Tartamayaasha ciyaaryahanka Afrika ee BBC-da ee 2021 oo la shaaciyay

Xigashada Sawirka, Other
Waxaa lagu dhawaaqay ciyaartooyda u tartameysa laacibka Afrika ee BBC-da sanadkan 2021-ka.
Lixda ciyaartoy ee ku tartameyso abaal-marintan ayaa waxaa doortey koox saxafiyiin ah oo ka kala socda Afrika iyo Ingiriiska.
Guddiga waxay xulashadoodan ku saleyeen guulaha ay ciyaartooyda Afrikaanka ah ka gaareen ciyaaraha caalamiga ah ee sanadkan intii u dhexeeysay January iyo September.
Sidoo kale waxaa la tixgaliyay saameynta guusha ciyaartooyda ka baxsan bahda Isboortiga.
Ciyaartooyda lasoo xushay ee tartameysa waxay kala yihiin:
- Eliud Kipchoge (ciyaaraha fudud)
- Faith Kipyegon (ciyaaraha fudud)
- Ntando Mahlangu (ciyaaraha fudud ee dadka naafada ah)
- Christine Mboma (Ciyaaraha fudud)
- Edouard Mendy (kubadda cagta)
- Tatjana Schoenmaker (Tartanka dabbaasha)
Halkan hoose waxaad ka heli kartaa xofd dheeraad oo ah ku saabsan ciyaartooyda lasoo xushay, waxaana halkan uga codeyn kartaa ciyaartooyda lagu dhawaaqay.
Codbixinta waxay xirmaysaa 23:59 GMT ee Axadda, December 19, waxaana qofka ku guulaysta abaal-marinta lagu dhawaaqi doonaa Jimcaha, 7-da January 2022-ka iyadoo laga sii dayn doono telefiishanka iyo raadiyaha Focus On Africa iyo barta internetka ee BBC Sport.
Fadhlan Halkan ka codee
Eliud Kipchoge

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dalka uu kasoo jeedo: Kenya, da'diisa: 37, shaqadiisa: Orodyahan
Waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay orodyahankii ugu fiicnaa marathon-ka abid iyo sanadkan, Eliud Kipchoge waxa uu sii xoojiyay maqaamkiisa in ka badan 26.2 mayl ka dib markii uu ku guuleystey dahabkiisii labaad ee isku xiga ee tartanka Olombikada.
Waxaa qofkii saddexaad ee difaacda kaalinta uu ka galay tartanka orodka Marathon-ka, Guddiga Olombikada Adduunka ayaa u magacaabay orodyahanka ugu wanaagsan ragga.
Guushii u ka gaaray tartankii Tokyo waxay uga dhigan tahay inuu ku guuleystay 13 kamid ah 15 marathon oo waaweyn oo uu orday tan iyo sanadkii 2013, wuxuu ka dhigay wacdaro tartankii ka dhacay Berlin 2018 oo uu ku orday 2:01:39.
Isago o 36 jir ah ayuu noqday orodyahankii ugu da'da weynaa ee ku guuleysta tartanka marathon-ka tan iyo orodyahankii u dhashay Bortuqiiska sanadkii 1984 kaas oo 37 jir ahaa oo isagana guul taariikhi ah gaaray.
Faith Kipyegon

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dalka: Kenya Da'deeda: 27 shaqadeeda: Orodyahan
Faith Kipyegon ayaa dhigtay rikoorka Olombikada ee Tokyo iyadoo daafacatay horyaalka 1500m ee ay markii ugu horreysay ku guuleysatay tartankii Rio de Janeiro ka dhacay 2016.
Dadaalkeeda wuxuu ahaa mid aad u muhiim ah maadaama Kipyegon ay tahay cayaaryahanka saddexaad ee haysta tartanka Olombikada kadib markii ay umushay.
Ka hor tartanka Tokyo waxay dhigtay rkoor cusub oo ay ku hoggaamisay iyadoo ku orodday 3:51.07. Ka dib rikoorkeedii Olombikada, waxay hadda beegsaneysaa rikoorka adduunka.
Ntando Mahlangu

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dalka: Koonfur Afrika Da'diisa: 19 shaqada: orodyahan
Ntando Mahlangu wuxuu ku guuleystay biladdii ugu horeysay ee tartanka orodka dadka naafada ah isagoo 14 jir ah, wuxuu ku guuleystay tartankii ka dhacay Brazil.
Sanadkan wuxuu hantay bilad dahab ah markii uu ku guuleystay tartanka orodka dadka naafada ah ee 200 miitar iyo tartankii bootinta dheer ee ka dhacay Tokyo., wuxuu tartankaas dhigay taariikh cusub oo bootinta dheer ah.
Orodyahankan mustaqbalka leh ee lugta laga gooyay ayaa bishii April wuxuu dhigay rikoor cusub kaas oo ku saabsanaa in uu ku orday 22.94s tartanka 200 m ee ragga.
Christine Mboma

