Hong Kong: Jaamacad ayaa amar ku bixisay in dhismahooda laga saaro taallada Tiananmen

The Pillar of Shame statue

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Maamulka Jamacadda ayaa ka dalbaday kooxda isbahaysiga Hong Kong in ay burburiyaan taallada
Published

Maamulka Jaamacadda Hong Kong ayaa sheegay inay khasab tahay in dhismahooda gudihiisa laga saaro taallada lagu asteeyay xasuuqii Fagaaraha Tiananmen.

Taalladan oo loo yaqaanno "taallada ceebta" ayaa lagu muujinayaa meydadka tobannaan qof oo la isku dhex jarjaray, waxayna hormuud ka ahayd munaasabadihii ka dhacay magaalada ee lagu xusayay howlgalkii dhacay 1989-kii.

Jaamacadda ayaa sheegtay in go'aankan uu yahay mid ku yimid "qiimeyn dhinaca halista ah iyo la-talin sharciyeed" oo dhawaan la sameeyay, balse ma aysan bixinin faahfaahin intaas sii dheer.

Xukuumadda Beijing ayaa dhawaanahan qaadeysay tallaabooyin ay ku xoojineyso mowqifkeeda ku aaddan in Hong Kong ay tahay gobol ka tirsan Shiinaha, inakstoo sheegashadaas laga soo horjeedo.

Dhacdadii Tiananmen wali waa mowduuc looga hadlo Shiinaha gudihiisa. Xuska ku aaddan xasuuqaas ayaa sanad walba laga sameeyaa Hong Kong, walow sanadkii 2020-kii loo mamnuucay arrimaha la xiriira xakameynta cudurka Covid.

Goor sii horreysay oo sanadkan gudihiisa ah, sagaal qof oo ka mid ah dadka u ololeeya dimuqraaddiyadda ayaa lagu xukumay xabsi u dhaxeeya lix ilaa 10 bilood kaddib markii lagu helay dambi ah inay ka qayb galeen munaasabado la mamnuucay 2020-kii.

Students hold a minute's silence in front of the statue on 4 June 2021

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Taalladan waxay horseed ka ahayd munaasabadihii sanadlaha ahaa ee lagu xusayay Tiananmen

Taallada Ceebta, oo uu naqshadeeyay farshaxamiiste u dhashay Denmark, oo lagu magacaabo Jens Galschiot, ayaa muddo 24 sano ah ka taagneyd dhismaha Jaamacadda.

Balse maamulka Jaamacadda ayaa dalbaday in la baabi'iyo bishan October gudaheeda, iyagoo arrintaasna ku sheegay warqad ay u qoreen ururka iskaashatada Hong Kong, oo ah ururkii la kala diray ee soo abaabulay munaasabadaha sanadlaha ah.

Waxay intaas ku dareen in taallada "la dayici doono" haddii laga dhex bixin waayo dhismaha Jaamacadda.

Mr Galschiot ayaa u sheegay warbaahinta Hong Kong in taalladaas oo ahayd mid hadiyad ahaan loo siiyay ururka iskaashatada, "ay adag tahay in meesha laga saaro".

"Runtii caddaalad ma aha in hal isbuuc lagu bixiyo iyadoo halkaas ku taallay 24 sano," ayuu yiri, isagoo intaas raaciyay in ay gabi ahaanba burburi karto haddii si deg deg ah loo raro.

Maxaa ka dhacay Fagaaraha Tiananmen?

Sanadkii 1998-kii, Fagaaraha Tiananmen ee ku yaalla magaalada Beijing ayaa noqday saldhigga mudaharaadyo waaweyn oo ka dhacay dalkaas, kuwaasoo dadweynaha ay ku dalbanayeen in la sameeyo isbedal iyo in la raaco nidaamka dimuqraaddiyadda.

Mudaharaadayaasha ayaa muddo isbuucyo ah dagganaa fagaarahaas, balse galinkii dambe ee maalintii 3-da bisha June, militariga ayaa u diray ciidan dadkaas ku furay rasaas.

Dowladda Shiinaha ayaa waligeed ku adkeysata oo kaliya in ay dhinteen 200 qof oo isugu jira rayid iyo ciidanka amaanka, balse ma jirin warbixin rasmi ah oo ku saabsan tirada dhimashada oo la shaaciyay.

Dad goobjeegeyaal ahaa iyo wariyeyaasha ajaanibta ah ayaa sheegay in tirada dadkii halkaas ku dhintay ay gaari karto ilaa 300 oo ruux.

Qoraalka Muuqaalka, Ninkii hor istaagay taangigii Tiananmen: Sawirka ay hilmaameen dadka Shiinaha