Ntando Mahlangu: "Wax badan baa la ii xoog sheegtay naafonimadayda awgeed"

Ntando Mahlangu oo bootin dheer boodaya xilli ay socdeen ciyaaraha Paralympics ee Tokyo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published

La noolaashaha cudurka afka qalaad loo yaqaanno 'hemimelia fibular' oo ah xaalad qofku uu ku dhashao isla-markaana haleelo lafaha lugaha ee jilibka ka hooseeyo, ayaa ciyaartooygana ku kallifay inuu naafo noqdo caqabada badan uu soo wajaho loona xoog sheegto.

Ntando Mahlangu oo ah xiddig u dhashay dalka Koonfur Africa oo aan eegin nusqaanka xubnihiisa ku yimid balse eegaya awoodda maskaxeed iyo kartida uu leeyahay sanadkan oo keli ah wuxuu ku guuleystay laba billaadood oo dahab ah ee ciyaraha Paralampic.

Inkasta oo Ntando yaraantiisi dhibaatooyin badan uu la soo kulmay, haddana xiddiggan 19 jirka ah wuxuu ku guuleystay billadda dahabka ee orodka 200 mitir iyo bootinta dheer oo uu ka helay billad dahab oo u horseeday inuu rekoorka caalamiga ee Paralympic uu ka hanto tartannada Tokyo lagu qabtay.

Yaraantiisi wuxuu ku soo barbaaray tuulada Tweefontein, oo caasimadda Pritoria u jira masaafa saacad loo socda.

Yaraantiisi wuxuu isticmaali jiray kursiga ay dadka naafada ah isticmalaan maadaamaa labada lugood uu go'an yahay.

"Adiga oo ah ilma yar oo naafa ah inaad Afrika ku noolaato ma aha wax sahlan" ayuu yiri Mahalangu oo u warramayey BBC Africa.

"In badan ayaa la ii xoog sheegtay naafonimadeyda awgeed, balse waxay noqotay caqabadihi oo dhan inaan ka soo gudbo oo nafteyda u taliyo taasoo ugu dambeynta ii hirgashay."

"Taasi waxay ahayd caqabaddi koobaad ee aan la kulmay. Caqabadda labaadna waxay ahayd biraha lugaha ii ah ee aan hadda ku socdo marki iigu horreysay ee aan helay inaan ku socdo dhibka aan kala kulmay."

Haddaba BBC Africa oo ka duuleyso xiddiggan maadaamaa uu ka mid yahay liiska musharrixiinta ciyaartooyda sanadkan ugu mudan qaaradda Afrika waxaa si kooban looga diyaariyey waayahiisa noolaleed.

Knife-edge decision

Qoraalka Muuqaalka, BBC ASPOTY 2021: Ntando Mahlangu

Tababaraha Mahalangu, Neil Cornelius wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay howsha macallinnimada ee uu u hayo ciyaartooygan uu yahay ciyaartooygi ugu wanaagsan uu abid tababare u noqdo, si aad ahna uga duwan ciyaartooydii horay macallin uu ugu soo noqday.

"Marka hore waxaan rabay inaan kubadda cagta ciyaaro," ayuu yiri.

"Waxaan jeclaa inaan kubadda cagta ciyaaro inkasta oo ay jirin arrima badan oo rabitaankeyga iga hor istaagay. Hase yeeshee 2014-kii ayaan u wareegay ciyaaraha fudud, waan isku dayay marki dambana waan jeclaaday."

Laba sano kadib oo ku beegneed 2016 Mahalangu, wuxuu billadda qalinka ee orodka 200 mitir uu ka helay ciyaarihi Rio ee 2016-kii la qabtay.

Sanadka marka uu 2012-kii oo ay da'diisuna ahayd 10 jir ayaa labadiisa lugood jilibka ka hoose laga gooyey.

"Bishii May ayaa labada lugood la iga jaray, bishii Septemberna waxaan helay lugaha macmalka ah ee looga talagalay qofka naafada ah inuu ku socdo."

"Go'aanki dhalinyaranimada ee aan qaatay xilliga aan lugaha macmalka helay ee ahaa inaan degdeg ugu socdo ama aan ku ordo waxay i gaarsiisay guusha aan maanta ku naalloonayo," ayuu yiri.

Ntando Mahlangu with a gold medal at the Tokyo Paralympics

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ku booditaanka

Mahalangu biraha macmalka ah inuu ku boodo wuxuu u soo maray dadaal badan isaga oo marba marka ka sii dambeysay natiijooyin rajo geliyey soo hooynayey.

2015-kii wuxuu ku guuleystay 200 mitir iyo 400 mitir isaga oo adeegsanaya kursiga ay dadka naafada ah ku tartamaan.

Sanad kaddibna wuxuu ku guuleystay afar billadood oo dahab ah ciyaaraha IWAS ee caalamiga ah oo ay ku tartamaan dadka ay da'dooda ka hooseyso 23 jir ah.

2016-kiina tartanka ciyaaraha fudud ee lagu qabtay Rio ayuu ka qayb galay wuxuu ka soo hoyey billadda qalinka. Guushaasi oo Mahalangu ka dhigtay qofki ugu horreyey oo Koonfur Afrika ama qaaradda Africa ka soo jeeda ee guul noocaasi ah ka soo hoya ciyaaraha Paralympics ee calamiga ah,

Ugu dambeyntina wuxuu tartanka bootinta dheer uu ka soo hoyey biladda dahabka isaga oo booday 7.17 mitir.

Sawir muujinaya guusha uu Ntando Mahlangu uu ka soo hoyey ciyaaraha fudud ee Tokyo Paralympics

Xigashada Sawirka, Getty Images

"Inaan tartan caalami ah bootinta uga qayb galo billadda ugu sarreysana aan ka helo waxay ii ahayd taariikh horleh tani iyo inti aan billaabay ka qayb galka tartannada ciyaaraha fudud."

"Afar maalmood marki ay guushaasi ka soo wareegtay waxaan markale waxaan hantay billad kale oo dahab ah oo 200 mitir oo ragga ah."

"Tartannada ciyaaraha fudud marka aan ka qayb galayo fudeyd ayaan dareemaa, gaar ahaanna xilliyada aan garoommada ku ordaya ama bootinta aan kaga qayb qaadanayo dhaqdhaqaqyada la sameeyo oo dhan wey i farxad geliyaan" ayuu yiri.