Wareysi gaar ah oo Nimco Happy ay siisay BBC Somali
Published
Fannaanadda Nimco Happy oo toddodobaadyadii ugu dambeeyay qabsatay warbaahinta caalamka iyo kuwa Soomaalidaba ka dib markii hees ay qaadday oo la yirahdo Isii Nafta ay aad ugu baahday baraha bulshada gaar ahaan TikTok ayaa waxa ay wareysi siisay BBC-da.
Heestaan ayaa waxaa sidoo kale aad u isticmaalay dadka ajaanibta ah ee Isticmaalaha barta TikTok iyadoona dhanka kale la sheegay in xitaa laga daaray maqaayado lagu caweeyo oo caalami ah.