Wasiirro Puntland oo isku gefsan qorshaha 2040-ka iyo qoysaska badan

Wasiir Dhabancad

Xigashada Sawirka, Madaxtooyada Puntland

Qoraalka sawirka, Wasiir Dhabancad
Published

Wasiirka arrimaha gudaha dowlad gobleedka Puntland Maxamed Dhabancad ayaa soo hadal qaaday in Puntland ay dhul ballaaran heysato islamarkaasina ay tahay in tirada dadka la badiyo si dhaqaalaha iyo kobaca Puntland uu sare ugu kaco.

Waxaan jeclaan lahaa in hadafkeena koboca dhaqaalaha ee 2040 lagu daro in sare loo qaado taranka maaddaamaa aanu rabo inaano xoojino ilaha waxa soo saarka si taasi aan u gaarnana waxaa loo baahan yahay inaan sare u qaadno taranka dadka reer Punland, waxaan u maleynayaa in dooddaasi aan marar badan ka hadlay waana arrin aad muhiim u ah."

"Maantay Puntland waa 3 milyan iyo goo go' balse marka la gaaro 2040 waxaanu rabnaa in 8-10 milyan aan gaarno, wasiirka haweenkuna waa ay fadhidaa, waxaa lagaa rabaa inaad ka shaqeyso arrinkaas si marka la gaaro 2050 ay dadka yaga u gaaraan isku filnaansho," ayuu yiri wasiir Dhabancad, hadalkaas oo dad badan u fasirteen in uu ula jeedo in qoysaska ragga ay yeelanayaan la badiyo amaba carruurta ay dumarka dhalayaan la kordhiyo.

Balse waxaa jira dad qaba fikir kaa ka duwan, waxaana ka mid ah wasiir ku xigeenka wasaaradda haweenka iyo arimaha qoyska Sahro-kiin Cabdi Xirsi oo iyadu sheegtay iney jiraan arrimo ka muhiimsan taranka bulshada.

Waxay sheegtay in aysan marnaba soo dhaweynayn ra'yiga ah in taranka Puntland uu gaaro 8-10 milyan marka la gaaro 2040 sano ka dib dad badan la helo. "Horta taranka Alle ayaa haya oo waa wax qoran xaaladda hadda Soomaaliya ay ku jirtana waan ognahay, bulshadii waa bulsho soo kabaneyso oo ay saameeyeen dagaallo sokeeye, abaaro, dhaqaalo darranna ay wajahayaan." Waxaad arkaysaa gabar hal canug dhashay walaasheedna ay 10 leedahay marka Alle ayaa haya taranka."

Wasiir Sahro-kiin Cabdi Xirsi

Xigashada Sawirka, PSS

Qoraalka sawirka, Wasiir Sahro-kiin Cabdi Xirsi

Wasiir Sahro-kiin Cabdi Xirsi ayaa iyadoo ka jawaabeysa su'aal ay BBC-su weydiisay tiri: "Horta aniga iyo adiga ma badani karno taranka oo Alle ayaa haya, waxaana dhalanaya oo keliya intii uu isaga ugu talagalay marka waa iska fikir ka soo yeeray wasiir, dadku waa iska hanweyn yahay oo qofkasta waa uu jeclaan lahaa inuu 10 ciyaal ah dhalo laakin su'aaluhu waxay tahay maxaa suuroobaayo, ma laguu qoray awooddeeda ma leedahay? Su'aalo badan ayaa imaan kara laakiin marka uu qofka ra'yigiisa soo dhiibto waa la iska warreysanayaa oo waa la is weydiinaya waxaan ma dhici karaan?

Qoraalka Codka, Xubnaha golaha qaarkood

"Sidaan kuu sheegay bulshada waxaa soo gaaray burbur iyo dhaqaali yari ba'an marka waxaa batay dayicii gabdhaha yaryar oo la furayo la silcinaya, qoysaska waa ay burburayaan waxaana sababaya dhaqaalo darro, mas'uuliyad darro."

Sahro-kiin Cabdi Xirsi ayaa sheegtay in burburka uu sidoo kale horseedo in iyada oo ninka waxaba fiican haysan uu guursado xaasas badan.

"Waxaan leeyahay fakirkaas ma ahan mid aan soo dhaweynayo xilligaan, waxaana leeyahay hala gaaro xilliga ay bulshadeena wax badan fahanto oo aqoonta iyo dhaqaalahana sidaan iska baddalaan midda kale arrinkan ma ahan arrin aniga iyo wasiirkaba inoo yaalla waa arrin shakhsi ah."

"Qofka waa xor oo ra'yiga uu rabo ayuu ku dhaqaaqi karaa balse waxaa jira waxyaabo badan oo ka fiican oo noogala baahan yahay inaan bulshada kula talino oo ka mid yihiin in qoysaska la ilaaliyo, caruurta ay barbaarin fiican helaan oo ay aqoon helaan oo diinta lagu ababiyo," ayay tiri wasiir Sahro.