Naaziyiinta: Mataanaha cafiyay kuwii xasuuqay qoyskooda iyagana jirdilay

.

Xigashada Sawirka, Studio Panda / BBC Ideas

Qoraalka sawirka, .
Published

Eva Kor sheekadeeedu waxay ku billaabmeysaa si la mid ah dad badan oo xasuuqii dadka Yahuudda loo geystay.

"Maalin ka mid ah sanadkii 1944-kii, aniga iyo qoyskeyga waa lana xiray waxaana nalagu dhex xiray tareen xoolaha qaada, muddada aan halkaasi ku xirneena maanan helin cunto iyo biyo toona," ayey tiri iyada oo u warrantay barnaamijka BBC Ideas.

"Waxayna na geeyeen dalka Poland, waxayna nooga dhex tageen xerada ay Naaziyiinta dadka ku silcin jireen ee Auschitz."

Marka ayuuna ilaaliyihii xabsiga uu ogaaday iney Eva tahay qof ka duwan maxabiista kale.

"Wuxuu na arkay aniga iyo walaasheey oo hooyadeen ku dhaggan si aan naloo kala geyn."

Sawir lagu matala Eva iyo walaasheed oo gacmaha ishaysta

Xigashada Sawirka, Studio Panda / BBC Ideas

Qoraalka sawirka, "Wuxuu na arkay aniga iyo walaasheey oo hooyadeen ku dhaggan si aan naloo kala geyn."

Dadka ku cusub xerada Auschwitz dadka kale waa laga gartaa, maxaa yeelay dadka ku sii jiray xeradaasi waa daciif oo waxaa ka muuqato diif iyo dhibaato aad u badan maadaamaa qolka dadka lagu silciyo ee gaaska la soo mariyey maalintii oo dhanna lagu qasbo iney shaqeeyaan.

Balse waxaa jirtay qayb kale oo ay isticmalaan Dr Josef Mengele iyo kaaliyayaashiisa.

"Wuxuu xoog nooga soo qaaday gacmaha hooyadeen maadaama ay laabta nagu haysay."

"Waxaan xasuustaa inaan xilligaa hooyadeey eegayey. Wixii markaa ka dambeeyeyna hooyadey dib uma arkin."

Labada gabdhood oo mataanaha oo ay ciidamada Nazi xoog ku sii wadaan

Xigashada Sawirka, Studio Panda / BBC Ideas

Qoraalka sawirka, Labada gabdhood oo mataanaha oo ay ciidamada Nazi xoog ku sii wadaan
Hooyadoodna waxaa qabtay ciidamada Nazi ee gacanta ku haya xerada ay ku jiraan

Xigashada Sawirka, Studio Panda / BBC Ideas

Qoraalka sawirka, ... Dib dambana hooyadood uma eysan arag

Eva iyo walaasheey 10 jirka ah Naaziyiintu wey badbaadiyeen maadaamaa ay qorsheynayaan iney cilmi-baarista caafimaad ee dadkaasi lagu sameyo loo adeegsanayo maadaamaa ay yihiin gabdho yaryar oo mataano ah.

Habeenkii ugu horreeyey wuxuu ahaa mid aragagax leh.

"Dhulka qolka nala geeyey waxaa daadasan meydka seddex gabdhood, jirkooda wuu qaawanaa oo wax dhar ah ma saarneen, muuqaalkoodana wuxuu ahaa mid aragagax leh."

"Maalintaa ka hor qof dhintay ma arag."

Sawir lagu matalayo meydka seddexdaasi gabdhood

Xigashada Sawirka, Studio Panda / BBC Ideas

Qoraalka sawirka, Dhulka qolka nala geeyey waxaa daadasan meydka seddex gabdhood

"Taasi aad ayey ii dhibtay."

"Balan aamusan ayaan naftayda u qaaday inaan samayn doono wax kasta oo aan ku xaqiijin karo in aniga iyo Miriam aan ugu dhiman qolkaan dhexdiisa oo sida seddexda gabdhood oo meydka ah qolkan dhexdiisa nalooga tegin."

Eva nafteyda ayey ballan u qaadday

Xigashada Sawirka, Studio Panda / BBC Ideas

Qoraalka sawirka, Eva nafteeda ayey ballan u qaadday

Mangele waa kaaliye la shaqeeya cilmi-baadhe caan ah oo arrimaha mataanaha ku soo bartay machad ku yaalla Frankfurt oo dhinaca Biolojiga ah, wuxuuna xerada Auschiwitz uu shaqada ka billaabay 1943-kii.

