Xiisadda ka taagan Guriceel oo halkeedii ka sii socota

.

Xigashada Sawirka, Radio Galgaduud

Published

Waxaa maalinkii saddexaad xiisad dagaali ka jirtaa magaalada Guriceel ee Galmudug.

Ciidamada maamulka Galmudug oo kaashanaya kuwa dawladda federaalka ayaa dagaal kula jira kuwa taabacsan ururka Ahlu Sunna.

Sida ay goobjoogayaal BBC-du la hadashay noo sheegeen xabbad goos goos ah ayaa lagu waabariistay subixii saaka ahaa.

Maalinkii shalay ahaa Dhawr madfac ayaa ku dhacay Isbitaalka Istarliin ee magaalada Guriceel kuwaas oo gaystay burbur gaadhay dhismayaasha iyo qalabka Isbitaalka, sida ay BBC-da u xaqiijisay Agaasimaha Isbitaalka Istarliin Raxmo Axmed Diiriye.

Agaasimaha ayaa waraysi ay BBC-da siisay ku sheegtay in burburka uu isbitaalka soo gaadhay xilli ay bukaano ku jireen.

Inkasta oo aan dagaal weyn la soo sheegin haddana xaafadaha waqooyi ee magaaladaas ayaa rasasta si goosgoos ah looga maqlayaa.

Magaalada ayaana si guud u muuqata mid laga kala qaxay, sida ay goobjoogayaal BBC-da u sheegay.

Dagaal culus ayaa ka dhacay Guriceel iyadoo weli ay taagan tahay xiisadda

Xigashada Sawirka, Baraha bulshada

Qoraalka sawirka, Dagaal culus ayaa ka dhacay Guriceel iyadoo weli ay taagan tahay xiisadda

Wararku waxa ay tibaaxayaan in ay jiraan dhimasho iyo dhaawac badan oo ah dhinacyada ay dirirtu u dhaxeyso iyo dad rayid ahba.

Ma se jirto cid si madax bannaan u xaqiijisay khasaaraha ka dhashay iska horimaadyadaas.

BBC-da oo isku deyday in la xidhiidho madaxda Ahlusunna weli nooma ay suura gelin.

Ciidammada dowladda Soomaaliya ayaa guulo ka sheeganaya dagaalkaasi oo gudoomiye kuxigeenka amniga magaaladaasi, Cabdishakuur Axmed Faarax oo BBCda la hadlay ayaa sheegay in xaaladdu ay shalay gelinkii dambe meelo koobanna la isugu keenay waxa uu ku tilmaamay maleeshiyaadka nabad-diidka ah ee Ahlu Sunna.

Dagaalka ayaa ka dhashay markii ciidamada dowladda ay isku dayeen inay galaan xaafado ka tirsan Guriceel halkaas oo ay iska caabin kala kulmeen xooggaga Ahlu-Sunna ee horey gacanta ugu hayay Guriceel.

Guriceel waxaa horey uga qaxay dad badan oo haatan ku sugan duleedka magaalada kuwaas oo sheegay in aanay heysanin biyo iyo cunto.

Xiisaddan ayaa ka dhalatay kadib markii horraantii bishan ciidamada ururka Ahlu Suna Waljamaaca ay qabsadeen magaalada Guriceel.

Xilliggaas wuxuu dagaal culus ka dhacay deegaanka Bohol oo qiyaastii 30Km u jira magaalada Dhuusamareeb, waxaana dagaalkaas ku dhintay ku dhawaad 10 qof halka dad badan ay ku dhawaacmeen, waxaana dagaalka lagu kala qabsaday gaadiid dagaal.

Dagaalka kasoo cusboonaaday gobolka Galguduud ayaa salka ku hayaa khilaaf u dhexeeyay maamul goboleedka Galmudug iyo ururka Ahlu Suna Waljamaaca.