Baarlamanka Itoobiya ayaa maanta meel mariyey 42 musharrax oo guddiga wadatashiga qaran loo soo xulay

Qaar ka mid musharrixiinta

Xigashada Sawirka, HPRE

Published

Golaha Wakiillada Shacabka Itoobiya ayaa maanta shaaciyey xubnaha loo soo xulay iney ka mid noqdaan golaha Wadatashiga Qaran ee dalkaasi oo dhawaan goluhu sharcigiisa meel mariyey.

Xubnahan Barlamaanka uu shaaciyey oo ka kooban 42 xubnood ayaa laga soo xulay Dowlad deegaannada 11-ka ah iyo 2 ismaamul magaalo uu dalkaasi ka kooban yahay.

Haddaba, Baarlamaanka Itoobiya xubnahan ay u soo dhigeen iney ka mid noqonayaan golaha wada tashiga qaran ee ay sheegeen iney bulshada soo xushay marka laga doodo wixi laga baddalaya ama lagu darayo la arko kaddib ayaa 42 xubnood laga sii dhex dooranayaa 11 xubnood noqon doonta xubnaha joogtada ah ee golahaasi.

Astaanta Golaha wakiillada Shacabka Itoobiya

Xigashada Sawirka, HPRE

Shaqsiyaadka magaca leh ee xubnahan lagu soo daray ee Deegaanka Soomaalida Golahaasi ku matali doono waxaa ka mid ah Danjire Maxamuud Dirir.

Danjire Maxamuud oo ah siyaasi rug caddaa ah oo siyaasadda deegaanka Soomaalida iyo tan dalka Itoobiyaba magac weyn ku leh ayaa waaya aragnimo gaar ahaaneed u leh siyaasadda iyo dhaqanka bulshooyinka dalkaasi.

Hadda waa kuma Maxamuud Dirir Geeddi?

Danjire Maxamuud Diri Geeddi wuxuu ku dhashay Magaalada Diri-Dhaba bishii September 1959-kii wuxuuna wax ku soo bartay dugsiga ay Kaatooligga leeyihiin oo magaaladaasi ku yaalla.

Maxamuud oo ay waxbarashadiisu tahay Shahaadada Labaad ee Mastarka ayaa bartay culuunta Sharciga wuxuuna aqoon durugsan u leeyahay guud ahaan siyaasadda Geeska Afrika iyo Dunida Muslimka intaba.

Xilalka uu soo qabtayna waxaa ka mid ah Wasiirka Dhaqanka iyo dalxiiska isaga oo marki dambe Danjire buuxa iyo Ergey gaar ah loo magacaabay.

Danjire Maxamuud Dirir wuxuu qoxootinimo uu ku soo maray dalalka Ciraaq, Turkiga iyo Marki dambe oo wakhtiga ugu dheeraa uu ku soo qaatay Suuriya ilaa uu marki dambe jaamacad uu ka galay.

Wuxuuna dalka Suuriya uu ka soo noqday wariye idaacad ku hadasho afka carabiga oo dalkaasi ka howlgasho.

Danjire Maxamuud Dirir Geeddi

Xigashada Sawirka, Twitter

1990-yadi dalka Itoobiya marka uu ku soo laabtayna wuxuu billaabay wargeys uu u adeegsanayey halganka uu ugu jiray xuquuqda dimuqraadiyadda, horumarinta arrimaha bulshada iyo dhaqaalaha oo ka soo baxda magaalada Diri-Dhabe oo la oran jiray 'Waayaha Diri-Dhaba'.

Muddo kooban markii uu joogay magaalada Diri-Dhaba dalka Itoobiya waxaa ka dhacay isbeddel waxaana dowladdi Mengiste baddashay dowladdi ku meel gaarka ahayd uu Males Zeenaawi madaxweynaha uu ka noqday, halkaas ayuuna ka soo ambaqaaday waayahiisa siyaasadeed.

Wuxuuna sida oo kale Maxamuud Dirir uu soo ahaa xildhibaan muddo dheer, Danjire, Wasiir, La taliye sare, Isku duwaha urur goboleedka Igad, Ergeyga gaarka ee Itoobiya u qabilsan Suudaan.

Muddo dheerna wuxuu door muhiim ah uu ku lahaa siyaasadda deegaanka Soomaalida isaga oo ka mid ahaa aasaasayaashi xisbigi la oran jiray Xisbiga Leegada ee Dimuqraadiga Soomaalida Itoobiya (ESDL) oo marki dambana noqday Xisbiga Dimuqraadiga ee Soomaalida Itoobiya (ESDP) oo matalayey shacabka Deegaanka Soomaalida isaga oo marna soo noqday guddoomiyaha Xisbiga. Seddex sana ka horna xisbiga loo beddelay Xisbiga Barwaaqo (PP) oo ay ku bahoobeen qowmiyadaha dalka Itoobiya oo dhan.

Danjire Maxamuud Diri Geeddi oo ah luuqadaha Hodan ku ah wuxuu ku hadlaa afafka Somaaliga, Ingiriisiga, Faransiiska, Carabiga, Cafarta, Oromada iyo Amxaarada.

Dhibaatooyinka siyaasaded iyo mid bulsho ee dalkaasi Itoobiya ka jira si xal looga helo tashiyo badan kadib waxaa la isla qaatay in la qabto wadatashi qaran oo xal loogu radinayo kala fogaanshaha iyo khilaafka sii kala fogeynaya shucuubta dalkaasi ee diin ama qowmiyad salka ku haya.

Marka la isla qaatay in Gole wadatashi Qaran la aasaasana waxaa loo baahday xubnahi golahasi hoggaamin lahaa waxaana marki ugu horreysay dalka oo dhan laga soo kala xulay dad ka badan 632. Sida uu dhigayo bayaanka Golaha Wadatashiga Qaran uu baarlamaanka meel mariyey waxaa xubnahasi laga sii dhex xulay 42 xubnood oo ah kuwa uu maanta shaaciyey golaha wakiillada shacabka dalkaasi.

Hase yeeshee waxaan weli la ogeyn cidda wadatashiga qaran ka qayb geli doonto maadaama ay jiraan weli jabhado dowladda Itoobiya dagaal kula jiro Sida TPLF iyo OLA oo Xukumadda Addis Ababa ay u aqoonsan tahay argagaixso.

Waqooyiga dalka Itoobiya muddo ka badan 14 bilood waxaa ka socda dagal ka soo billawday deegaanka Tigraay oo ka dhashay khilaafa soo kala dhex galay Dowladda Dhexe iyo Dowlad Deegaanka Tigraay gaar ahanna TPLF oo hoggaanka deegaankaasi hayey.