HirShaballe: Maxaa dhallinyaradan loogu xiray Jowhar?

Qaar ka mid ah dhallinyarada la xiray

Xigashada Sawirka, Facebook

Published

Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya xarunta gobolka Shabeelada Dhexe ee magaalada Jowhar, waxaa halkaasi lagu xirey dhalinyaro dhawr ah.

Wasiirka Amniga Gudaha Hirshabelle, Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre, ayaa BBC-da u sheegay in la xiray lix qof balse seddax ka mid ah markii dmabe la sii daayay.

Sida ay ku warantey warbaahinta maxaliga, qaraabada dhalinyarada ayaa sheegay in carruurtooda ay xalay uggu hoydeen xabsi, si aan waafaq saneyn shuruucda dalka iyagoo loo haystay oo kali ah inay wateen ama ay xirnaayeen calan ku qoran Hiiraan State.

"Wiilasha la xiray waxay ku holanaayeen kicin bulsho. Waxay ku lug lahayeen abaabul rabashado. Iska horkeen bulshada iyo dowladda ayay wadeen. Haddii caddeymo loo helana waxaa lagu warejinayaa garsoorka si loo maxkamadeeyo," ayuu yiri Wasiir Kheyre.

Hirshabelle ayaa lagu wadaa in isbuuca soo socda ay u dabbaaldegto sanad guuradii shanaad tan iyo markii la alkumay maamulkaasi.

Marar kala duwan ayaaney u suura galin inuu safar shaqo ku tago Madaweynaha maamulka HirShabelle, Cali Guudlaawe, magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, isagoo markii la doortey ay kasoo wareegatey muddo ku dhaw sanad.

Maamulka HirShabele ayaa waxaa kaga imanaya mucaarad adag dhanka gobolka Hiiraan, iyadoo gobolkani uu gabi ahaanba ku qanacsaneyn habka loo dhisay maamulka HirShabelle.

Wasiirka Amniga Gudaha Hirshabelle, Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre,

Xigashada Sawirka, Kheyre

Qoraalka sawirka, Wasiirka Amniga Gudaha Hirshabelle, Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre,

Siyaasiyiinta qaarkood ayaa doonayey in gobolka Hiiraan loo qeybiyo laba gobol, taasoo ugu yaraan ka dhigi karta inuu noqdo maamul goboleed iskiis gaar isugu taagi kara.

Doodda noocaasi ah ma aaney noqon mid hirgasha, iyadoo ugu danbeyntii labada gobol ee Shabeelada Dhexe iyo Hiiraan maamul ka kooban la dhisay.

Tani waxey ragaadisay waa kala duwanaanta dhanka fikirkee, wada shaqeyn buuxda oo dhex marta dadka ku dhaqan labada gobol ee Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan, ee uu ka kooban yahay maamulka Hir Shabelle.

Wali laguma guuleysan in la xaliyo khilaafka ka yimid hab dhismeedka maamulkani, iyadoo ay jirto jabhad kasoo ifbaxdey gobolka Hiiraan.

Maamulka HirShabelle, ayaa kamid ah maamulada ay ku horgudban yihiin caqabadaha baahinta maamulka, iyadoo wali maamulkani aanu si buudxa u hananin dhammaan qeybaha kala duwan ee hoos yimaada maamulkiisa.

Maamulka HirShabelle waxaa la dhisay dabayaaqadii muddo xileedkii maamulkii madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ee sanadkii 2016-kii.