Safiya Abuukar Karaani: Siminaarkii dhiirrigeliyay gabadha u doodi jirtay arrimaha haweenka

Safiya Abuukar Karaani waxay agaasime ka ahayd waaxda maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada
Qoraalka sawirka, Safiya Abuukar Karaani waxay agaasime ka ahayd waaxda maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada
Published

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay meydka Safiyo Abuukar Karaani, oo ka tirsaneyd saraakiisha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliya, oo koox aan haybtooda la aqoonin ay xalay dil ugu geysteen waddada Maka al-Mukarama.

Gabadhan oo aad looga yaqaannay Soomaaliya waxay ahayd Agaasimihii waaxda maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee dowladda federaalka.

Ka hor inta aysan ku biirin Wasaaradda waxay kasoo shaqeysay saxaafadda oo ay muddo dheer kusoo jirtay iyo sidoo kale arrimaha bulshada.

Shaqada warbaahinta oo ay soo wadday muddo gaareysa 30 sano ayay kusoo saartay dhallin yaro aad u badan, halka kuwo kalena ay u ahayd ku dayasho.

Qoraa Amiin Yuusuf Khasaaro, oo ka mid ah dadkii lasoo shaqeeyay ayaa BBC-da u sheegay in Safiya ay ahayd qof kaalin weyn kasoo qaatay howlaha warbaahinta.

"Alle ha u naxariistee Safiya Abuukar Karaani bahda warbaahinta ayay kusoo jirtay waqti aad u dheer. Waxay aasaastay wargeys la oran jiray Bilan oo ka hadli jiray arrimaha qoyska iyo carruurta, wuxuuna ahaa wargeys aad looga aqrisan jiray Muqdisho," ayuu yiri.

Safiya Abuukar Karaani

Xigashada Sawirka, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

Qoraalka sawirka, Safiya Abuukar Karaani

Kaddib waxay u sii tallaabsatay inay sii xoojiso wax qabadka bulshada oo ay sii horumarisay.

"Wargeyska waxaa ku xigay inay abuurtay hay'ad ka shaqeysa arrimaha haweenka iyo carruurta. Hay'addaas markii ay sameysay waxay soo saartay gabdho badan, kuwaasoo ay u sameysay dugsi laga baranayay farsamooyinka isugu jira harqaanka, farshaxanka, cillaan saarka, cunto karinta iyo waxyaabo badan oo shaqo abuur ah," ayuu yiri Amiin Yuusuf.

Waxa uu intaas ku daray in isaga iyo Safiya ay ka wada qayb galeen siminaar ay BBC-da qabatay sanadkii 1999-kii, kaasoo uu sheegay inuu gabadhan ku dhiirrigeliyay abuurista wargeys u adeega dumarka.

"Waan isla soo shaqeynay, maadaama ay ka tirsaneyd bahda warbaahinta. Waxaan iskula jirnay siminaaro badan oo uu ka mid yahay mid ay bixineysay idaacadda BBC-da. Markii ay tababarkaas qaadatayna waa midda keentay in ay abuurto wargeyska Bilan."

Hay'addaas oo ilaa hadda ka jirta Soomaaliya ayaa sidoo kale sameysay iskuul lagu barto culuumta kumbuyuutarka oo gabdho badan ay ka faa'iidyestaan.

Waxa ay sidoo kale soo saartay gabdho ay iyadu dhashay oo ka qayb qaata howlaha lagu taageero dumarka.

Muxyadiin Maxamed Xaaji

Xigashada Sawirka, Google

Qoraalka sawirka, Muxyadiin Maxamed Xaaji

Sanadkii 2016-kii waxaa lagu dilay seygeeda Muxyadiin Maxamed, oo horay wasiirka gaashaandhigga uga soo noqday xukuumaddii Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Nuur Cadde.

Muxyadiin Maxamed Xaaji Ibraahim ayaa lala beegsaday qarax 15-kii bishii February ka dhacay waddada KM 4 ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka safaaradda Turkiga.

Xilliga la dilayay waxa uu ka tirsanaa xubnaha sar sare ee xisbiga Kulan.