Halkan, waxaa laga helaa mataano aad u tira badan oo cilmi baarista loo adeegsado haddii ay dhintaanna wax dhib ah looma arko.

Dhaqtarka Maengel ee ka howl gala Auschwitz laga soo bilaabo 1943, wuxuu jirdilay in ka badan 1,000 mataano ah iyo maxaabiis kale oo u adeegsaday fikradiisa sayniska.

Sawirka Eva iyo Miriam oo la cabbirayo

Xigashada Sawirka, Studio Panda / BBC Ideas

"Saacado ayaan qaawaneen oo xubin kasta oo jirkannaga ka mid ah cabbir lagu sameynayey. waxayna ahayd bahdil iyo wax laga naxo," ayey tiri Eva oo dib u xusuusaneyso wixi lagu sameeyey.

"Tooddobaadkii seddex jeer waxay na geeyaan shey baarka dhiigga labada gacmoodna wey naga xireen, gacanta bidixna dhiig badan ayey ka shubaan. Iyaga oo cilmibaarista ay nagu sameynayaan ay salka ku hayso qofka dhiigga ugu yar uu ku noolaan karo iyo kan uu ku dhiman karo."

"Waxayna gacanta midig naga siiyaan ugu yaraan 5 irbadood oo ahaa kuwo xanuun badan."

Maalin maalmaha ka mid ah, Eva marki irbadda la siiyey aad ayey u xanuunsatay.

"Waxay ahayd xaalad liidato, Mengele wuxuu nagu yiri waa gabar da' yar balse waxay sii noolaaneysaa laba toddobaad oo keli ah. Waan ogaa inuu saxan yahay. Balse aniga dhimasha ma dooneyn oo waan is adkeeyey."

"Waxaanna ogaa haddii aan aniga dhinto, iney baaritaanka ku sii wadayaan Maryam irbadaha xanuunka badan ee aniga la i siiyey kuwa la mid ah si ay baaritaankii ay aniga igu billaabeen u sii wataan."

Hase yeeshee, Eva iyo walasheed wax ay soo mareenba waxaa xerada Auschwitz laga sii daayey 1945-kii.

Sawir muujinaya labada gabdhood oo gurigooda hortiisa maraya

Xigashada Sawirka, Studio Panda / BBC Ideas

Qoraalka sawirka, Labadi gabdhood oo mataanaha ah oo gurigooda ku soo laabtay
Waxay heleen seddex sawir oo qoyskooda ka haray oo keli ah

Xigashada Sawirka, Studio Panda / BBC Ideas

Qoraalka sawirka, Waxay heleen seddex sawir oo qoyskooda ka haray oo keli ah

"Sagaal bilood kaddib ayaan gurigannaga ku soo laabannay, balse qof qoyska annaga ka mid ah oo badbaaday ma jirin kulligood waa la laayey. Waxaanna guriga ka helnay oo kei ah seddex sawir oo baba'ay oo qoyskannaga ka haray.

Eva waa ay guursatay oo waxay noolasha ka billaawday Mareykanka. Balse walaasheed caafimaadkeeda wuxuu noqday mid liito iyada oo xanuun joogta ah ka dhaxashay baaritaankii ay Naaziyiintu ku sameeynayeen inta ay xerada ku jirtay."

"1987-kii hal killi ayaan walaasheey u bixiyey si aan u badbadiyo, balse nasiib darro mey badbaadin oo waxay geeriyootay 1993-kii geerideedana aad ayaan uga xumaaday."

"Mariam ama walaasheey aan mataanaha nahay ee dhimatayna waxay ahayd qofka keli ah ee ka haray qoyskannaga."

"Aad ayaan u murugooday."

Eva walaasheey waxay u bixisay hal killi

Xigashada Sawirka, Studio Panda / BBC Ideas

Balse nasiib darro walaasheed mey badbaadin

Xigashada Sawirka, Studio Panda / BBC Ideas

Eva sanada badan ayey ku qaadatay iney ka soo kabato dhibaatooyinkii faraha badnaa iyo xanuunkii soo gaaray.

Waxayna qaadday tallaabbo lama filaan ah iyada oo la xiriirtay dhakhtar Nazi ah oo lagu magacaabo: Hans Munch.

Waxay Eva u safartay dalka Jarmalka si ay dhakhtarkaasi ula kulanto.

Dr Munch xilligaa da'diisu waxay ahayd 82 jir. Si farxad leh oo ixtriaam leh ayuu ii salaamay. La yaab ayey igu noqotay maadaamaa aan ka fileyn inuu qof Nazi ah uu ixtiraam ii muujinayo."

