Chris Cuomo: Weriyaha walaalkii oo siyaasi ah caawiyay ee shaqadii laga eryay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Weriye Chris Cuomo oo reer Mareykan ah ayaa waxaa shaqada ka ceyrisay warbaahinta CNN ka dib markii uu caawiyay walaalkiis Andrew Cuomo, oo ah gudoomiyihii hore ee New York , xilli uu la dagaallamayay eedeymo dhibaateyn ah.
Go'aanka ayaa yimid ka dib markii CNN ay sheegtay in macluumaad dheeri ah ay ka soo baxeen heerka uu gaarsiisan yahay ku lug lahaanshaha Chris Cuomo ee difaaca walaalkiis.
Andrew Cuomo ayaa is casilay bishii Ogosto ka dib markii dacwad oogayaasha ay sheegeen inuu dhibaateeyay shaqaalaha.
Chris Cuomo, oo 51 jir ah, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in uu niyad jabsan yahay, waxa uuna yiri "ma ahayn sida aan doonayo in waqtigeyga CNN uu ku dhammaado".
Waxa uu Shabakadda ka shaqaynayey tan iyo sannadkii 2013-kii, waxana uu noqday mid ka mid ah soo jeediyeyaasha ugu caansan CNN, isaga oo dhawaan hoggaaminayey tebinta CNN ee doorashadii madaxtinimada Maraykanka ee 2020-kii.
Bayaan ka soo baxay CNN ayaa lagu sheegay in "shirkad dhanka sharciga ah oo la ixtiraamo" loo shaqaaleysiiyay inay baarto dadaalka Chris Cuomo si uu walaalkiis siyaasiga uga caawiyo inuu la dagaallamo eedeymaha xadgudubka galmada ee loo haystay. Laakiin iyadoo dib u eegistaas ay socotay, "xog cusub ayaa soo ifbaxday" taasoo keentay in shabakadu ay joojiso qandaraaskiisa, "kaas oo si degdeg ah u dhaqan galay".
Chris Cuomo ayaa Talaadadii hore waxaa shaqada uga joojiyay CNN ka dib markii la ogaaday heerka uu gaarsiisan yahay dadaalkiisa ee uu ku caawinayo in meesha laga saaro fadeexada walaalkii.
Shabakadu waxay sheegtay in inkasta oo "ay qadarinayso kaalinta gaarka ah ee uu Chris Cuomo ugu jiray warbaahintooda balse waxaa la gudboonaatay in qoyskiisa uu ka hormariyo shaqada sidaas darteed waxa uu baalmaray anshaxa saxafiga.
"Waa inaad i aaminto," ayuu fariin ahaan ugu diray Melissa DeRosa, oo ah xoghayaha walaalkii, bishii Maarso, isagoo raaciyay: "Waxaan sameyneynaa qaladaad aanan awoodin."
Wuxuu kaloo ballan qaaday inuu la xiriiri doono warbaahinta kale ee Mareykanka si uu isugu dayo inuu ogaado eedeymaha kale ee soo socda.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan

Cayrinta xiddigan ayaa dhalin doonta su'aalo culus oo ku saabsan heerarka saxafiyiinta ee Mareykanka. Weriyaha warbaahinta CNN Brian Stelter ayaa sheegay in "daawadeyaasha ay u baahan yihiin inay aamminaan waxa ay halkan ka maqlayaan telefishinkan marka aan soo gudbineyno sheekooyinka xasaasiga ah, xitaa haddii ay ku lug leedahay xubin ka tirsan qoyska weriyeyaasheena".
Qoyska Cuomo ayaa muddo dheer ahaa mid ka mid ah boqortooyooyinkii ugu awoodda badnaa siyaasadda Mareykanka. Andrew Cuomo waxaa seddex xilli oo isku xigta loo doortay gudoomiyaha New York, aabahood Mario ayaa sidoo kale gobolka hogaaminayay in ka badan toban sano intii u dhaxeysay 1983 iyo 1994.
Kahor iscasilaadiisii bishii Oktoobar, Andrew Cuomo wuxuu ahaa hogaamiye siyaasadeed oo caan ah balse waxay xaaladdiisa is badashay markii baaritaan uu sameeyay xeer ilaaliyaha guud uu ku soo gabagabeeyay in uu u galmooday 11 haween ah oo isaga u shaqeynayay.












