Maxay tahay digniinta cusub ee dowladda Soomaaliya kasoo saartay shabakadda TikTok?'

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wasiirka Awqaafta iyo Diinta ee Soomaaliya ayaa ka digay in cawaaqib adag la marsiin doono cidkasta oo lagu qabto iyadoo isitcmaalaysa ama ka ganacsanaysa maandooriyaha.
Sheekh Cumar Cali Rooble ayaa dhanka kale sheegay in ay dhalinyarada uga digayaan in si khaldan ay u adeegsadaan baraha ay bulshadu ku wada xiriiraan gaar ahaan Barta TiK Tok ga.
Wasiir ka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay waxa ka socdo TikTok ga waxana uuna sheegay in saameyn weyn ku yeelanayso akhlaaqda da'yarta soo koreysa iyo waxbarashadooda.
"wanaagga iyo Xumaha guriga ayuu kasoo bilowdaa, anaguna waalidiinta Soomaaliyeed aan ka codsanay in ay akhlaaqda ubadkooda ilaaliyaan oo anshaxooda ilaaliyaan."
Waxaa uu imaamyada iyo culimada ka codsaday in todobaadyada soo socda ay xoogga saaraan sidii ay dowrkooda uga qaadan lahaayeen wacyigelinta dadweynaha iyo ilaalinta akhlaaqda wanaagsan.
Mar uu wasiirka ka hadlayey ciqaabta uu muteeysanayo ciddii lagu helaa dhaqan xumo ayaa yiri ''cid alaala iyo ciddii arintaa lagu qabtaa shareecada islaamka waxa ay ka qabto ayaa lala tiigsanaya.''
Arrintan ayaa imanaysa xilli lagu soo warramayo inay sii badanayaan dadka isticmaala maandooriyaha ee ku sugan magaalada Muqdisho.
Dhowaan ayay ahayd markii taliyaha booliiska Soomaaliya uu isna ka digay cawaaqib xumada ay leedadahay shabakadan, isaga oo sheegay in waxa ka socda ay yihiin waxyaabo aanan loo dulqaadan karin.












