Wordle: Hal-xiraale uu jaceylkiisa ug talagalay ayay dunida oo dhan ka daba dhacday

Ciyaarta Wordle

Xigashada Sawirka, BBC News

Qoraalka sawirka, Ciyaarta Wordle
Published

Isbuucyadii la soo dhaafay, waxaa dunida qabsaday game cusub oo sababay in Wargeyska The New York Times uu hal milyan oo doolar ku iibsado. Balse qaabka uu ku billowday game-ka xujada isku aadinta erayada ayaa dad badan ka yaabiyay.

Josh Wardle oo fadhigiisu yahay New York, oo barnaamijkan curiyay ayaa sheegay in uu aad ula fajacay jawaabaha laga bixiyay tan iyo markii ugu horreysay ee uu soo baxay game-kan bishii October ee sannadkii hore.

"Tan iyo markii aan billaabay barnaamijkan Wordle, waxaa i dhiirageliyay jawaabta qof kasta oo ciyaaray," ayuu ku soo qoray Twitter. "Ciyaarta ayaa ka weyn sidii aan filayay- taasoo aan u malaynayo inaysan ahayn wax aad u fiican marka la eego inaan ciyaarta u sameeyay hal qof.

Ciyaartan oo markii hore ku qornayd alifbeetada luuqadda Ingiriiska ayaa waxaa hadda loo badalay alifbeetooyiinka luuqado badan oo 80 ku dhaw.

Ciyaartan oo uu u bixiyay magaciisa Wardle ayaa markii uu curinayay waxaa uu u sameeyay gabadh saaxibtii ah oo lagu magacaabo Palak Shah, si ay wakhtiga isugu dhaafiso xilligan lagu guda jiro feyriska Corona.

Ka dib markii ay Game-kan ka heleen asxaabtiisa iyo qoyskiisa ayaa waxaa uu ka dhigay mid dadwayanha u furan wax ka yar saddex bilood ka hor waxaana hadda ciyaartan dheela malaayiin qof oo dunida dacaladeeda ku kala sugan.

Wardle ayaa ah xujooyiin la isku hagaajinayo ereyo kala duwan si uu qofka u helo jawaab sax ah.

Dad badan oo ku hadla luuqado kala duwan ayaa isku dayay in ay ku daydaan guusha Wordle, balse maxay ku saabsan tahay ciyaartan ay dad badan la qabatimeen?

Waxaan la wadaagay bulshada

"Waxaan dabcigan cusub la wadaagaa walaalkay oo jooga New York wakhtiga quraacda," ayay tiri Anindita Ghose, oo ah wariye ku sugan Bombay. "Wuxuu ka shegetay inuu xalay oo dhan ku soo jeeday, maadaama hal-xiraalaha cusubi soo dhacayo saqda dhexe oo kaliya.

Ciyaartan ayaa ah mid h halxiraale ah oo qofka laga rabo in uu erayo isku hagaajiyo si uu u guuleysto.

"Guuldarida ayaa ah mid aad u yar maadaama dadka intooda badan ay ku helaan 6 isku day, laakiin qofna uma baahna inuu guul dareeysto si aad u guuleysato."

Boor muujinaya gabadh ciyaareysa Game-ka Wordle

Xigashada Sawirka, Anindita Ghose

Qoraalka sawirka, Boor muujinaya gabadh ciyaareysa Game-ka Wordle

Sidoo kale Sam Lake, oo ah macallin u dhashay UK kuna nool Hong Kong, ayaa sheegay in ciyaartan ay "runtii la wareegtay oo ay aad ugu mashquulaan " saaxiibbadiis.

"Dad aad u tiro badan ayaa maalin walba ku wadaaga baraha bulshada buundooyinka ay ciyaarta ka keeneen ," ayuu yiri.

Sam waxa uu ku hadlaa luuqado badan waxana uu isku dayay in uu ciyaaro noocyo kala duwan oo ah ciyaarta ama Game-ka Wordle kuwaas oo dadka curiya aduunka oo dhan ay ku sameeyeen afkooda hooyo.

Waxa uu ku tijaabiyay ciyaarta luuqadaha Iswiidhish, Mandarin, Kuuriyaan iyo sidoo kale Ingiriisi - inkastoo heerar kala duwan uu ku guuleystay.

Someone playing Wordle on a phone

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Bilooyin ka dib waxaa korday dadka isticmaala waxaana hadda iibsaday New York Times

Waxaa jira dad badan oo ilaa 222 nooc oo ciyaarta ah oo ku qoray 79 luqadood.

P Sankar, oo ah naqshadeeyaha software-ka kuna sugan dalka Hindiya ayaa ciyaartan ku turjumay luuqadda Tamil.

Luuqadu waxa ay leedahay 12 shaqal iyo 18 shibbane kuwaas oo marka la isku daro abuura lamaane u gaar ah oo ay ku darayaan in ka badan 200 oo calaamadood, taas oo ka dhigaysa mid aad u adag in si dhab ah loo qiyaaso jawaabta saxda ah 6 isku day.

Wordle on a phone

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ciyaarta waxaa loo baddelay 79 luuqadood

"Dadku waxay ii soo diraan dhibcahooda, waxaanan arkay qaar qaata inta u dhaxaysa 70 ilaa 80 dhibcood," ayuu Sankar u sheegay BBC.