"Waxaan ahay gabadh gadhkana sidii ragga ayaan u xiirtaa"

Xigashada Sawirka, Chinube Nwaonicha-Emegha
Chidube Nwaonicha-Emegha oo 19 jir ah ayaa waxyaabo badan la kulantay tan iyo markii ay 16 jirsatay, waana markii ugu horreysay ee ogaatay in ay timo ka soo baxayaan meelo aanay haweenku timaha ku yeelan.
Chidube oo 19 jir ah ayaa hadda waxaa ku dhacay xaalad lagu magacaabo Hirsutism oo sababa in dumarka ay timo kaga yeeshaan wejiga, laabta, qoorta iyo dhabarka hoose.
Hirsutism-ka waxaa sababa dhibaatooyin badan, marka laga hadlayo Chidume waxaa keena ku badashada hormoonno aan ahayn kuwii jinsigeeda.
Laakiin inta badan, waxay ku dhacdaa sabab la'aan, guud ahaanna looma tixgeliyo in laga hortagi karo, sida uu qabo Mayo Clinic.
Waxay sheegtay in ka hor inta aysan aqbalin xaaladeeda ay ku qasbanaatay in ay ka fogaado xaaladdaas, tusaale dugsiga sare markii ay dhigan jirtey waxa ay samayn jirtey in ay subax walba xiirto.
"Markii aan dhiganayay dugsiga sare todobaad walba waan xiiri jiray, qoorteydana wada xagtin ayay noqotay, hooyaday ayaa yaabi jirtay oo i weyddiin jirtay sababta aan isugu dhibayo in aan timahaas iskag xiiro" ayay tidhi Chidube.
Laakiin intaas oo dhan ma jirto wax ka weyn in loo arko in lagu takooray ama laguu arko qof daciif ah.
Xaaladdeeda darteed waxa ay ka sheekaysay sida nin dhallinyaro ah oo saaxiibkeed ahaa oo ugu yeedhay in ay nin tahay.
'Waxaan la murmay hal qof oo qaraabo ah...kadibna wuxuu iigu yeedhay ' Ninyahay'. Waxaan dareemay xumaan qof walbana wuxuu bilaabay inuu nin ahaan iigu yeedho '
Kaligeed maaha, sababtoo ah ka dib markii ay ogaatay xaaladeeda, waxa ay la kulantay dad badan oo adduunka ah oo xaaladeeda ku jira waxay maqashay wax badan oo ay ku sugan yihin gabdho saaxiibadeed ah oo timo ku leh meelo aan caadi u ahayn haweenka.
Safarkeedii nolosha ee is-qiranta ee Chidube waxa ay sheegtay in ay jirtay wakhti ay xataa ka fikiri jirtay in waligeed aysan carruur dhali doonin. Dhammaan su'aalahan ayaa hurdo la'aan ku riday balse waxay heshay nafis ka dib markii ay ogaatay in xaaladeeda aysan ka hor istaagin inay sii waddo nolosheeda sida dadka kale ee caadiga ah.
"Waa shay naxdin leh sababtoo ah PCOS maaha wax aad yeelan karto ka dibna iska illowdo mararka qaarkood aad ayaan u niyad jabaa" aayay tiri.

"Waxaan bilaabay inaan qirto xaaladdeyda oo aan aqbalo kadib markii aan sawiradan helay internetka barta Instagram horaantii sanadkan. Waan ka xishooday xaaladdeyda. '
Sidee ayay xaaladdani ugu bilaabatay?
Hirsutism waa xaalad haleesha haweeneydu ay ku badan yihiin hormoonnada ragga kuwaas oo fududeeya koritaanka timaha meelaha ay timuhu ka soo baxaan ragga sida laabta, wejiga, dhabarka iyo qoorta.
Xaaladdan waxay ku dhacdaa si iskeed ah lagamana hortagi karo. Dumarka u baahan daawaynta, waa in la daweeyaa kolka uu bilowga ahaa.
Dhibaatadan ayaan ka hor istaagin riyooyinkeedii iyadoo waayo aragnimada ay ka heshay iyo sheekada hablaha iyada la mid ah ay keentay waji cusub iyo dhiirigelin ay ulu dagaalanto iyada oo ku wacyigelinaya sawirradeeda iyo fariimaha ay bulshada ugu soo gudbiso dhanka warbaahinta.
"Hadda kalsooni badan ayaan qabaa sababtoo ah waxaan ogaaday inay jiraan gabdho kale oo la halgamaya xaalad tayda oo kale ah" ayay tidhi
"Waa inaan aqbalnaa nafteena maadaama aan nahay dumar.. waxaan nahay dad gaar ah " ayay sii raacisay hadalkeeda.















