Dal haddii da'daada lagu weydiiyo ay qasab tahay inaan sheegto

Xigashada Sawirka, Getty Images
Nin u dhashay Ingiriiska oo lagu magacaabo Joel Bennet oo safarkiisi ugu horreeyey ku tagay dalka Kuuriyada Konfureed ayaa ogaaday inuu galay qalad weyn kaddib marki uu u mahadceliyey milkiilaha maqaayad cunto macaan uu ka cunay.
Mulkiilaha maqaayadda oo ahayd haweeney 60 jir ah iyo Bennett, oo 23 jir xilligaasi ahaa wuxuu ku yiri ereyga ah "rubberwo" oo micnaheeda yahay 'mahadsanid", Wuxuuna isu haystay inuu wax fiican uu sameeyey.
Balse kalmadda Mahadsanid ee Ingiriiska ku "Thank You" waxay yeelaneysaa micnoyaal kala duwan, afka Kuuriyada Koonfureedna waxayba ka turjumeysaa sifo naceyb ama cay ah .
"Ma aanan ogeyn iney jiraan siyaabo kala duwan oo aad qofka uga mahadcelin kartid. Waxaanna u haystay mahadsanid ay keliya uun tahay mahadsanid, oo aysan lahayn micnoyaal kala duwan".

Xigashada Sawirka, Getty Images
Balse sida uu qabo dhaqanka Kuuriyada Koonfureed, Bennet waxaa laga filayey maadaamaa mulkiilaha makhaayadda uu da' ahaan ka yar yahay inuu u adeegsado luuqad wanaagsan oo ixtiraam leh balse ma dhicin.
Afka Kuuriyada Koonfureed looga hadlo wuxuu leeyahay nidaam adag oo loo adeegsado oo heerar kala duwan leh, waxaana lagu tilmaamaa inuu ka mid yahay luuqadaha adduunka ugu adag, maadaamaa uu u baahan in qofka uu si joogto ah u qiimeeyo hadalkiisa iyo hadba xaaladda uu markaas ku suganyahay, waxaana ka mid ah in afka uu isu badelayo hadba qofka aad la hadlayso da'da uu yahay iyo heerka uu bulshada ka joogo.
Waxyaabaha ugu horreeya oo qofka aad Kuuriyada Koonfureed kula kulanto uu ku weydiinayo ayaa waxay tahay inuu da'daada ku weydiiyo, si uu u haleelo hadalkii munaasabka ahaa ee uu ku oran lahaa.
Inaad qofka si aan gabbasha lahayn aad u tirahdo da'daada ama sanadka aad dhalatay ii sheeg, waa mid bulshada dalkaasi oo dhan caado u ah. Taasoo tilmaan u ah bulshooyinka Kuuriyada Koonfureed sida ay u kala dambeeyaan iyo sida ay isugu raacsan yihiin qofka aad la hadleysid qaabka aad ula macaamileysid.
Kala duwanaasha da'da dadkuna waxay kuu sahleysaa sida aad qofka kale ula macamileysid marka aad wax cuneysid ama aad cabeysid.
"Sababta ugu weyn ee dhaqanka noocaasi loo go'aansaday ayaa waxay tahay si ay u sahlanaato ereyada saxda ah ee qofka loo isticmaalayoo iyada oo la eegayo qofka da'diisa" ayuu yiri Jieun Kiaer oo ah bare jaamacadda Oxford ka dhiga luuqadaha Kuuriya.
"Taasi waa sababta ay dadku inta badan isu weydiiyaan da'dooda, ma ahan inay soo jiitaan da'da qof kale, laakiin waxay u baahan yihiin inay la yimaadaan habka ugu saxan ee ay qofka loola hadlayo," ayuu raaciyay.
Su'aalaha aasaasiga ah
Waddamada Reer Galbeedka qaarkood qof aad markii ugu horreysay kulanteen inaad weeydiiso da'diisa waxaa laga yaabaa iney suuragal ahayn ama uu kula yaabo.
Laakiin si loo fahmo sababta da'da oo qofka la weydiiyo ay wax weyn uga ahayn Kuuriyada Koonfureed ayaa ah in laga fogaado isafaham la'aanta buslahada dhex mari karta.
Waa aragti qadiimi ah oo ku qotonta caqiidada, farqiga u dhexeeya waayeelka iyo dhalinyarada, iyo nidaamka bulsheed, kaas oo jiray in ka badan 500 oo sano ee Boqortooyadii Joseon (1392-1910) oo sii wadday in ay maamusho xeerarka bulshada.

