Maxaad kala socotaa haweeneyda hogaaminaysay guutada dumarka ee kooxda Daacish?

Allison Fluke-Ekren

Xigashada Sawirka, ALEXANDRIA SHERIFF'S OFFICE

Qoraalka sawirka, Allison Fluke-Ekren
Published

Haweeney ka soo jeeda magaalada Kansas ee dalka Mareykanka ayaa xabsiga ku sii jiri doonta, ka hor inta aysan wajahin eedeymo argagixisanimo, oo ku saabsan inay hogaamisay guutada dagaalka ee haweenka IS.

Alison Fluke-Eckern, oo 42 jir ah, ayaa lagu eedeeyay in ay u tababaraysay carruur da'doodu ka yar tahay 6 sano jir sida loo adeegsado qoryaha darandooriga u dhaca iyo "jihaadka gacan ka hadalka ku dhisan ".

Maxkamad ku taal Virginia ayaa Khamiistii diiday in damaanad lagu siidaayo islamarkana Fluke-Eckern ayaa wajahaysa ilaa 40 sano oo xarig ah haddii lagu hela dambiyada lagu soo oogay.

Haweeneydan ayaa horey u ahaan jirtay maclimad, waxayna ka dib ku biirtay kooxda la baxday dowladda Islamka oo ay noqtay hogaamiyaha guutada haweenka ee Daacish.

Larry Miller, oo ahaa macalinkii cilmiga seyniska u dhigay Eckern gobolka, Kansas 1990-meeyadii, ayaa BBC u sheegaay inuu gabi ahaanba la yaabay warka ku saabsan xiriirka ay la leedahay kooxda la baxday dawladda Islaamka.

Waxaa uu ku xusuustaa in ay ahayd arday aad u fahma badan markii ay iskuulka dhigan jirtay.

"Waxay ahayd arday aad iyo aad u wanaagsan, waxay ahayd qof caqli badan oo kaftan badan," ayuu yiri.

"Weligay ma aysan samayn wax muujinaya inay doonayso inay waxyeello u geysato qof kale oo bina'aadam ah," ayuu intaa ku daray.

Allison Fluke-Ekren

Xigashada Sawirka, LARRY L MILLER

Qoraalka sawirka, Allison Fluke-Ekren

Waxa uu yiri, isaga oo dib u milicsanaya mar ay dalxiis aadeen islamarkana ay gacanta ku qaaday qorrato , iyada oo si taxadar leh u haysa si ardayda kale ay u daraaseeyaan. "Ma fahmi karo sida qof jecel waxyaabaha dabiiciga ah iyo dadku uu sidaas u samayn lahaa."

Tobaneeyo sano ka dib, si kastaba ha ahaatee, waxaa lagu eedeeyay in ay noqotay qof si dhab ah u raacda fikradaha xagjirka ah ee ay taageerto IS.

Mid ka mid ah marqaatiyada ayaa maxkamadda federaalka ee Mareykanka u sheegay in heerka xagjinamadeeda uu si aad ah u sareeyo.

Sida laga soo xigtay mas'uuliyiinta Mareykanka , Ms Ekren ayaa bariga dhexe ku nooleyd dabayaaqadii sanaddii 2000.

Sida ay sheegeen masuuliyiinta Mareykanka Sannadkii 2012 waxaa loo tahriibiyay Suuriya, kadibna waxay gashay nolol argagixisanimo, waxayna guursatay dhowr sarkaal oo IS ka tirsan ka dib markii ninkeedii ugu horreeyay uu dhintay.

Alison Fluke-Eckern, ayaa markii ay ku biirtay IS waxay bilowday in ay tababar siiso haweenka iyo gabdhaha iyada oo u tababaraysay sida loo isticmaalo qoriga loo yaqaano AK-47, qarxinta bambooyinka iyo sida loo adeegsado suumanka qarxa.

Mid ka mid ah goobjoogayaasha ayaa sheegay inay arkeen mid ka mid ah carruurta Ms Ekren, oo markaas da'deedu ahayd shan ama lix jir, oo qori nooca darandooriga u dhaca ku dhex haysata hoygeeda oo ku yaalla dalka Suuriya.

Khamiistii, garsoore Ivan Davis wuxuu sheegay in Ms Ekren ay xabsiga ku sii jiri doonto , waxaa uuna diiday in uu damaanad ku siidaayo.

Waxaa uu go'aankiisa ku xusay in siideynteeda ay halis ku tahay bulshada islamarkana aan damaanad lagu siideyn karin.

Horaantii toddobaadkan, qoyskeeda ku sugan Mareykanka - waalidkeed iyo labo caruur ah oo qaangaar ah - ay maxkamadda ka codsaday in laga mamnuuco inay la soo xiriirto.