Dilkii Muqdisho: "Ciidammo rasaas ku furanayay jaamka waddada ayaa dilay Sakariye iyo Sowdo"

FACEBOOK

Xigashada Sawirka, FACEBOOK

Published

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in la soo qabtay askar lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen dilka laba qof oo rayid ah oo lagu dilay magaalda Muqdisho shalay oo Khamiis ahayd.

Wasiirka caddaaladda Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa qoraal uu bartiisa Facebook-ga soo dhigay ku sheegay in la soo qabtay askertii toogashada ku dilay Sakariye maxamuud Xuseen iyo Sowdo Maxamuud Xuseen oo walaala ah.

"Waxaan Shacabka Soomaaliyeed la wadaagayaa in ciidamada amaanka ay igu war geliyeen ay gacanta lagu dhigey dadkii lagu tuhunsanaa iney geeysteen dilkii walaalaheena Sakariye Maxamuud Xuseen iyo Sowdo Maxamuud Xuseen," ayuu yiri wasiirka.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa mar sii horreysay ka hadlay dilka loo geystay labadan qof ee walaalaha ahaa.

Afhayeenka oo ay garab taagnaayeen ehellada Sakariye iyo Sowdo ayaa sheegay in labada walaalaha ah ay ku dhacday rasaas ciidamo millateri ah oo saarna gaari Cabdi Bille ah ku furanayeen wadada.

"Sida ay cadeeyen markhaatiyaal joogay goobta Isgoyska oo jaam ahaa si uu jaamka iskaga qaado rasaas uu furay gaari uu ku buufsana ciidamada xooga dalka, waxaana ku dhintay rasaastii uu riday gaarigaas Wiil iyo Gabadh walaalo ah" ayuu yiri Afhayeenka.

Ehallada dhibbanayaasha ayaa sheegay in aanay maydadka ehelkooda aasi doonin illaa laga keeno askartii dishay.

Waxaa jira warar kale oo sheegaya in askar ka tirsan ciidammada dowladda ay ku lug lahaayeen toogashada qof kale oo rayid ah oo la sheegay in dhaawicii soo gaaray uu u geeriyooday.

Wasiirka caddalaadda ayaa sheegay in hal askeri loo xiray toogashada Mahad Cabdiraxmaan Maxamuud.

Siduu u dhacay dilka

Dilka labada walaalaha ah ayaa ka dhacay Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay wararku sheegayaan inay maraysay mooto bajaaj ah oo ay saarnaayeen labada marxuum.

Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in ciidammada dilka gaystay ay saarnaayeen gaari nooca Cabdi Bilaha loo yaqaan ah, kuwaas oo rasaas riday si ay u fududeeyaan saxmad halkaas ka jirtay.

Cabdullaahi Maxamed Cabdulle oo ay ilma abti iyo ilma eedo yihiin labada marxuum oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in markii ay rasaasta haleeshayba uu Sakariye geeriyooday, halka Sowdana dhaawac ahaan lagu qaaday kaddibna ay ku geeriyootay isbitaalka.

"Sakariye iyo Sowdo waxaa dhashay eedaday aabay la dhalatay Xaadsan Cabdulle Maxamed, dilkoodana waxaan ku ogaannay, waxaan wacnay markii ay xoogaa naga maqan yihiin, markaas oo uu telka naga qabtay wiilkii waday bajaajtii ay raaceen," ayuu yiri Cabdullaahi.

FACEBOOK

Xigashada Sawirka, FACEBOOK

Waqtigii uu dhibku dhacayay waxa ay Sakariye iyo Sowdo adeeg u raadiyeen walaashood ka yar oo ku foolanaysay isbitaalka Yardimeli ee magaalada Muqdisho, hasayeeshee nasiib-darro lagula kacay falkaasi arxandarrada ah.

'Illaa aan jawaab helno maydadka ma aasayno'

Cabdullaahi ayaa sheegay in illaa hadda aanan la hayn askartii dilka gaysatay, waxaana uu ku eedeeyay ciidammada booliska ee meel u dhaw halkaas ku leh saldhigga in aanay xitaa u soo gurman oo aanay baarin sida ay wax u dhaceen.

Cabdullaahi Maxamed iyo ehellada labada marxuum ee wadadhashay ee xalay la dilay ayaa ku adkaysanaya in maydadkaas aanan la aasi doonin illaa caddaalad ay ka helayaan: "Maydadka isbitaalka ayey yallaan illaa aan jawaab helnana ma aasayno."

Cabdullaahi Maxamed Cabdulle oo ka mid ah ehellada wiilka iyo gabadha walaalaha ah ee lagu dilay tacshiiradda ayaa ku adkaystay in aanay marnaba ka daali doonin sidii maxkamad loogu soo taagi lahaa askartii ka dambaysay dilka walaalihii.

"Dadka dad bay ka dhasheen oo la iskama duugaayo sida xoolihii, marka waa in maydkooda meel la saaro ciddii dishay, cadaaladoodana la helaa," ayuu yiri Cabdullaahi.

Taariikhda Sowdo iyo Sakariye oo kooban

Sakariye Maxamed Xuseen iyo Sowdo Maxamed Xuseen waxaa lagu tilmaamay inay ahaayeen shakhsiyaad aad u dad jecel, qalbi furan oo iyagana aad loo jecel yahay.

Waxa ay waxbarashadooda asaasiga ah illaa heer sare ku qaateen magaalada Muqdisho, gaar ahaan iskuulka SYL.

Cabdullaahi Maxamed ayaa sheegay in labada marxuum ay ahaayeen ubax soo baxaayo geeridoodana ay tahay musiibo aad u wayn oo qoyskooda ku habsatay.

"Sakariye waxa uu ka baxay Kuliyadda Dhaqaalaha ee Jaamacadda Banaadir, oo waxa uu ka mid ahaa ardaydii sanadkii hore qalinjabisay, nin hammi sare leh ayuu ahaa oo rabay inuu dalka dibaddiisa waxbarasho u aado, hoyadiis iyo qoyskiisana ka warqabo," ayuu ku cataabay Cabdullaahi.

Hooyadii dhashay labadaas marxuum ayaa la sheegay inay aad uga walaacday dhibka soo gaaray, waxaana ay codsanayaan in cadaadaladda la marsiiyo ciddii dishay carruurtooda.

Dilalka lagu eedeeyay ciidammada oo Muqdisho ku batay

Magaalada Muqdisho waxaa marar badan laga soo tabiyaa falal toogasho oo dhimasho iyo dhaawacba sababa kuwaas oo lagu eedeeyo ciidammada dowladda.

Ciidammada ayaa sidoo kale lagu eedeeyaa in si aan kala sooc lahayn ay rasaas ugu furaan shacabka ka ag dhow waddooyinka markii ay dareemaan in wadadu ay saxmad tahay, iyagoo dadka qaar ay sheegaan in sidaasi ay tahay sida kaliya ee ay waddooyinka ku furtaan.

Sida dadka qaar ay ku andacoodaan, rasaasta la rido xilliyada saxmadda ay ka jirto magaalada Muqdisho waxaa ku dhinta tobannaan qof halka kuwo kale oo badanna ay ku dhaawacmeen.

Dhowr jeer oo hore ayaa ciidammada dowladda federaalka ee ka howlgala magaalada Muqdisho waxaa lagu eedeeyay falal noocaasi oo kale ah.