Samson Tekklemichael: Muxuu yahay ganacsadaha Itoobiyaanka ah ee lagu qafaashay Nairobi?

Samson Tekklemichael

Xigashada Sawirka, ,

Qoraalka sawirka, Samson Tekklemichael
Published
Waqtiga akhriska: 2 daqiiqo

Waxaa weli la la' yahay ganacsade Itoobiyaan ah oo Jimcihii hore rag aan la aqoon ay ka qafaasheen xaafadda Kileleshwa ee caasimadda Nairobi.

Muuqaal laga duubay dhacdadaas ayaa muujinaya askari ka tirsan qeybta ilaalada wadooyinka oo joojinaya gaariga uu watay Samson Tekklemichael kadibna ay afduubayaan laba nin oo ku qaatay gaari meesha yaallay.

Tekklemichael oo ka ganacsada gaaska cuunada lagu karsado ayaa la arkayay isaga oo dadka goobta ku sugnaa ka codsanaya inay telefoonnadooda ku duubaan waxa lagu sameynayay.

Xaaska ganacsadahaas oo lagu magacaabo Milen Mezgebo ayaa sheegtay in seygeeda uu xilligaas la soo hadlay oo uu u sheegay inay afduubteen dad aanu aqoon.

"Wuu isoo wacay, wuxuuna ii sheegay inay afduubeen dad aanu garaneyn, kadibna telefiiska wuu damay. Ilaa haddana wuu dansan yahay," ayay tiri Milen.

Milen ayaa gaartay goobta seygeeda laga qafaashay, waxaana ay ka soo kaxeysatay gaariga Tekklemichael, kadibna waxay la xiriirtay booliska iyo safaaradda Itoobiya ee Nairobi.

Booliska Kenya ayaa sheegay inay baarayaan waxa dhacay, sida uu xaqiijiyay taliyaha booliska saldhigga Kilimani, Andrew Muturi.

"Boolisku waxay noo sheegeen inay baarayaan arrintan, haddii aysan xog buuxda soo bandhigin, taasi waxa ay ka dhigan tahay in aan ammaan halkan ku haysan," ayay tiri Milen.

Warbaahinta Kenya ayaa ku warramaysa in gaariga loo adeegsaday afduubka oo ah nooca Subaru Forester uu watay taariko been abuur ah.

Xildhibaan Babu Owino oo laga soo doorto xaafadda Bariga Embakasi ee Nairobi ayaa ku eedeeyay booliska inay wax ka qaban waayeen afduubka xilli ay goobta ku sugnaayeen.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

Falkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay Nairobi ku soo badanayaan afduubka loo geysto ganacsatada iyo dadka kale ee magaca leh, waxaana kamid ah aqoonyahan Cabdiwahaab Cabdisamad oo dhawaan la soo daayay kadib 10 maalmood oo u afduubnaa rag aan heybtooda la aqoonsan.

Qaarkoodna meydkooda ayaa la helay, sida Bashir Gaboobe oo ahaa ganacsade Soomaali ah oo laga afduubtay Nairobi meydkiisana laga helay meel ka baxsan caasimadda dabayaaqadii bishii May.