Gudaha warshadda Chernobyl: Waxaan xadnay shidaalka Ruushka si aan uga hortagno musiibo

Warshadii hore ee tamarta Nukliyeerka ee Chernobyl ee ku taalla waqooyiga Ukraine ayaa waxaa la wareegay ciidamada Ruushka maalintii ugu horeysay ee duulaanka. waxaa haatan gacanta ku hayaa ciidamada Ukraine. Weriyaha BBC-da, Yogita Limaye ayaa ka mid noqotay weriyeyaashii ugu horreeyay ee gudaha u galo warshaddaas tan iyo markii ay isaga baxeen ciidamada Ruushka.
Duhurnimadii 24-ki bishii Febraayo, ciidamada Ruushka oo saarnaa taangiyada iyo baabuurta dagaalka ayaa hareereeyay warshadda Chernobyl iyagoo xilliggaas Ukraine kasoo galay xadka Belarus.
Ilaa 170 askari oo u dhashay Ukraine oo ilaalo ka ahaa warshadaasi ayaa la geeyey qaybta hoose ee warshadda halkaas oo lagu hayay. askarta Ruushka waxay goobta ka baareen hub.
Injineerada, kormeerayaasha iyo shaqaalaha kale ee farsamada ayaa loo oggolaaday inay sii shaqeeyaan. Labadii maalmood ee xigtay, kooxo ka socday wakaaladda tamarta atomiga ee Ruushka ee Rosatom ayaa warshadda la keenay.
Shaqaalaha Chernobyl waxay aad u danaynayeen inay gacanta ku hayaan dayactirka warshadda. ma ahan warshad koronto oo shaqaynaysa, laakiin wasakhda ayaa lagu kaydiyaa goobta ay ka dhacday masiibadii Nukliyeerka ee ba'neyd.
Balaayiin doolar ayaa lagu kharash gareeyay tan iyo shilkii 1986 si loo nadiifiyo oo loo xakameeyo wasakh kale. Haddii xaaladaha goobta aan si sax ah loola socon, waxaa dhici kartaa khatar weyn oo ah in la sii daayo walxaha nukliyeerka.
"Waxay rabeen inay ogaadaan sida xarunta loo maamulayo iyo xogta ku saabsan dhammaan hanaanka, dukumeentiyada iyo hawlgallada warshadda. Waan naxay sababtoo ah su'aashaa ayay si joogta ah ii weydinayeen, xitaa mararka qaar waxay isku dayayeen in si xoog ah ay wax iiga sheegsiiyaan" ayuu yiri Oleksandr Lobada, oo ah kormeeraha u qaabilsan badbaadada shucaaca ee saldhigga.

Dabaqa kore ee warshadda waxaa ku yaallay qolal kuwaas oo xirnaa maadama warshadda laga hago halkaas, ciidamada Ruushka waxay isku dayeen inay helaan furyaashii qolalka, markii ay waayeen ayay jabiyeen.
"Waxaan ku khasbanaanay in si joogto aan ula xaajoono anagoo ku daadaleynay in aysan noo arkin in aan xumeyneyno, waxay inoo ogolaadeen in shaqaalaheena ay warshadda maamulaan" ayuu yiri Valeriy Semonov oo ah injineer ka shaqeeya goobta.
Markii ay korontada laga jaray xarunta muddo saddex maalmood ah, Valeriy wuxuu dadaal u galay sidii uu kusoo heli lahaa shidaalka si uu u kiciyo matoorka, isagoo xitaa doorbiday in shidaal uu kasoo xado ciidamada Ruushka.
"Haddii ay naga sii maqnaani laheyd korontada, waxaa dhici laheyd musiibo" ayuu yiri Oleksandr.
"Waxyaabaha shucaaca Nukliyeerka ah ayaa la sii daayn lahaa. markaa waad garan kartaa khasaaraha ka dhalan lahaa, Uma baqayn noloshayda. waxaan ka baqayay waxaa dhici lahaa haddii aanan joogin laheyn warshadda. Waxaan ka baqay inay xaaladdu ay isu baddasho masiibo ku habsata bini'aadanka".
Waxay arrinta caddeyn u tahay in ciidamada aysan waxbo kala socon badbaadada nukliyeerka.
Energoatom, oo ah wakaaladda tamarta Nukliyeerka ee dawladda Ukraine, ayaa sheegtay in askarta Ruushka uu ku baxay qiyaas kamid shucaaca Nukliyeerka ee warshadda.

Xigashada Sawirka, Reuters
Ciidamada Ruushka waxay jawaano carro laga buuxiyay dhigeen agagaarka warshadda si ay dhufeys uga dhigtaan waa haddii lasoo weeraro, Injineer Valeriy ayaa arrintan ku qoslay, wuxuu sheegay in militeriga Ukraine aysan xitaa damcin in ay rasaas ku ridaan qalabka nukliyeerka.
Qeybta hoose ee dhismaha warshadda waxaa ku yaallay qolal la seexdo kuwaas oo si weyn loo bililiqeystay, waxaana qolalka ka buuxay roogag, furaashyo, dhar, kabo iyo alaabo kale oo gaar ah oo uu lahaa ilaalada qaranka Ukraine oo halkaas lagu hayay.
Saraakiisha Chernobyl ayaa sheegay in askarta Ruushka ay bililiqeysteen wixii ay awoodeen markii ay baxeen halkaas, sidoo kalena ay kaxeysteen ilaaladii kaxeysteen.

"Waxaan la wareegnay amniga goobta, waxaa wax laga xumaado ah inay kaxeysteen 169 sarkaal oo kamid ah ciidankeena" ayuu yiri Injineer Valeriy.
Ilaa iyo hadda lama xaqiijin halka lagu hayo saraakiisha la kaxeystay balse shaqaalaha Chernobyl ayaa rumeysan inay ku sugan yihiin Ruushka.
Madaxweynihii hore ee Ukraine Petro Poroshenko, ayaa Jimcihii booqday warshadda Chernobyl xilli uu cunto iyo agab kale uu u geeyay shaqaalaha warshadda, waxaa hadda dib u furmay waddada gasha warshadda, waxaana horraan la qarxiyay buundada galeysay Chernobyl si looga hortaggo howlgallada ciidamada Ruushka.

Petro Poroshenko ayaa digniintan u diray caalamka.
"Ma la hubaa in ciidamada Ruushka aysan halkan kusoo laaban doonin? jawaabteydu waxay tahay ,maya, Putin sidiisaba lama saadaalin karo, qiiqa Nukliyeerka ah kuma xaddidna xuduudaha, wuxuu gaari karaa Bariga Yurub, Bartamaha Yurub, iyo xitaa Britain. Khatarta nukliyeerka ee ku wajahan Yurub aad bay u saraysaa, halka Ruushku sii wado dagaalkan."

Wararka la xiriira dagaalka Ukraine
- Ruushka iyo Ukraine: Isbarbardhigga awoodda ciidan ee Ukraine iyo Ruushka
- Maxaad kala socotaa diyaaradaha Dronis-ka Turkiga ee sida wayn looga baqo?
- Daawo: Diyaarado duqeeyay magaalo ku taalla gudaha Ruushka iyo kayd shidaal
- Putin oo sheegay hal arrin oo looga baaqsan karo dagaal dhexmara Ruushka iyo NATO
- Dagaalka Ukraine: Madaxwaynaha dalka Ukraine oo codsi u diray Israa'iil















