Dagaalka sokeeye ee Itoobiya: Isbitaal Tigray ku yaal oo cunto u la’ carruur ay macaluuli hayso

Xigashada Sawirka, Getty Images
Surafeal Mearig oo saddex bilood jir ah ayaa yaal isbitaalka ugu wayn ee gobolka dagaalka uu halakeeyay ee Tigray ee waddanka Itoobiya, halkaas oo uusan caawimaad ku haysan.
Indhihiisa ma libiqsanayaan, feerahiisuna way isku dhageen. Waxa uu ka mid yahay carruur badan oo ay hayso macaluul, arrintaas oo loo tiirinayo dagaalka sokeeye ee 14-ka bilood halkaas ka soconaya ee ku faafay gobollada dariska ah ee Canfar-ta iyo Amxaarada.
Dhakhtarka carruurta ee Surafeal kula tacaalaya isbitaalka ugu wayn caasimadda gobolka Tigray ee Mekelle ee Ayder, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters waxa uu u sheegay in cannuga yar uu miisaankiisu yahay 2.3kg, oo kiilo garam ayuu ka yahay miisaankii uu ku dhashay.
Digniin: Akhristayaasha qaarkood ayaa laga yaabaa in sawirka hoose ay dhibsadaan
Sida ku cad xogta qoraalka caafimaadka ee ay dhigaan shaqaalaha isbitaalka, waxaa guray naasaha hooyadii, labadiisa waalidna haatan wax shaqo ah ma hayaan oo ma awoodaan inay canuga yar u soo iibiyaan caanaha carruurta.
Shaqaalaha isbitaalka ayaa waxa ay sheegayaan in cuntadii ay gabaabsi ka tahay isbitaalka arrintaas oo halis ku ah carruurta sida Surafeal.
"Haatan lix bilood ayaa laga joogaa tan iyo markii wax saad ah uu halkan ka soo gaaray Addis Ababa [caasimadda federaalka]," dhakhtar ka shaqeeya isbitaalka ayaa BBCda u sheegay isagoo shardi ka dhigay inaanan magaciisa la shaacinin oo waxa uu u cabsanayaa in qoyskiisa la bartilmaameedsado.
"Waxaan dhamaynay ku dhawaad wixii aan haynay oo dhan tan iyo markii bishii Juun uu ina soo gaaray saadkii ugu dambeeyay. Wax walba waa gabaabsi," ayuu ku daray.
Todobaadkan qof ka tirsan shaqaalaha caafimaadka ee Isbitaalka Ayder ayaa warbixin u gudbiyay hay'adaha gargaarka ee caalamiga ah markaas uu gacan waydiistay.
Surafeal waxa uu ka mid ahaa kiisaska uu dhakhtarka soo bandhigay.

Xigashada Sawirka, Reuters
Dhakhaatiirta ayaa sheegaya in in ka badan 40% carruurta ay da'doodu ka hoosayso shan sanadood ee isbitaalka yimaada macaluul ayaa haysa - iyadoo heerka carruurta ay laba laabmatay markii la fiiriyo heerkii 2019-kii.
Medhaniye oo afar sanno jir ah caato xad-dhaafna ah ayaa sidoo kale dul yaal sariirta isbitaalka oo waxaa sanka uga xiran tuubo lagu quudinayo.
Xogta caafimaadkiisa ayaa sheegaysa inuu bilaabay in macaluusha ay ku baahdo kaddib markii askarta ay gurigooda weerareen oo ay gowraceen sacooda, ay xadeen burburiyeenna hantidii reerka.
BBCda uma suuragelin inay si madaxbannaan u xaqiijiso xogta ku jirta warbixinta dhakhaatiirta maadaama inta badan gobolka Tigray aanay isgaarsiin jirin tan iyo Nofeembar 2020 markaas oo dagaal uu ka dhexqarxay Jabhadda Xorraynta Shacabka Tigray (TPLF), taas oo maamulaysay inta badan gobolkaasi, iyo dowladda federaalka. Weriyayaasha ayaanay sidoo kale u suuragelin inay Tigray booqdeen tan iyo bishii July.
