Desmond Tutu oo ahaa halyay la dagaalamay midab takoorka oo geeriyooday

Xigashada Sawirka, Reuters
Baadari Desman Tutu, oo ku guuleystay abaal marinta biladda Nabadda "Nobel", kaasoo gacan ka geystay soo afjaristii nidaamkii midab takoorka dalka Koonfur Afrika, ayaa geeriyooday isagoo 90 sano jir ah.
Madaxweyne Cyril Ramafosa, ayaa sheegay in dhimashada baadariga ay astaan u tahay murugo kale, oo la xiriirta sagootinta mid ka mid ah jiil Koonfur Afrika wax weyn uga dhignaa.
Wuxuu intaa ku darey in Baadari Tutu uu qeyb weyn ka ahaa in dalkaasi laga xoreeyo nidaamkii midab takoorka ahaa.
Tutu wuxuu kamid ahaa dadka sida weyn looga yaqaaney dalka Koonfur Afrika gudihiisa iyo dibaddiisaba.
Sanadkii 1984-tii, waxaa la guddoon siiyey Tutu abaal marinta nabadda ee Nobel-ka, doorkii uu ka qaatey halgankii lagu baabi'inayey nidaamkii midab takoorka ahaa.
Dhimashada Tutu ayaa kusoo beegantey toddobaadyo un kadib, markii uu geeriyoodey madaxweynihii ugu danbeeyey ee dowladdii midab takoorka ee Koonfur Afrika, FW Di Kalar, oo ku dhintey dada 85 sano jir.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Mu'asasadda Nelson Mandela ayaa sidoo kale codkeeda ku biirisay tacsida Tutu. " Wuxuu gacan ka gaystay halganka ka dhanka ahaa cadaalad darrada gudaha Koonfur Afrika iyo dibeddaba. Wuxuu ahaa bani'aadam karti leh, mufakarna ah."

Ka dib markii uu Mandela noqday madaxweynaha Koonfur Afrika sanaddii 1994, Tutu ayaa u magacaabay inuu hoggaamiyo guddiga Runta yo Dib U Heshiisiinta ee loo alkumay inay baaraan dambiyada la gaysteen xilligii uu dalkaasi ka jiray midab takoorka.
Muxuu hadda ka hor ka yiri Dhibka Falastiiniyiinta
Ma ahayn shakhsi la gabbado afkaartiisa. Bishii April 1989, wuxuu booqday magaalada Birmingham ee dalka UK, wuxuu cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay "labada qaran " ee ka jirta Britain, isagoo sheegay in dad badan oo madow ah ay ku jiraan xabsiyada dalkaasi.
Wuxuu sidoo kale mar ka careysiiyay Israa'iil markii uu booqday dhulkaas isagoo is barbardhigay Carabta ku nool Daanta Galbeed ee la haysta iyo Qasa iyo dadka Koonfur Afrika soo maray midabtakoorka.
Wuxuu sheegay inuusan fahmi karin sida Yuhuudda oo soo maray dhib badan ay isla dhibkaasi u marsiin karaa falastiiniyiinta.












