Barta Truth Social ee Trump oo lagu tilmaamay musiibo

Donald Trump

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Donald Trump
Published

Bishii October ee sanadkii hore, Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inuu qorsheynayo inuu aasaaso shirkad kacdoon oo dhanka teknolojiyadda ah.

"Waxaan sameyay Truth Social… si ay ula baratanto shirkadaha waaweyn," ayuu yiri.

"Waxaan ku nool nahay duni ay Taliban aad uga dhex muuqato Twitter-ka haddana madaxweynihii aad jecleyd ee Mareykanka waa la aamusiiyay."

App-kan ayaa xarigga laga jaray Maalinta Madaxweyneyaasha, 21 February, balse lix toddobaad kaddib waxaa hareeyay dhibaatooyin. Dad gaaraya ku dhowaad 1.5 milyan oo qof oo liiska sugitaanka ku jira ayaanan adeegsan karin.

Truth Social waxay aad ugu egtahayTwitter, oo mamnuucid kusoo rogtay Trump kaddib markii koox taageerayaashiisa ah ay weerareen Dhismaha US Capitol ee fadhiga u ah baarlamaanka Maraykanka.

Twitter ayaa u arkay Donald Trump inuu rabshad kiciyay kaddib markii uu sameeyay sheegashooyin been abuur ah oo ku saabsan in doorashada "la xaday". Waxaa gebi ahaanba bartaas laga mamnuucay 8 January, 2021.

Truth Social inkastoo ay shaabahdo Twitter, haddana lagama heli karo telefoonnada Android iyadoo aysan adeegsan karin dad badan oo ku sugan meelo ka baxsan Mareykanka.

"Waxay ahayd musiibo," ayuu yiri Joshua Tucker, oo ah agaasimaha Xarunta NYU ee Baraha Bulshada iyo Siyaasadda.

Nin ka tirsan xisbiga Jamhuuriga oo xulafo la ah Mr Trump, kaas oo aan dooneyn in magaciisa la sheego, ayaa isna yiri: "Cidna ma oga waxa dhacaya."

Taariikhdu markii ay ahayd 21 February, Truth Social waxay ka mid ahayd app-yada aadka loola soo dego - balse dad badan ma aysan awoodin inay isticmaalaan.

Waxaa jirtay malo ah in dhibkan degdeg loo xallin doono isla markaana Trump uu bilaabi doono inuu "runtiisa" ku daabaco maalmaha xiga- balse intaasba ma dhicin.

Weriyaha Tiknoolajiyadda BBC-da James Clayton oo lasoo dagay adeeggan ayaa sheegay in la galiyay liiska sugitaanka, wuxuuna kaga jiraa nambarka 1,419,631.

Iyadoo YouTube, TikTok, Instagram iyo Facebook ay ku jiraan 10-ka app ee aadka loola soo dego, sida laga soo xigtay Similar Web, Truth Social xitaa liiska kagama jiro nambarka 100-ka ugu horeeya.

Dadka isticmaala ee ay u suurto gashay ayaa u arka inay tahay meel maran, iyadoo dad kale oo badanna ayba iska daayeen. Daraasad kale ayaa ogaatay in la soo degidda ay hoos u dhacday 95%.

Dad badan ayaana ku wareersan, "Waxaan iska diwaan geliyay Truth Social labo toddobaad kahor welina liiska sugitaanka ayaan ku jiraa," ayuu Talaadadii yiri mid ka mid ah dadka isticmaala Twitter.

"Marka aan ka baxo liiska sugitaanka ee aan si dhab ah uga mid noqdo dadka isticmaala Truth Social, Trump mar kale ayuu madaxweyne noqon doonaa," ayuu mid kale ku kaftamay.

Khubarro yaabban

Madaxa Truth Social Devin Nunes ayaa sheegay in hadafka bartaas uu ahaa "inay si buuxda u dhaqan gasho" dhammaadkii Maarso.

Balse khubarada ayaa la yaabban sababta app-ka ay weli dhibaato u heysato. Qaarkood ayaa u aaneeyay iskaashiga ay Truth Social la leedahay Rumble, oo ah bar muuqaallada lagu wadaago oo u eg YouTube.

Bartaas Rumble, oo ay caan ku yihiin siyaasiyiin asal raac ah iyo kuwa midig fog waxaa la doonayay inay lafdhabar u noqoto bartaas.

Balse haddii Truth Social ay heystaan dhibaatooyinka dhanka internet-ka, maxay muddo dheer u qaadatay in la xalliyo?.

"Waxay ahayd inay maalmo yar qaadato, maaha lix toddobaad," ayaa laga soo xigtay ilo Jamhuuriga ah oo u dhow Trump.

"Mar walba caqabado ayaa jiraya billowga - balse xilligan, waxaan is dhihi lahaa waa la xalliyay.

"Cidna uma muuqato inay fahantay sababta."

Tartamayaal mucaarad ah

Trump ayaa la sheegay inuu ka careysan yahay, uuna is weydiinayo sababta aysan dad badan u isticmaalin Truth Social.

Wuxuu leeyahay ilaa 750,000 oo taageerayaal ah oo ku xiran degelka uu ku leeyahay bartiisa Truth balse muddo bil ah waxba kuma daabicin bartaas isaga qudhiisa.

Degelka Trump uu ku leeyahay bartiisa Truth

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Degelka Trump uu ku leeyahay bartiisa Truth

"Waxaa laga yaabaa inay dib u dhigayaan," ayuu yiri Tucker.

"Taasi waa fursaddiisii ugu dambeysay ee uu ku daah furayo - marka uu si kedis ah Trump usoo galo uuna si dhab ah u isticmaalo, taas ayaa saameyn yeelan doonta."

Truth Social ayaa weli yeelan doonta mucaarad la tartama sida Gab iyo Gettr.

Truth Social waxay haatan noqotay meel xoogaa ceebowday, iyadoo awoodi weysay inay cagaheeda isu taagto.