Ninkii caanka ka ahaa Instagram ee ay FBI 'ka afduubatay' Dubai oo la sheegay inuu lacago ku dhacay gudaha xabsiga

Hushpuppi

Xigashada Sawirka, Hushpuppi/Instagram

Qoraalka sawirka, Qareenka Hushpuppi (oo sawirka ka muuqda) ayaa sheegay in Mareykanka uusan sharci u lahayn dhoofinta ninkan oo ku sugnaa Dubai
Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Dowladda Mareykanka ayaa been abuur ku tilmaantay wararka sheegaya in Ramon Abbas oo u dhashay Nigeria oo loo yaqaanay Hushpuppi, uu xabsiga ku dhacay $400,000 oo doolar isagoo adeegsanaya aaladda internet-ka.

Hushpuppi, oo 37 jir ah, ayaa sanadkii 2020-ka lagu xiray dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, kaddib markii lagu eedeeyay dambiyo la xiriira dhac dhanka Internet-ka ah oo sida la sheegay uu ku dhacay lacag dhan $24 malyan oo doolar, waxaana uu hadda ku xiran yahay xabsi ku yaalla Mareykanka oo ku sugaya in lagu xukumo isagoo qirtay dambiga ah inuu sameeyay lacago sharci darro ah.

Maalintii Khamiista, ayaa waxaa baraha bulshada lagu baahiyay dukumeenti muujinaya in FBI-du ay Arbacadii soo gudbisay caddeymo cusub oo ka dhan ah Hushpuppi oo ah in ay khiyaameeyeen Mareykanka iyagoo isticmaalaya xarumaha internetka ee xabsiga.

Weli ma cadda halka uu ka yimid dukumeentiga oo ku faafay barta Twitter-ka sidoo kalana ay soo tebiyeen warbaahino badan.

Si kastaba ha ahaatee sarkaal ka tirsan waaxda cadaaladda ee Mareykanka ayaa BBC u sheegay in xafiiska xeer ilaaliyaha Mareykanka ee Los Angeles, oo gudbiyay dacwadda ka dhanka ah Hushpuppi, uusan soo gudbin wax dukumeenti ah.

"Dkukumentiga waxa uu u muuqdaa mid la been abuur ah waana ka hubinnay FBI-da oo loo malaynayo in ay qortay dukumeentiga, waxayna xaqiijiyeen in uu been abuur yahay," ayuu yiri sarkaalka.

Ramon Olorunwa Abbas - oo dadka ku taxan bartiisa Instagram-ka ee ay tiradoodu tahay 2.5 milyan ay u yaqaannaan Ray Hushpuppi - iyo nin kale oo burcadda internet-ka ah laguna magacaabo Olalekan Jacob Ponle (ama Mr Woodberry) ayaa bishii June lagu xiray magaalada Dubai oo ay ku noolaayeen.

Kaddibna 3-dii bishii July waxay kasoo muuqdeen maxkamad ku taalla magaalada Chicago ee dalka Mareykanka.

Dowladda Imaaraadka Carabta lama laha Mareykanka heshiis maxaabiis isu dhiibis ah, laakiin booliska magaalada Dubai ayaa sheegay inay raggaas u gacan galiyeen Mareykanka.

Hushpuppi ayaa bogga uu ku leeyahay Instagram-ka si joogto ah ugu soo bandhigi jiray sawirro muujinaya sida uu kharash aad u badan ugu isticmaalo noloshiisa isagoo ku faani jiray hanti badan oo ay ka mid yihiin gawaari.

Ka bood Instagram boggan, 1
Oggolow Instagram macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay Instagram. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Instagram xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka Instagram boggan, 1

Mareykanka ma qaaday tallaabo sharci ah?

Kiiskan waa kii ugu dambeeyay ee heer sare ah, kuna saabsan muwaadin reer Nigeria ah oo lagu maxkamadeynayo Mareykanka, laakiin qareenkiisa wuxuu sheegay in dowladda Mareykanka aysan xaq u lahayn inay kasoo kaxeysato magaalada Dubai.

"Sida aan qabo, FBI-da iyo dowladduba waxay arrintan u qaadeen tallaabo aan sharciga waafaqsaneyn, waxayna ninkan kasoo afduubteen Dubai iyagoo aan oggolaansho sharci ah u heysanin," ayuu yiri Mr Pissetzky, oo wareysi siiyay BBC-da.

"Ma jiro xeer eedeysaneyaasha ay isugu kala gudbin karaan labada waddan, ma jirin tallaabooyin sharciga xaggiisa loo maray, ma jirin warqado la oqray, waa arrin ay iska fulisay FBI-da. Ma aha muwaadin u dhashay Mareykanka, xaqna uma laha in Mareykanka uu iska xirto," ayuu yiri.

Laakiin booliska Dubai ayaa bartooda Facebook ku sheegay in agaasimaha FBI-da uu uga mahad celiyay inay labada nin u gacan galiyeen.

Ray Hushpuppi ayaa ilaa markii la xiray waxaa dadka ku taxan Instagram-kiisa kusoo biiray 100,000 oo cusub.

Ka bood Instagram boggan, 2
Oggolow Instagram macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay Instagram. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Instagram xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka Instagram boggan, 2

Dacwadaha laga gudbiyay waxaa ka mid ah in Mr Abbas uu mas'uul ka ahaa koox burcadda internet-ka ah oo bartilmaameedsanayay hay'adaha sharciga ee Mareykanka, bangiyo iyo koox ka tirsan horyaalka Ingiriiska ee Premier League.

Olalekan Jacob Ponle, oo loo yaqaanno "Mr Woodbery", wuxuu soo bandhigaa hantidiisa

Xigashada Sawirka, mrwoodbery

Qoraalka sawirka, Olalekan Jacob Ponle, oo loo yaqaanno "Mr Woodbery", wuxuu soo bandhigaa hantidiisa

Olalekan Jacob Ponle, oo loo yaqaanno "Mr Woodbery", waa ninka labaad ee lala xiray Hushpuppi, waxaana loo heystaa inuu dhinaca internet-ka lacago badan ku dhacay.

Michael B Nash, oo ah qareenka u doodaya ayaa garsoorka maxkamadda u sheegay in aan wali loo fasixin inuu la kulmo ninka uu matalayo.

Khamiistii ayey maxkamadda u oggolaatay inuu 15 daqiiqo lasoo hadl. Markii uu kasoo laabtay ayuu codsaday in dhageysiga dacwadda looga dhigo xilli kale.

"Runtii waxba kama hadli karo hadda, waa inaan soo baaro xaqiijooyinka ku saabsan kiiskan," ayuu ku yiri BBC-da.

Mr Ponle, oo 29 jir ah ah, wuxuu leeyahay Instagram lagu magacaabo "Mr Woodberry", balse FBI-da ayaa sheegtay inuu email-llada u adeegsado magaca "Mark Kain".

Wuxuu wajahayaa dacwad ku saabsan inuu dhinaca internet-ka musuqmaasuq ku sameeyay, lacago badanna sidaas ku helay.