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dalka: Namibia da'deeda: 18 shaqada: Orodyahan
"Tartankii ugu fiicnaa ee isoo mara nolosheyda" ayay tiri Christine Mboma oo ka hadleysay natiijadii ay ka keentay tartankii ka dhacay Tokyo 2020-ka, waxay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee kasoo jeedda Namibia ee kasoo muuqata tartanka olimbikada.
In guuleysato biladdii ugu horreysay iyadoo 25 jir ah xilli ay qaadatay biladda maarta kadib markii ay ku guuleysatay tartanka 200m, Moboma waxay ku orodday 21.81 ilbiriqsi- waxay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee rikoorkan jebisa iyadoo 20 jir ah.
Waxay noqotay orodyahankii ugu wanaagsanaa tartanka 200m ee ka dhacay magaalada Zurich.
Gabadhan 18 jirka ah waxay haatan diiradda saareysaa tartanka 200m kadib markii guddiga caalamiga ah ee ciyaaraha fudud uu ka hor istaagay tartanka 400m sababa la xiriira hormoonka dabiiciga ah ee testosterone oo aad ugu sarreeyo jirkeeda.
Edouard Mendy

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dalka: Senegal da'diisa: 29 shaqada: Goolhaye-ciyaaraha kubadda cagta
Goolhaye Edouard Mendy ayaa wacdaro ka dhigaya garoonka Stamford Bridg kadib markii kooxda Chelsea uu kaga soo biiray kooxda ka dhisan Faransiiska ee Rennes bishii September 2020-ka, wuxuuna door muhiim ah ka qaatay guushii kooxda ka dhisan galbeedka London ee Champions League ay gaartay bishii May.
Waxa uu ilaashaday rikoor u dhigma sagaal kulan oo nadiif ah oo aan kooxdiisa waxbo laga dhalin xilli uu socda ciyaaraha horyaalka Ingiriiska, Mendy ayaa sidoo kale taariikh sameeyay isagoo noqday goolhayihii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee dheela ciyaaraha horyaalka Yurub, waana goolhayihii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee kasoo muuqda ciyaaraha Yurub tan iyo markii uu ciyaaraha kasoo muuqday Bruce Grobbelaar oo u dhashay dalka Zimbabwe sanadkii 1985.
Xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay Mendy wax gool ah lagama dhalin horyaallada Ingiriiska iyo Yurub taas oo horseeday in loo soo xusho goolhayaha sanadka 2020-2021 ee ciyaaraha Yurub.
Xiriirka kubadda cagta ee Yurub ayaa Mendy usoo xushay goolhayaha ugu wanaagsan ee FIFA ee sanadka 2021-ka, laakiin goolhayahan qaaday koobka FA Cup bishii May ayaa dhawaan waayay inuu ku guuleysto abaalmarinta Yashin Trophy ee majaladda France Football ee lagu abaalmarinayay goolhayaha ugu fiican Yurub.
Tatjana Schoenmaker

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dalka: Koonfur Afrika da'da: 24 shaqada : tartanka dabbaasha
Tatjana Schoenmaker waxay guul kasoo hoyisay tartankii dabbaasha ee lagu qabtay Tokyo, waxay ku guuleystay bilado maar iyo dahab ah, waxay sidoo kale rikor cusub ka dhigtay tartamada dabbaasha ee 200m iyo 100m.
Waxa ay ku guulaysatay biladda Olombikada ee ugu horreysay ee Koonfur Afrika ee dabbaasha dumarka tan iyo 2000, waxayna soo afjartay 25 sano oo waddankeeda uu sugayay abaalmarinta dahabka tartanka dumarka ee dabbaasha iyadoo gashay kaalinta koowaad ee 200m ee finalka.
Schoenmaker waxay sanadkii 2016-kii mar ku sigatay inay iska dhaafto ciyaarahan kadib markii uu seegay tartankii is reebreebka ee Rio, wixii intaa ka dambeeyay waxay ku guuleysatay tartamo caalami ah iyo kuwa gobolka ah , waxay heshay bilado isugu jira maar iyo dahab.
"Caqabadda haatan i hor taalla waxay tahay, sidii aan nolosheyda wax uga baddali lahaa, waan ku faraxsanahay halka dabbaasheyda y ku wajahantahay" ayay tiri.












