Cabdirashiid Maxamed: 4 su'aal oo ku saabsan heshiiska shidaalka ee muranka dhaliyay ee horyaallla wasiirka batroolka?

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed

Xigashada Sawirka, RADIO MUQDISHO

Qoraalka sawirka, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed
Published

Wasiirka Batroolka ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed ayaa maanta oo Isniin ah waxa lagu waday inuu hortago xafiiska xeer ilaalinta qaranka si wax laga weydiiyo heshiiska muranka dhaliyay ee uu la saxiixday Shirkadda Coastline Exploration Limited oo ay ku gacanseyreen madaxda dalka.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa isbuucii la soo dhaafay ka dalbaday wasiirka inuu yimaado xafiiskooda "si wax looga weydiiyo heshiiska uu saxiixay ee dhexmaray wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee DFS iyo shirkadda Coastline Exploration Limited."

Haddaba waxaan halkan ku soo koobeynaa saddex su'aalood oo u baahan jawaabo ooy u badan tahay in wasiirka wax laga weydiiyo.

Ma jirtaa cid kale oo la ogeyd heshiiska?

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa bartiisa Twitter-ka ku shaaciyay inay heshiis dhanka wax soo saarka shidaalka ay la galeen shirkadda Costline Exploration ltd.

"Waxaan ku faraxsanahay in aan iclaamiyo inaan saxiixnay Heshiis Wax Soo Saar Wadaag 7 xirmood ah la galnay shirkadda Costline Exploration ltd. Waa guul usoo hoyatay Ummada Soomaaliyeed. Waxaan u mahad celinayaa Madaxweyaha JFS oo igu garab siiyey iguna tirtirsiiyey dhammaystirka hawshan."

Markii ay soo shaac baxday hadal haynta heshiiskan ayaa waxaa markiiba gaashaka daruuray oo ku tilmaamay mid sharci darro ah madaxweynaha iyo raysal wasaaraha.

Madaxtoyada Soomaaliya ayaa markiiba soo saartay war saxaafadeed lagu burinayo heshiiska waasiirka Batroolka iyo Macdanta.

"Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka waxay caddeynaysaa in heshiiska uu saxiixay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta uusan wax wadatashi ah kala yeelanin Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo," ayaa war saxaafadeedka lagu sheegay.

"Iyadoo la tixraacayo wareegtadii uu Madaxweynuhu soo saaray 7-dii August 2021 taasoo lagu joojiyay inaan la gali karin wax heshiisyo ah xilligan lagu jiro doorashooyinka, waxaan halkan ka caddeynaynaa inuusan dhaqan gal ahayn heshiiska uu haatan soo saxiisay Wasiirka Batroolka."

Dhanka kale Wax yar ka dib qoraalka Villa Soomaaliya ayuu Xafiiska raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble isagana gaashaanka u daruuray heshiiska.

"Heshiiska la sheegay in Wasiirka Batroolku uu saxiixay ee la xiriira arrimaha Shidaalka Soomaaliya waa mid sharci darro ah oo aan loo marin waddo shirci ah sidaas darteed waxba kama jiraan."

"Ra'iisulwasaraha ayaa qaadidoonaa talaabooyin sharci ah oo looga jawaabayo falkaas xadgudubka ku ah Hantida Qaranka iyo dhaxalka Jiilalka soo socda si loo ilaaliyo amaanada Ummadda Soomaaliyeed."

Maxay tahay sababta uu u dhageysan waayay wareegatada Madaxweynaha?

Wasiir Cabdirashiid ayaa iska indhotiray Dekereetadii uu Farmaajo soo saaray 7-dii August 2021 taasoo lagu joojiyay inaan la gali karin wax heshiisyo ah xilligan lagu jiro doorashooyinka inkastoo uu horay u sheegay in madaxweynaha ogaa heshiiska.

Ma jiraan Heshiisyo kale oo lala galay Dalal iyo Shirkado kale?

.

