Sheekada Maroodiga : Shankar oo ku kaliyoobay Hindiya, Afrikana u hiloobay

Xigashada Sawirka, NIKITA DHAWAN
24 sano ka hor, maroodi yar oo magaciisa yahay Shankar ayaa diyaarad laga saaray kaymaha Afrika, waxaana la geeyay Hindiya, kadibna waxaa la galiyay goob xayawaanka lagu hayo oo Delhi ku taala, balse hadda codsi yaala maxkamadda sare ee magaaladaas ayaa lagu dalbanayaa in dib loogu celiyo Afrika.
Codsigan ayaa waxaa maxkamadda u gubdiyay qof 16 jir ah oo lagu magacaabo Nikita Dhawan oo ah asaasaha ururka Dhallinyarada ee Xayawaanka daryeela, waxayna ku doodayaan in Shankar uu muddo kalinimo ku noolyahay.
Waxa uu ururkani codsanayaa in dib loogu celiyo Afrika, oo la geeyo kaymihii xayawaanka kale uu ku noolaa.
Waxa ay saraakiisha dowladda ku eedeeyeen in ay si xun ula dhaqmayaan xayawaanka, hase yeeshee mar aan dowladda la xiriirnay waa ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan.
Gabadhan yar ee Nikita ayaa sheegtay in ay doonayso in ay u qareento xayawaanka kale ee gacanta dadka ku jira iyada oo isticmaalaysa arrinka Shankar.
"Maroodiyada maqaam sare ayay ka joogaan bulshada Hindiya dhexdeeda, meel kasta ayay joogaan, xitaa macbadyada, haddane lama daryeelo" ayay tiri.
Dadka u doodda xuquuqda xayawaanka ayaa muddo dheer ka dayrinayay maroodiyada gacanta dadkaku jira, kuwaas oo loo isticmaalo isu soo baxyada diimeed, marka alwaaxa la jarayo, iyo xitaa tuugsiga.
Shankar ayaa ah mid ka mid ah labada maroodi ee kaliya ee Afrika laga keenay ee Hindiya jooga, kan kale waxaa lagu magacaabaa Mysuru, wuxuuna ku jiraa xero ku taala gobolka Karnataka.
Shankar oo la keenay Hindiya sanadkii 1998-dii ayaa waxaa wehlin jirey labo maroodi oo kale, kuwaas oo dhegahooda waaweyn lagu kala garan ogyahay iyaga iyo maroodiyada kale ee Aasiya.
Shankar wuxuu ahaa hadyad dublamaasiyadeed oo dowladda Zambia ay siisay madaxweynihii Hindiya Shankar Dayal Sharma.
Tan iyo markii maroodigii kale ee wehlinayay uu dhintay 2005-tii, Shankar wuxuu ahaa wehel la'aan.
Sonali Ghosh oo ka mid ah mas'uuliyiinta xerada ayaa wargeyska Indian Express u sheegay in ay ka fikirayaan sidii ay maroodigan uga saari lahaayeen kelinimada.
Gabadhan yar ayaa furtay bog internet-ka ah oo dadka kaga dalbeyso in ay codkooda ku biiriyaan codsigeeda, waxaana durba saxiixay wax ka badan 90 kun oo qof.
Waxaa xitaa jirta Hay'ad UK fadhigeedu yahay oo ku yaboohday in ay iyaga Afrika geyn karaan, halkaasna ku xanaanayn karaan iyaga oo qarashka iska bixinaya.












