Muxuu Faransiisku ciidamadiisa uga saarayaa dalka Mali?

Ciidamada Faransiiska ayaa ka dagaalamaya dalka Mali tan iyo sanadkii 2013-kii

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ciidamada Faransiiska ayaa ka dagaalamaya dalka Mali tan iyo sanadkii 2013-kii
Published

Faransiiska iyo xulafadiisa Yurub ayaa ciidamadooda kala bixi doona Mali ku dhawaad toban sano ka dib oo ay dalkaasi ka howlgalayeen.Madaxweyne Emmanuel Macron ayaana shaaciyay hadalkaan.Ciidamadan ayaa tan iyo sanadkii 2013-kii ku howlanaa la dagaalanka kooxaha Islaamiyiinta ee ka dagaalama dalkaasi.

Mr Macron ayaa sheegay in go'aanka ka bixitaanka uu daba socdo burbur ku yimid xiriirka diblumaasiyadeed, iyadoo ay sii kordhayso cadaawadda uga imaaneysa maamulka militariga ee Mali.Ciidamada laga saaro dalka Mali ayaa dib la geyn doonaa meelo kale oo ka tirsan gobolka Saaxil ee Afrika.

Waxa uu beeniyay in howlgalladii ee ay halkaa u tageen ciidamada Faransiiska iyo xulufadooda uu fashilmay, waxaa uuna ku adkeystay in France ay weli ka go'an tahay la dagaalanka kooxaha islaamiyiinta ee gobolka. Waxa uu intaa ku daray in Niger ay ogolaatay inay martigeliso qaar ka mid ah ciidamada ka baxaya Mali.

"Faransiiska ayaa door muuqda ka ciyaaray abaabulkan caalamiga ah ee lagu gacan iinayo gobalka Saaxil,Waan sii wadi doonnaa xaqiijinta doorkan midaynta."Ayuu yiri Macron. Ka bixitaanka qorshaysan, oo la filayo inuu dhaco muddo afar ilaa lix bilood ah, ayaa lagu dhawaaqay ka dib kulan ay hogaamiyayaasha Yurub iyo Afrika yeesheen.

Warbixin la sii daayay khamiistii shalay ayaa lagu sheegay in dalalka ku lugta leh howlagallada uu hoggaamiyo Faransiisku ay ku heshiiyeen inay dejiyaan qorshayaal ku saabsan sidii saameyn ay ugu yeellan lahaayen dhaqdhaqaaqyada ka jira a gobolka, gaar ahaan Niger iyo Guinea, marka la gaaro bisha Juun.

.
Qoraalka sawirka, .

Korneyl Souleymane Dembélé, oo ah afhayeenka ciidamada talada haya ayaa ku gacan seyray ku dhawaaqista Faransiiska, isagoo u sheegay warfidiyeenka in intii ciidamada Yurub ay ku sugnaayeen dalka argagixisadu ay ku faaftay dhammaan dhulka Mali.

Ku dhawaad 5,000 oo askari oo Faransiis ah ayaa ku sugan gobolka Saaxil si ay ula dagaallamaan fallaagada Islaamiyiinta ee qeybta ka ah howlgalka Barkhane, iyadoo ku dhawaad 2,400 oo ka mid ah ay ku sugan yihiin saddex saldhig oo ku yaalla waqooyiga Mali.

Balse xiriirka u dhexeeya Faransiiska iyo Mali oo ka mid ah dalalka ugu saboolsan adduunka ayaa xumaaday tan iyo markii ugu horreysay oo ciidamadu ay xukunka kula wareegeen afgambi bishii Ogoosto ee sanadkii 2020-kii.

Xiisadda ayaa sare u sii kacday bishii hore markii ciidamada militariga ay ka laabteen heshiis ay ku diyaarinayaan doorasho bishaan Febraayo waxayna wacad ku mareen inay xukunka sii haynayaan ilaa sanadka 2025-ka, taasoo ugu dambeyntii keentay in la eryo safiirkii Faransiiska.

Bishii December, in ka badan 12 wadan oo reer galbeed ah ayaa sidoo kale dhaleeceeyay ciidamo calooshood u shaqeystayaal ah oo ka socda kooxda Wagner ee fadhigeedu yahay Ruushka oo la geeyay Mali.

Kooxdan ayaa ku lug leh dhawr dagaal oo waaweyn, oo ay ku jiraan Suuriya, Mozambique, Suudaan iyo Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika (CAR). Baaritaan ay samaysay BBC-du ayaa lagu ogaaday in lala xiriiriyay dembiyo dagaal oo ka dhacay dalka Liibiya.

Ilaa 2,400 oo askari oo Faransiis ah ayaa la geeyay saddex saldhig oo ku yaalla waqooyiga Mali

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ilaa 2,400 oo askari oo Faransiis ah ayaa la geeyay saddex saldhig oo ku yaalla waqooyiga Mali

Madaxweyne Macron ayaa ka digay in kooxdaan ay dalka Mali u yimaadeen danahooda gaarka iyo in ay rabaan in ay galaangal u yeeshaan arrimo badan.Wararka ku saabsan ka bixitaanka Faransiiska ayaa siyaabo kala duwan looga falceliyay Mali.

Mid ka mid ah dadkaas oo BBC-da la hadlay ayaa sidaan u sheegay "nabad ayay dhalin doonaan waqooyiga dalkeenna, sababtoo ah Ruushka iyo Wagner ayaa hubaal ah inay taageerayaan ciidankeenna".Wuxuuse ka horyimid faragelinta Faransiiska ee Mali oo ku tilmaamay mid guul darro ah. Balse qaar kale oo ka mid ah bulshada dalka Mali ayaa qaba in xaaladdu ay noqon karto mid ii cakiranta.

"Shalay oo kaliya waxaa weerar ka dhacay waqooyiga dalka Maali...Askarteenu waxay ku sugan yihiin bartamaha dalka, waxay sheegayaan in ciidanku ku sii xoogeysanayaan, laakiin kaliya bartamaha dalka, ka warran gobollada kale?" Mid ka mid ah dadka Mali ayaa sidaan BBC-da u sheegay.