Afcon 2021: Xulka ciyaarta muhiimka ah ciyaari doona ee aan haysan goolhayeba

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kooxda laga yaabban yahay ee koobka qaramada Afrika ee metelaysa dalka Comoros ayaa isniinta la ciyaari doonta wareega 16-ka xulka qaranka martida loo yahay ee Cameroon iyada oo ayna haysan goolhaye la aqoonsan yahay.
Salim Ben Boina ayaa ku dhaawacmay kulankoodii ugu dambeeyay ee Group C, halka goolhayeyaasha kale ee Ali Ahamada iyo Moyadh Ousseini laga helay cudurka Covid-19.
Sharciyada koobka qaramada Afrika ayaa ah in ay ciyaaraan xulalku, xataa hadii ay haystaan 11 ciyaartoy oo taam ah oo keliya.
Tababaraha goolhayaha Comoros Jean-Daniel Padovani ayaa sheegay in ciyaaryahan ka baxsan garoonka uu geli doono goolka.
"Waxaan mar hore dooranay ciyaaryahan ka baxsan garoonka kaasoo ku soo bilaaban doona goolhaye," Padovani ayaa yiri.
"Waa ciyaaryahan inta lagu guda jiro tababarka, muujiyay inuu u ciyaari karo goolhaye ahaan."
Kooxda Coelacanths, oo ku jirta kaalinta 132aad ee adduunka, ayaa waxaa qaar ka mid ah ciyaartooydooda haleelay cudurka dilaaga ah ee loo yaqaan 'coronavirus' kaas oo saameeyey ciyaartoyda iyo maamulka kooxdaba ka hor kulanka ay la leeyihiin Libaaxyada lagu naanayso Indomitable Isniintii (19:00 GMT).
Daafacyada Kassim Abdallah iyo Alexis Souahy, khadka dhexe Nakibou Aboubakari iyo Yacine Bourhane iyo weeraryahan Mohamed M'Changama ayaa dhamaantood ka maqan ciyaarta, halka tababare Amir Abdou uu isna laga helay cudurka.
Xulka Comoros ayaa markii ugu horreysay taariikhda ku ciyaaraya tartankaan waxaana ay gaareen wareega 16-ka kadib markii ay 3-2 ku garaaceen Ghana ayna ku dhameysteen kaalinta seddexaad ee Group C.
Ciyaarta u dhaxaysa Comoros iyo Cameroon waxaa si toos ah looga daawan doonaa BBC Sport (Uk oo kaliya).















