Wararkii ugu dambeeyey ee magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa ka taagan xiisad ka dhalatay khilaaf xooggan oo soo kala dhex galay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra'isal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Kaddib marki madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo uu sheegay inuu shaqada ka joojiyey Ra'isal wasaaraha xil gaarsiinta ah ee Maxamed Xuseen Rooble.
Farmaajo oo rooble ku eedeeyey inuu soo galay tuhun mususqmaasuq iyo ku takri fal dhul dan guud ah inta uu baaritaanka socda uu ka dhammaanayana shaqada uu ka jiijiyey.
Ra'isal wasaaruhuna tallaabbada madaxweynaha uu shaqada kaga joojiyey wuxuu ku tilmaamay mid baal maarsan dastuurka iyo sharciyada dalka Soomaaliya.

Xiisaddi sidaa ku soo billaabatay ayaa cirka isku sii shareertay kaddib marki la sheegay iney ciidamo ka amar qaato Villa Somalia la geeyey xafiiska ra'isal wasaaraha.
Ciidamadaasi oo uu ra'isal wasaare Roble uu ku tilmaamay iney ahaayeen kuwo loogu talagalay iney ka hor istagaan xafiiskiisa inuu u soo shaqa tago. Tallaabbada ciidamada lagu geeyey xafiiska ra'isal wasaarahana wuxuu Rooble ku tilmaamay afgambi dhicisoobay.
Dadaal ay sameeyeen taliyayaasha Milatariga iyo Booliska ee Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleystay iney ciidamada laga qaado xafiiska ra'isal wasaaraha.
Roble wuxuu dhacdadaasina uu ku tilmaamay mid uu Farmajo ku doonayo inuu ku carqaladeeyo doorashada dalka ka socota si uu xafiiskiisa ugu sii joogo "si sharci darro ah".

Madaxtooyada Soomaaliya oo ka jawaabatay eedaymihii uu u jeediyay Ra'isul wasaare Rooble oo ahaa inuu madaxweynahu isku dayay af-gambi ka dhan ah xukuumadda.
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta, ee madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi, ayaa ku eedeyay Ra''iisul wasaaraha inuu ku fashilmay doorashadii loo igmaday uuna qaatay go'aanno u gaar ah .
"Warkaas ma aha, war sal iyo raad leh, waa la yaqaanaa macnaha uu leeyahay ereyga afgembi.. Ra'iisul Wasaaraha waxaa loo diray doorasho muddo 14 bilood ah ayuu arrintaa waday, waana ku guuldareystay" ayuu yiri Cabdirashiid.
Xalay fiidnkina qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho gaar ahaanna kuwo ku dhow dhow madaxtooyada waxaa lagu arkayey ciidamo ka tirsan badbaado qaran oo sheegay iney ra'isal wasaaraha garab u yihiin oo ay aqbaleyn faragelinta uu Farmaajo ku hayo shaqadiisa.
Beesha Caalamka iyo saaxibbada Soomaaliya oo xiisadda ka taagan magaalada Muqdisho walaac xooggan ka muujiyeyna waxay dhinacyadu ugu baaqeen iney xasiloonida iyo nabadgalyada dalka ka wada shaqeeyaan.
Balse ciddi ay u arkaan iney carqalad ku tahay dagganaashaha Soomaaliya ay tallaabbo ka qaadayaan.

Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo katirsan aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka ayaa bogga ay baraha bulshada ee Twitter-ka ay ku leedahay ku qortay ''Farmaajo sanad ayaa ka soo wareegay markii muddo xileedkiisu dhammaaday. Waxa la joogaa wakhtigii uu meesha bannanyn lahaa, oo ay doorashadu wakhtigeedu daahay qabsoonto sida ugu dhakhsaha badan''.
Ilhaan cumar ayaa waxay ku soo dul qortay fariinta kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibbada ee Mareykanka oo lagu sheegay in talaabo laga qaadi doono kuwa caqabadda ku ah nabadda Soomaaliya.
Odayaasha dhaqanka ee magaalada Muqdisho qaarkood, ayaa billaabey dadaallo xal loogu raadinayo khilaafka ka dhex aloosmay Madaxweynaha iyo Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya.
Imaam Maxamed Yuusuf Cali, oo ka mid ah odayaasha ayaa sheegay iney jeclaan lahaayeen inaanu dhib dhicin, ha yeeshee ay mar waliba diyaar u yihiin iney kaalintooda odaynimo qaataan.
Imaamka, ayaa carrabka ku dhuftey in haatan ay is urursadeen, isagoo dhanka kale rajeeyey in mas'uuliyiinta is khilaafsan iyaga dhameeyaan ismaan dhaafkooda.
Magaalada Muqdisho xalay waxaa laga dareemayey dhiilo colaadeed, iyadoo dadweynuhu ay muujinayaan walwal, iyaga oo ka cabsi qabo khilaafka jiro inuu iisu baddalo gacan ka hadal. Balse xaaladda magaalada Muqdisho ayaa saaka ah mid deggan.
Madaxda ugu sareysa ee Soomaaliya, ayaa waxaa ka dhex aloosmey khilaaf maalmihii ugu danbeeyey, taasoo salka ku heysa doorashada.













