Booliska India oo qabtay dad lagu eedeeyay "beecin" been abuur ah oo ka dhan ah gabdho Muslimiin ah

app-ka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published

Booliiska dalka India ayaa xiray haweeney 18 jir ah oo lala xiriirinayo app lasoo geliyay sawirrada in ka badan 100 dumar Muslimiin ah oo la sheegay inay "iib" ahaayeen.

Saraakiisha ayaa aaminsan in gabadhan ay sameysay app-ka Bulli Bai, sida ay ogaatay BBC-da.

Waa xariggii labaad ee loo sameeyo kiiskan - goor hore, wiil 21 jir ah oo jaamacad ka dhigta kulliyadda injineeriyada ayaa xabsiga loo taxaabay.

Wiilkani ardayga ah ayaa lagu soo warramay inuu ka soo jeedo koonfurta magaalada Bangalore balse wali lama shaacin magaciisa rasmiga ahi.

Ilaa iyo haatan ma cadda dambiyada lagu soo oogay balse booliska ayaa BBC-da u sheegay in wiilkani lala xiriirinayo barnaamijkaasi lagu faafiyay sawirrada gabdhaha Muslimiinta ahi ee la sheegay in la iibinayo ay yihiin xaraash.

Barnaamijkaasi oo hadda laga saaray intarneedka ama la joojiyay isticmaalkiisa ayaa lagu faafiyay sawirrada dhawr gabdhood oo Muslimiin ah isla markaana ah saxafiyiin caan ah ama hawlwadeenno u dhaqdhaqaaqa arrimaha Muslimiinta, iyaga oo aan laga helan wax oggolaansho ah. Gabdhahaasi ayaa la sheegay in ay iib yihiin oo la xaraashayo, arrintaa oo qeyb ka ah naceybka ka dhanka ah dadyowga Muslimiinta ah ee dalkaasi India.

Arrintani ayaa noqoneysa isku daygii labaad ee lagu dhibaataynayo dumarka Muslimiinta ahi ee dalkaasi, oo sawirradooda lagu faafiyay intarneedka iyada oo la sheegaya in la xaraashayo. Bishii Luuliyo ee sanadkii tegay, app iyo website lagu magacaabo "Sulli Deals" ayaa abuuray cinwaannada in ka badan 80 gabdhood oo Muslimiin ah - iyaga oo la isticmaalayo sawiro la soo galiyay intarneedka isla markaana la beecinayo- waxayna la sheegay in ay yihiin kuwo lagu xaraashayo qiimo aad u jaban.

Ujeeddada arrintan ayaa ah in la bahdilo haweenka Muslimiinta ahi - arrimahaasi oo intooda badan si weyn u soo batay tan iyo markii uu xukunka dalkaasi la wareegay xisbiga ay Hinduunimada ku weynt ahay ee uu hoggaamiyo ra'iisalwasaare Narendra Modi.

india

Xigashada Sawirka, HANA KHAN

Maalin ka hor ayaa booliska laba gobal oo ka mid ah goballada dalka Indiya waxay diiwaan galiyeen kiisaska in ka badan 100 gabdhood oo Muslimiin ah oo sawirradooda lagu sheegay in ay iib yihiin oo lagu faafiyay intarneedka.

Waxyaabaha lagu eedeyay dadka arrimahaan loo haysto waxaa ka mid iibinta haweenka, sameyaynta barnaamij ama "Application-ka" loo isticmaalayay faafinta sawirradaasi bahdilka ah, daabacaadda xayeysii iyo sawirro lagu bahdilayo gabdhahaasi.

Olalahaan loogu gafayo gabdhaha Muslimiinta ah ee dalka Hindiya, ayaa loogu magac daray "Bulli Bai" oo ah eray luuqadda Bengaliga ah oo micnihiisu noqonayo amba loola jeedo aflagaado. Mid ka mid ah haweenka magacooda lagu isticmaalay olalahaan ayaa sheegtay in ay dareentahay wax ay ku tilmaantay yaxyax. Muddo lix bilood ah ayaa ka soo wareegtay markii kiiskaan ay booliska soo fara galiyeen haseyeeshee ilaa iyo hadda wixii ka horreeyay cidna umaysan qaban.

Suxufiyad lagu magacaabo Ismat Ara, oo magaceeda iyo sawirkeeda la isticmaalay, ayaa dacwo u gudbisay booliiska Delhi dhammaadkii isbuucii hore. Eedeymaha ku jira cabashada waxaa ka mid ahaa aflagaado, galmo iyo gaf loo gaystay diinta.

india

Xigashada Sawirka, AFP

Booliska Bombay ayaa iyagana la gaarsiiyay dacwdo kale oo ka yimid dad kala duwan kuwaas oo warbixinadooda lagu baahiyayTwitter-ka. Liiskaan waxaa ku jira gabdho suxufiyiin ah iyo jilayaal ku guulaystay abaalmarinno kala duwan.

Dhowr haween ah oo sawirradooda iyo magacyadooda lagu soo bandhigay baraha bulshada iyaga oo la beecinayo ayaa sheegay in falkaasi uu ku noqday argagax iyo yaab. Asra ayaa Websitka Al Jazeera qaybta English-ka u sheegtay in gaabiska ka muuqda baaritaannada booliska ee falalkan guracn laguna ceebaynayo gabdhaha Muslimiinta ah uu u muuqdo mid kalsooni darro ku abuuraya dadka dhibanayaasha ah.

Warbixin ay Amnesty Internationa soo saartay sanadkii2018-kii oo ay kaga hadashay dhibaatooyinka ka jira Hindiya ayaa muujisay in mar kasta oo ay bataan fikradaha dumarka, ay sii kordhaan dhibaatooyinka loo geysto, waxaana arrintaasi ay sii badisay kiisaska dumarka ka soo jeeda bulshooyinka laga tirada badanyahay.

"Weeraradan la qorsheeyey, ee lagu bartilmaameedsanayo haweenka waa isku day lagu doonayo in lagu aamusiyo haweenka Muslimiinta ah, loogana hortago inay sheegaan fikradahooda iyo ka hadalka Islaam nacaybka," Nazia Erum, oo ah qoraa iyo afhayeen hore ayaa sidaa u sheegtay BBC-da.

Sanadihii la soo dhaafay ayaa la sheegay in dalka Hindiya ay kor u kaceen weerarada iyo aflagaadada loo gaysanayo haweenka Muslimiinta ah.