"Hans Munsh wuxuu ahaa dhakhtar takhasuskiisu ahaa Bacteriologist waxa afka qalaad lagu yirahdo waaya aragnimo badanna wey u dheer tahay. Wuxuuna ka mid ahaa dhakhaatiirta saxiixda bixinta shahaadooyinka dhimashada. Inkasta oo wada xusuusan dadkii uu warqaddooda dhimashada saxiixay iyo tiradooda intaba."

"Oo wuxuu igu yidhi, "Taasi waa dhibaatadayda, taasi waa riyo aan la noolahay."

SAwir muujinaya Dr Münch ka hor iyo kaddib

Xigashada Sawirka, Studio Panda / BBC Ideas

"Waxaan waydiiyey haddii uu diyaar u yahay inuu ii raaco Auschwitz oo uu iigu markhaati furo hadal la mid ah kii uu igu yidhi. Wuxuuna sheegay inuu jeclaan lahaa."

Dr Münch wuxuu dib u booqday qolalka gaaska isaga oo Eva la socdo si uu u saxiixo dukumeenti xaqiijinaya inay jiraan.

Eva waxay rabtay inay u mahadceliso.

"Waan ogaa u mahadcelinta Nazi inuu yahay fikir waalli ah, aniga oo weliba ka mid ah dadkii ka badbaaday xerada Nazi ee Auschwitz! dakuna waxay ii arkayaan inaan waashay."

"Waxaan raadiyey waddo aan ugu mahadcelin karo, 10 bilood kaddibna hal fikir ayaa maskaxdeeyda ku soo dhacay."

"Haddii aan qoro warqad aan cafis ugu fidinayo aniga oo ka mid ah dadkii ka badbaaday Auschwitz?"

"Waxaanna garwaaqsaday tani iney tahay haddiyadda micna buuxda u sameyneysa."

"Ma jirto cid awooddaasi i siisay ama awooddaasi iga qaadan karto."

"Si aan nafteyda ula dagaallamo waxaan go'aansaday xataa Mengele oo ahaa shaqsigii dhibka ugu badan ii geystay inaan iska cafiyo."

Sawir lagu matalayo Dr Mengele

Xigashada Sawirka, Studio Panda / BBC Ideas

Qoraalka sawirka, Si aan nafteyda ku dirqisay xataa Mengele oo ahaa shaqsigii dhibka ugu badan u geystay iney iska cafiyo."

Mengele waxaa xiray ciidamada Mareykanka, balse markii dambe ayey sii daayeen maadaamaa ay ogaadeen inuu magaciisu ku jira dadka loo haysto dambiyo dagaal iney geysteen.

Wuxuu beeralay ahaan uga soo shaqeeyay Bavaria ka hor inta uusan 1949-kii u baxsan Argentina.

Sida oo kale hay'adaha dowladda Galbeedka Jarmalka 1959-kii waxay u jareen waaran lagu soo qabanayo Mengele oo ku sugnaa Koonfurta Mareykanka ilaa uu ka geeriyonayey.

Waxaa lagu aasay Sao Paulo iyadoo loo bixiyey magaca Wolfgang Gerhard.

Balse Eva meysan dooneyn inuu sii noolaado si au u cafiso.

"Ma ahayn wax fudud, laakiin waxaan dareemay inuu culeys badan uu iga dhacay, waxaanna dareemay xoriyad.

Eva cafiska ay fidisay waxay ku dareentay xorriyad iyo inuu culeys badan uu ka dagay

Xigashada Sawirka, Studio Panda / BBC Ideas

"Yaa go'aanmiyey in aniga oo dhibane ah, inta noolasheyda ka harsan aan la noolaado murugo, caro, quus iyo garab la'aan?

"Taa waan diiday."

Cafiska ayaa i xoreeyey

Xigashada Sawirka, Studio Panda / BBC Ideas

"Wixii dhacay oo laga soo gudbay waxba kama qaban kartid oo waa ay dhaceen. Balse waxaad wax ka qaban kartaa falcelintaada."

",Dhammaan qoyskeenna waa la dilay. Balse waxaan awood u leeyahay inaan cafiyo."

"Adiguna waa inaad sida sameysaa."

Eva Kor waxay dhimatay iyada oo 85 jir ah, xilli ay ku jirtay safar ay 2019-kii ay ku tageysay dalka Poland.

Eva Kor waxay tilmaamaysaa sawirka iyada oo ku sugan xerada Auschwitz intii lagu jiray Dagaalkii Labaad ee Adduunka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Eva Kor waxay dhimatay iyada oo 85 jir ah, xilli ay ku jirtay safar ay 2019-kii ay ku tageysay dalka Poland.