Xigashada Sawirka, AFP

Marka laga soo tago xermooyinkan 7-bada ah, ee uu sheegay inay heshiis ku saabsan la saxiixdeen shirkadda Coastline Exploration Limited ma jiraan jiraan shirkade oo iyagana ka shaqeeya shidaalka oo heshiis uu la galay wasiirka?

Shirkadaan oo aad u daneysa inay baarto saliida gobolka Geeska Afrika ayaa waxay horay u sheegtay in heshiisyadaan ay la saxiixatay wasaaradda batroolka iyo macdanta Sooomaaliya ay u ogolaanayaan inay shidaal ka baarto gunta hoose ee biyaha Soomaaliya.

Richard Anderson, oo ah madaxa fulinta xeebaha ee shirkadda Coastline Exploration Limited ayaa faahfaahin ka bixiyey heshiiska ay la galeen wasaaradda batroolka iyo macdanka ee xukuumadda Soomaaliya.

"Soomaaliya waxaa ku yaalla ceelal dihan oo aad u badan, kuwaas oo aan weli la sahmin, kuna yaalla biyaha kulul ee adduunka, waxaa sharaf iyo farxad noo ah inaan qayb ka noqonno horumarinteeda mustaqbalka," ayuu yiri Madaxda shirkadda ay heshiiskaan la gashay wasaaradda batroolka.

Waxuu intaas ku sii daray, "Dowladda Soomaaliya iyo Wasaaradda Shidaalka ayaa waqti iyo juhdi badan ku bixiyey sidii dalku u heli lahaa kaabayaal sharci iyo maamul oo ku habboon in lagu taageero baarista shidaalka iyo gaaska, iyadoo la meel marinayo sharciga Shidaalka, ansixinta heshiiska Dakhliga qeybsiga ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah. iyo in la dhiso Hay'adda Batroolka Soomaaliyeed si ay taageero joogto ah ugu bixiso kobaca la filayo."

Heshiiskan hadda maxaa la gudboon?

Shirkadda ayaa sheegtay in heshiiska uu weli sharci yahay oo uu sii socon doono.

Heshiiskan oo ay ka dhalatay dood badan markii ay wasiirka iyo shirkadda ku dhawaaqeen ayaa waxa ay weli su'aal ka taagantahay halka uu ku dambeyn karo inkastoo dadka qaar ay sheegayaan inay suurogal tahay in dowladda soo socota ay halkaasi ka sii wadi doonto heshiiska.

Sawir tusaale ah

Xigashada Sawirka, MAERSK OIL

Qoraalka sawirka, Sawir tusaale ah

Wasiirka batroolka iyo macdanta Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa mar sii horreysay sheegay in xilligan ay tahay waqti ku haboon in la soo bandhigo qorshaha maalgashiga Shidaalka Soomaaliya.

Wasiirka oo ay BBC wax ka waydiisay dhinacyada saluugsan mashruuca Shidaalka Soomaaliya sida qaar ka mid ah maamul goboleedyada ayaa waxa uu sheegay in golayaasha baarlamaanka dowladda fedaraalka ay wada matalaan dhammaan gobolada Soomaaliya islamarkana ay iyaga sharci ka soo saareen qodidda Batroolka Soomaaliya.

"Way quman tahay inaan qorshana bilaawno sababtoo ah baarlamaanka Soomaaliya waxa matala xildhibaanno laga so doortay dhammaan maamul goboleedyada soomaaliya, sharcigana wuxuu soo maray intii loo baahnaa ee wada-tashi ah oo lagala tashaday dowlad goboleedyada iyo ururada bulshada rayidka iyo dhammaan waxgaradka Soomaaliyeed," ayuu yiri wasiirka.

Mr Cabdirashiid ayaa intaa ku daray in sharciga Batoolka uu saxiixay madaxwaynaha uuna ku soo baxay faafinta rasmiga ah ee dowlada islamarkana "uusan khilaaf ka taagnayn".

"Madaxwaynaha wuu saxiixay(Sharciga) wuxuuna ku soo baxay faafinta rasmiga ah, Soomaali-na way isku raacsan tahay maanta khilaaf kama taagna in sharcigaan uu yahay sharcigii hagayay Bartoolka Soomaaliya," ayuu inta ku daray.