayay oo u dhaxeeyay Faransiiska iyo Australia.
Labadani waddan ee Faransiiska iyo Australia ayaa horey ugu heshiiyay in Australia ay gujis ka iibsato Faransiiska balse heshiiska cusub ee ay haatan la gashay waddamada Mareykanka iyo Britain ayaa heshiiskaasi meesha ka saaraya, waxaana baddalkiisa waddamadani ay u ballanqaadeen in ay siiyaan gujis xambaaraya hubka niyuukleerka.
Wasiirka arrimaha dibadda Faransiiska , Jean-Yves le Drian, ayaa sheegay in xiriirka kala dhaxeeyo waddamadasi uu yahay mid halis ay soo wajahday sababo la xiriira khiyaanadooda.
Faransiiska ayaa horey ugu yeertay danjireyaashii ka fadhiyay Mareykanka iyo Australia, waxaana saraakiil Mareykan ah warbaahinta u sheegeen in Faransiiska ay kala hadli doonaan sida uu uga falceliyay heshiiskaasi saddexda waddan dhex maray.

Sidoo kale heshiiskaasi cusub waxaa cambaareeyay safiirka dalka Jarmalka u fadhiya London, kaa oo sheegay in heshiiskani cusub uu halis ku yahay wadashaqeynta iyo midnimada waddamada reer galbeedka.
Haddaba muxuu yahay gujiskan xambaaraya madaxyada niyuukleerka sidee ayuuna u shaqeeyaa?
Waa su'aasha inta badan dadku ay is-weydiinayaan.
Gujisyada ku sahqeeya quwadda niyuukleerka ayaa xajmi ahaan ka yar ama la mid ah maraakiibta caadiga ah, waxa kaliya ee ay kaga duwan yihiin ayaa ah in ay ku shaqeeyaan tamarta niyuukleerka iyo in ay xambaari karayaan madaxyada hubka niyuukleerka. Waxa ay inta badan quusaan badda balse sidoo kale waa ay awoodaan in ay dul sabeeyaan biyaha korkooda sida maraakiibta kale.
Ciidamada badda waddamada Mareykanka iyo Britain ayaa waxa ay haystaan gujisyo laba nooc ah. Labaduba waxay ku shaqeeyaan tamarta niyuukleerka oo laga dhalinayo cadaadiska biyaha badda.

Xigashada Sawirka, CNN
Nooca koowaad ayaa ah mid wixii la rababa loo isticmaali karayo, waxaana afka qalaad lagu yirahdaa "attack", waxaana loogu talagalay in lagu burburiyo gujisyada kale iyo maraakiibta kale, waxaana ku rakiban gantaal lagu magacaabo "Tomahawk Cruise missiles". Waa nooca inta badan la adeegsado xilliyada colaadda
Australia waxay rabtaa in ay hesho gujiska noocaasi ah, iyada oo la isticmaalayo farsamada waddamada Britain iyo Mareykanka oo gujisyada noocaasi aad ugu tiirsan.
Gujisyada noocani ah ayaa in badan waxay quusi karayaan badda gunteeda, tusaale ahaanna ciidamada badda ee Britain ayaa waxay ku faanaan in gujisyadoodu, gaar ahaanna nooca ay haatan Australia dooneyso ay badda gunteeda quusi karayaan muddo 90 maalmood ah. Balse khubaradu waxay sheegayaan in arrintaasi ay ku xiran tahay sahayda shaqaalaha saaran gujiska.
Mareykanka waxa uu haystaa 53 gujis oo noocaasi ah. Waxaa sidoo kale ku rakiban qalab lagula soconayo halka uu dagaalka ka socodo, taa oo ah fursad kale oo libinta lagu hanan karayo xilliyada colaadda.
Nooca labaad ayaa ah kuwa loo yaqaan "boomers" waxayna xambaarsan yihiin gantaalalda riddada dheer ee baalistigada oo iyaguna xambaarsan madaxyada hubka niyuukleerka. Muddo bil ah ayaa loogu talagalay in ay ku jiraan gunta hoose ee badda, waxaana mar kastaa ay diyaar u yihiin weerar aargoosi ah waa haddii hub niyuukleer ah lagu soo weeraro.
Waa ay adag tahay in gujisyada noocani ah si fudud loo ogaado halka ay badda kaga jiraan. Tusaale ahaan, gujisyada noocani ah ee dalka Mareykanka, waxaa ku rakiban 20 gantaal oo kiiba xambaaraya siddeed madax oo niyuukleer ah, waxaana riddadoodu ay gaari kartaa qiyaastii 7400 oo kilomitir.
Mareykanka waxa uu haatan haystaa 14 gujis oo noocani ah halka Britain ay haysato afar. Balse mahaan nooca Australia haatan dooneyso in ay ka hesho Mareykanka iyo Britain.
In Australia ay hesho gujis noocani ah waxay qaadan kartaa tobaneeyo sano, waxaana heshiiska cusub ee saddexdani waddan kala saxiixdeen uu dhigayaa in muddo 18 bilood ah ay darsaan suurtagalnimada sidii Australia ay u heli lahayd gujiskaasi ay dooneyso.
Ra'iisalwasaaraha Australia, Scott Morrison, ayaa sheegay in ay suurtagal tahay in dalkiisu uu helo gujiskii ugu horreeyay marka la gaaro sanadka 2040-ka.












