Farmaajo iyo Rooble oo heshiiyay - Maxay isku raaceen? - Muuqaal
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed cabdullaahi Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa yeeshay kulan xalay markii ugu horreysay, tan iyo markii uu khilaaf dhexmaray laba bilood ka hor.
Ilo wareedyo madaxtooyada iyo xafiiska ra'iisal wasaaraha ayaa BBC-da u xaqiijiyay in kulankan uu ka dhacay dhismaha Madaxtooyada ee Villa Somaaliya.
Khilaafka madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa abuuray cabsi xoog leh iyo walaac laga muujinayo in ay sii xumaato xasilloonida Soomaaliya iyadoo dalka uu ku guda jiro doorashada waqtigeeda ka dib dhacday.
Labada mas'uul ee ugu sarreeya dalka ayuu soo kala dhexgalay khilaaf xoogan oo la xiriiray tallaabooyiin ay labada dhinac qaadeen, kuwaas oo sii cakiray xaaladda.
Hadda Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ayaa shaaciyay in heshiis ay gaareen labada masuul.