Gacmo qalalan oo dhigga lagu joojiyo
Warbixintooda ayey dhakhaatiirtu dawada iyo agabka gabaabsiga ah ee ay sheegeen inay sababayaan dhimasho laga hortegi karay, waxa ay eedda dusha kaga tuureen "xayiraadda" mudada lixaad ah jirto oo ay gobolkaas saareen ciidammada federaalka iyo xulafadooda.
"Tan iyo markii gobolka la go'doomiyay, 35 bukaan ayaa noloshoodii u waayay maadama ay heli waayeen adeegyadii kalyaha loogu dhaqi jiray," warbixinta ayaa tiri.
Dhakhaatiirta ayaa sheegay inay qasab ku noqotay inay gacmo maran dhiigga ku joojiyaan, ay dhaqaan oo ay dib u isticmaalaan gacma-gashiga ama ay samaystaan aalkolo u gaar ah.
Legesse Tulu, afhayeenka dowladda oo arrintaasi ka jawaabaya ayaa BBCda u sheegay in warbixintu ay u muuqato "mid lagu doonayo in sheeko loogu sameeyo" TPLF iyo "waxyaabaha" ay ku andacoodaan ee la xiriira xayiraadda Tigray.
"Dhinaca dowladda, ma jirto cunaqabatayn ulakac ah oo la saaray Tigray oo waxyeelaynaysa shacabkayaga," ayuu yiri.
Hasayeeshee tan iyo markii uu dagaalku bilowday, hay'adaha gargaarka ayaa waxa ay ka cabanayeen in aanay u suuragelin inay gargaar badan gaarsiiyaan Tigray.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sida lagu sheegay warbixintii ugu dambaysay ee Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan isku xirka arrimaha gargaarka (Ocha) 30-kii Diseembar, in gobolka Tigray aanay kolonyo gargaar ah gaarin tan iyo bartamahii Diseembar maadaama uu jiro dib u dhac iyo ammaan xumiba.
Barnaamijka Cunnada Adduunka ayaa qiyaasaya in 100 baabuur oo xamuul ah oo gargaar sidda loo baahan yahay inay Tigray tagaan todobaad walba si loo daboolo baahida in ka badan shan milayn oo qof hasayeeshee sida Ocha ay sheegtay 12% oo kaliya saadka loo baahan yahay ayaa gaaray gobolkaasi.
Mar uu Mr Legesse ka jawaabayay waydiimaha la xiriira gargaarka gobolkaas la gaarsiinayo ayuu yiri: "In ka badan 840 oo ka mid ah 1,100 gaari oo raashin iyo dawo gaysay Tigray ayaanan weli soo laaban. Waxaa laga shakisan yahay in TPLF ay u adeegsadeen inay ku qaataan dadka ay qoranayaan, askarta iyo saadka milateri."
TPLF ayaa waxa ay iska fogaysay eedahaasi ah inay curyaaminayso gargaarka, hasayeeshee ciidamadeeda ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inay xadaan bakhaarrada gargaarka lagu xareeyo iyo goobaha caafimaadka ee ku yaal deegaannada ay ka qabsadeen gobollada Amxaarada iyo Canfarta.
Dakhtar ka howgala isbitaalka Ayder ayaa BBCda u sheegay in xitaa qoysaska shaqaalaha ay dhibaatadu saamaysay.
"Canugayga mindhiciraha ayaa xanuunaya dawana looma hayo," ayuu yiri.
Iyadoo gabaabsiga uu weli sii socdo ayuu dhakhtarku sheegayaa in aanay waddo kale u furnayn oo ah inay todobaadka soo socda joojiyaan dhammaan qalliinada ay fuliyaan.
"Ma hayno agab. Halkaas ayaannu haatan gaarnay, waana sababta aan u doonayno in caalamku uu xaaladda u ogaado. Inta badan isbitaalladu waa ay xirmayaan."












