Xiisadda Beledweyne: Janaraal Xuud oo isaga oo Xamar jooga digniin u direy Guudlaawe

Janaraal Maxamad tahliil Biixi iyo saraakiil oo uu horkayo oo Baladwene ku kulmay
Qoraalka sawirka, Janaraal Maxamad tahliil Biixi iyo saraakiil oo uu horkayo oo Baladwene ku kulmay
Published

Janaraal Abuukar Warsame Xuud ayaa ka digay in magaalada Baledweyne xoog lagu geeyo madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Janaraal Xuud oo xalay xilli dambe shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xasillooni darro laga wado magaalada Baledweyne, taas oo uu sheegay inay tahay in laga digtoonaado.

Waxa uu dalbaday in dib loo celiyo ciidamo uu sheegay in xalay lagu soo daadiyay magaalada, miiska wadahadalkana la isugu yimaado.

Magaalada Baledweyne ayaa daganayd maalmihii la soo dhaafay kaddib kacdoon hubeysan oo toban maalmood ka hor ay ku dhaqaaqeen maleeshiyo hubeysan oo ka soo horjeeda tagista magaaladaasi ee madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe.

Mar uu tagista madaxweynaha Hirshabeelle ee Baledweyne uu ka hadlayayna waxa uu Janaraal Xuud yiri:

"Shalay waxaan diidnay in Cali Guud-laawe uu Baladweyne Tago maanta oo aan Muqdisho joogana waan diiddanahay, wax wadahal ah oo ina dhexmaray ma jiro marka sidee ayuu noogu imaan karaa isagoo xaq-yagii haysta? Ma kibirbaa? Ma nihin dad loola yimaado edeb-darrada noocaas oo kale ah haddii aanu nahay reer Hiraan."

"Dadku waa is qaban jireen, waa ay wada hali jireen waana la dhexdhexaadin jiray ee ma ah in hadana qasabkii laigu sii wado. Duruus baa imaan doono oo la isa siinaayo, halkaas aad ku waddaan hawsha wax xun baa ka imaan doono, aniga waxaan idin leeyahay joojiya waxaad waddaan"

"Dhiibaatada caawa magaalada taalla iyo ciidamada aad ku soo deyseen ka saara oo Lama Galaay ku celiya, haddaad wadahal diiddaan indinka oo mas'uuliyiin ah, waxaan naqaanaa sidaad wadahadal ku qaadataan waana la is tusayaa."

Janaraalka ayaa sidoo kale u digay madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) isagoo u sheegay inuusan marnaba ku dhiirran tagista magaalada Baladweyne.

Janaraal Xuud

Xigashada Sawirka, Villa Somalia

Qoraalka sawirka, Janaraal Xuud

Anaga waxa uu go'aankeena yahay waad aragtaan, Cali Guudlaawe haddii aad meeshaa tagto wixi ka dhaca adiga ka mas'uul ah hadda ayay kula gudboontahay howsha ka joog, ka joog, ka joog haddii aad diiddana warkaygaas maalin dambe ayaad dib u xusuusan doontaa. Xumaato iyo khaakhuul lama rabo, haddii ay shalay rag ku soo doorteen oo ay meesha ku keensadeen oo aan inaga ku soo dooran ma qasab baad madaxweyne noogu noqonaysaa? Maya inooguma noqon kartid. Ma xoog baad uga dageysaa Baladweyne? Haddii aad uga degi karto isku day, wixii faa'iido dhashana qaado," ayuu Yiri Janaraal Xuud.

Janaraal-ka waxa uu intaasi ku daray inuu xaq ka maqan yahay dadka Hiiraan, Hirshabeellana ay qaadaceen, wax laga xumaadana waxa uu ku tilmaamay in ciidan la dulgeeyo magaalada, taas oo uu sheegay in dhibaatada jirta uun ay uga sii dari doonto.

"Xaqaagi oo kaa maqan ayaan ciidan ku dul keenaya oo aan xoog kugu qabsanayaa wax dhici kara maha, wax Soomaali dhexdeeda ka dhacay ma aha waa wax cusub arrin ugub ah weeye. Midda kale dadku haddii uu heshiin waayo waxa uu xaq u leeyahay in lakala tago, anaga Hirshbeelle waan qaddacnay mana lagu noqonaayo warkaas marka haddaad isku daydaan in qasabkii shalay aad ku abuurteen Hirshabeelle midkiisa labaad aad ina dul saartaan dhib weyn ayaa dhacaya."

Haddaba waa kuma Janaraal Xuud?

Wax badan lagama ogeyn janaraalka, ka hor inta uusan ku dhawaaqin inuu hormud u yahay kooxdan. Wuxuu soo caan baxay sanadkii la soo dhaafay markii uu sheegay in hoggaaminaya kacadoonka ka dhanka ah maamulka cusub ee Hirshabelle.

Wuxuu horay u ahaa janaraal ka tirsan milatariga Soomaaliya xilligii dowladda Maxamed Siyaad Barre.

Wuxuu ka soo qeybgalay dagaalkii u dhaxeeyay Somaaliya iyo Itoobiya ee dhacay todobaatameeyadii.

Sida uu sheegay, wuxuu soo noqday abaanduulihii ciidanka ururka 13aad ee Magaalada Jigjiga, taliyihii guutada 22-aad ee Magaalada Gibileey, Taliyihii dugsiga Mandheera, taliyihii gaaska 5-aad Laascaanood.

Waxa la sheegayaa inuu la taliye dhinaca ammaanka u ahaa dolwadii Sheekh Shariif Sheekh Axmed eek u meel gaarka ahayd.

ka dib burburkii wuxuu in badan ku soo qaatay dibadda.

Xuud

Xigashada Sawirka, .

Wuxuu sheegay in uusan aqoonsaneyn maamulka Hirshabeelle ee uu hoggaamiyo Cali Guudlaawe, isagoo u arka in laga sadbursaday beesha uu ka soo jeeda ee dagta gobolka Hiiraan. Wuxuu horkacaya ciidamo abaabulan oo hubeysan oo ku sugan duleedka Beledweyne. Wuxuu isu arkaa inuu yahay qof u dirirayo xuquuqda shacabka Hiiraan.