Sheekada haweeneey uur leh oo uu nin sixirow ah madaxa kaga duray musbaar si ay wiil u dhasho

Police examining the x-ray of the woman's injury

Xigashada Sawirka, Peshawar Police

Published

Dalka Pakistan waxaa ka socda ugaarsi lagu baadigoobayo nin faalllow ah oo la sheegay inuu dadka daaweeyo kaas oo musbaar madaxa kaga duray haweeney uur leh.

Haweeneyda ayaa timid cisbitaal ku yaalla magaalada Peshawar ka dib markii ay isku dayday in ay iska soo saarto musmaarka oo dheererkiisu gaaraya 5 sentimitar.

Markii hore waxa ay dhakhaatiirta u sheegtay in ay iyadu falkaasi fulisay, balse markii dambe waxa ay qiratay in ninka faallowga ah uu arrintan ku sameeyay ka dib markii uu u sheegay in uu dammaanad qaadi karo in ay wiil dhasho.

Booliska ayaa billaabay baaritaanka ka dib markii sawirada raajada ee musmarka ka soo muuqdeen shaashadda.

Dr Haider Khan, oo xubin ka ah Isbitaalka Lady Reading , ayaa sheegay in haweeneydu aysan "si toos u ah u miyir daboomin balse ay xanuun aad u daran," ay dareemeysay markii ay imanaysay isbitaalka.

Raajo muujinaysa musmaarka madaxa kaga jiray haweeneyda

Xigashada Sawirka, Lady Reading Hospital

Qoraalka sawirka, Raajo muujinaysa musmaarka madaxa kaga jiray haweeneyda

Shaqaalaha cisbitaalka ayaa wargeyska Dawn ee maxaliga ah u sheegay in haweenaydu ay xiriir la sameysay ninka faallowga ah ka dib markii ay arrintiisa ka maqashay qof ay darsi yihiin.

Waxa ay intaa ku dareen in haweeneydaasi ay dhashay saddex gabdhood, iyadoo ninkeeda uu ugu hanjabay inuu ka tagi doono haddii ay gabadh kale u dhasho.

"Waxay leedahay uur saddex bilood ah, cabsida ninkeeda awgeed ayay faallowga ugu tagtay si uu uga caawiyo inay wiil dhasho," shaqaalaha isbitaalka ayaa sidaasi u sheegay wargeyska Dawn.

Qaar ka mid ah wadamada faqriga ah ee ku yaalla koonfurta Aasiya, wiilasha ayaa inta badan la aaminsan yahay in marka ay dhashaan ay waalidku helaan dhaqaale fiican oo aan waqtiguusu koobnayn halka hablaha aysan waalidka helyn dhaqaal wanaagsan. Dhaqamadaan ayaa waxaa inta badan sare u sii qaada ragga faalka dhiga ama kitaabada fiiriya ee sheega inay dhibaatooyinkaasi wax ka qaban karaan.

Wadaaddadan noocaan ah ayaa waxay aad ugu badan yihiin qaybo ka mid ah Pakistan, gaar ahaan aagagga qabaa'ilka dega waqooyi-galbeed. "Dhaqamadoodu waxa ay ku salaysan yihiin suufiyada."

Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka, ayuu taliyaha booliska Peshawar ee Cabaas Axsan ayaa sheegay in la sameeyay koox gaar ah oo baaritaan ku sameysa kiiskan si ay "caddaladda u horkeenaan faalloowgii ku ciyaaray nafta qof dumar ah oo aan waxba galabsan kaas madaxa kaga duray musmaar ballan qaad been ahna u sheegay si ay wiil u dhasho."

Booliska ayaa dhowr maalmood wareysiyo la yeeshay shaqaalaha isbitaalka, waxayna isku dayeen inay soo qabtaan haweeneydan oo isbitaalka ka baxday ka dib markii ay shaqaaluhu ka soo saareen musmaarkii ku jiray madaxeeda iyadoo ay rajeynayaan inay ka caawiso inay ogaadaan halka uu ku sugan yahay ninka.

"Waxaan dhawaan gacanta ku soo dhigi doonnaa sixiroolaha," ayuu yiri Mr Axsan.

Mr Axsan ayaa sidoo kale sheegay in saraakiishiisa ay baarayaan sababta ay shaqaaluhu ugu soo wargelin waayeen booliska markii ugu horeysay ee haweeneyda timid isbitaalka.