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Arrimahaasi oo dhan waxaa lagu soo koobi karaa labo eray: bani-aadminimo iyo caado," ayuu yiri Ro Young-chan, oo ah bare wax ka dhiga jaamacadda George Mason ee dalka Mareykanka.
Mudane Ro oo sharraxaadiisa sii wata wuxuu yiri falsafayahan Shiinaha u dhashay oo noolaa intii u dhaxeysay (551-479 BC) oo ku suntan taariikhdii hore ee Shiinaha wuxuu aaminsanaa bani'aadanimada iney gacan ka geysaneyso soo celinta nidaamka kala dambeynta bulshada dhexdeeda ayna abuureyso qaab-dhismeed bulsho oo bani'aadaminimo ku dhisan.
Bulshada dhexdeeda dadka muxtaramka ka ah sida waaliddiinta Aabbo iyo Hooyo, Boqor iyo Boqorad iwm sida loola dhaqmana waxay ku qotontaa kala dambeynta bulshada dhexdeeda laga doonayo iney timaaddo.
Waa taa sababta da'da in la isweydiiyo ay micna weyn ugu fadhido dhaqanka bulshooyinka Kuuriyada Koonfureed.
Heerarka afka Kuuriyada uu leeyahay
Nidaamka Luuqadda Kuuriya ee ixtiraamka loo isticmaalo wuxuu leeyahay toddoba darajo oo hadalka iyo qoraalka loo adeegsado.
Balse dhanka hadalka marka la eegana waxaa loo sii kala qaybiyaa: mid caadi ah iyo mid aan caadi ahayn oo jumladda dhammaadkeeda la raaciyo kalmadda 'Aniga'.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xaqiiqatan marka la eego luuqadda Kuuriyada Koonfureed isticmaalkeeda sida uu u adag yahay waxaa xataa ku khaldama dadka afkaasi asalka u leh.
"Waxaad u baahan tahay inaad fiiro gaar ah u yeelato aadna ka baaraan degtid sida saxda ah ee aad u hadli kartid. Haddiise aad hadalkaaga ereyo khaldan u isticmaasho waxay kuu horseedi kartaa bulshada dhexdeeda inaad isku dhac kala kulanto oo aad qayb ka noqon doodaha ama kulammada ay bulshooyinka yeelanayaan," ayuu yiri Kiaer.
Wuxuuna intaa ku daray inkasta oo da'du door muhiim ah ku leedahay go'aan qaadashada sida loo helo, haddana malaha qaacido adag oo la raaco.
Waxaana jira dhawr waxyaalood oo ay tahay in la tixgeliyo: sida macnaha guud, heerka dhaqan-dhaqaale ee ay dadku ku wada hadlaan, wadahadallada gaarka ah iyo midda guud.
Isku soo wada duuboo, arrimaha aan soo sheegnay oo dhan waxay noqdeen kuwa jahwareerkooda leh oo ay si khalad ah u isticmaalaan xataa kuwa afkasi asal ahaan u leh.

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Si aad u haleesho habka ugu wanaagsan ee xiriirka, tallaabbada ugu horreysa waa in la wada hadlo, sababtoo ah haddii aad beddesho qaab kale iyada oo aan la wada hadlin, taasi waa waxa dadka ka dhigaya kuwo xanaaqsan," ayuu yidhi.
Ka hor inta uusan bishii Agoosto u dhaqaaqin Kuuriyada Koonfureed, Delia Xu oo Toronto ka soo jeeda wuxuu dajisatay xeelad uu ku barto afka Kuuriyada Koonfureed isaga oo wax khalad ahna aan sameyn.

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Sida ugu fudud waxay ila tahay inuu qofka marka ugu horreysa uu barto naxwaha luuqaddaasi, maadaamaa ay taasi kaa caawineyso inaad erey khalad ah ku dhawaaqin ama wadahadalka bulshada aad la yeelaneysid aad u itsicmaasho, " ayuu yiri.
Fiidiyow 2016-kii YouTube lagu baahiyey oo la daawaday 1.2 malyan oo jeer, Bennet wuxuu ka bartay cashar ku saabsan habka sharaabka marka uu cabbayo luuqaddasi loo adeegsado.
Mudane Xu waxaa kale oo uu qirayaa in barashada xeerarka anshaxa Kuuriyada Koonfureed ay tahay hawl adag.
Halkaa marka ay marayso, waxa laga yaabaa in ay sahlanaato inaad garato qaab-dhismeedka bulsho ee Kuuriyada Koonfureed ee cadaadiska leh, iyada oo haweenka sidoo kale laga filayo in ay u hoggaansamaan seygooda ama nimankooda, si waafaqsan dhaqanka dalkaasi.
Laakiin, Bennett ayaa dhawaan bartay qofka weyn ama da'da ah inuu door weyn uu leeyahay markasta oo lala hadlayo qof ixtiraam mudan..
Xilliyada ixtiraamka loo baahan yahay
- Marka aad lacag bixineysid ama qaadaneysid, labada gacmood u isticmaal.
- Marka aad ku jirto xaalad ku shaki geliso, had iyo jeer hadalka u isticmaal si ixtraam leh adiga oo aan da'daada eegeyn.
- Guud ahaan ereyada aad adeegsaneysid raaci kalmadaha "Yo" iyo "Nida" ereyadaasi oo muujinaya ixtiraam.
- Magacdana marweliba waxaad xagga dambe ka raadisaa ereyga 'nim.

Xigashada Sawirka, Getty Images












