Ganacsiga: Muxuu ku taajiray ninkii alwaaxa ku seexanayay?

Mathias Mikkelsen

Xigashada Sawirka, Mathias Mikkelsen

Qoraalka sawirka, Mathias wuxuu 12 isbuuc seexanayay kabar alwaax ka sameysan
Published

Barnaamijka toddobaadlaha ah ee la yiraahdo "The Boss" waa musalsal ay BBC-du uga hadasho taariikhda ganacsatada heerka sare gaaray. Isbuucan waxaan la hadalnay Mathias Mikkelsen, oo ah ninka aasaasay shirkadda laga leeyahay dalka Norway ee lagu magacaabo Memory.

Mathias Mikkelsen wuxuu aad ugu dadaalayay inuu dhiso ganacsigiisa, intii uu arrintaas ku gudajirayna wuxuu xitaa meel alwaax ah seexanayay muddo saddex bilood ah.

Dabayaaqadii sanadkii 2013-kii, isagoo markaas ahaa 23 jir, ganacsadahan wuxuu si iskiis ah u go'aansaday inuu ka tago Norway, uuna aado magaalada Silicon Valley ee gobolka California, Mareykanka.

Ujeeddadiisu waxay ahayd inuu taageero u helo sidii uu u billaabi lahaa fikraddiisa ganacsiga, taasoo ahayd barnaamij online-ka ku shaqeeya oo kuu sahlaya inaad wakhtigaaga maareysid(Timely).

Laakiin markaas waxaa jiray hal dhib oo weyn, oo heystay ninkan u dhashay dalka Norway.

Ma jirin hal ruux oo uu ka yaqaannay ilaa magaalada weyn ee San Francisco.

"Xilligaas, ma jirin qaab shirkad tiknoolojiyad ah looga hirgaliyo dalka Norway, marka waxaan go'aansaday inaan aado Silicon Valley - oo ah caasimadda tiknoolojiyadda ee adduunka - arrintaasna waxaan u maleynayay inay tahay tallaabada ugu fiican ee aan qaadi karo", ayuu yiri Mathias.

"Laakiin qofna kama aqoonin halkaas. Sidaas darteed, markii aan diyaaradda ka dagay, indhaha ayaan kala furay, waxa ugu horreeyay ee aan doonayay inaan sameeyana wuxuu ahaa sidii aan saaxiibbo u yeelan lahaa. Ka dib waxaan garwaaqsaday in sida ugu habboon ee saaxiib lagu sameysto ay tahay in dad lagula kulmo goobaha waxbarashada ama shaqada, anigana markaas uma soconin waxbarasho iyo shaqo toona".

Mathias Mikkelsen

Xigashada Sawirka, Mathias Mikkelsen

Qoraalka sawirka, Saddex bilood markii uu darbi-jiif ahaa ka dib, Mathias wuxuu helay sariir uu qof iska tuuray

Ka dib markii uu si deg deg ah u dareemay cidlo, Mathias wuxuu helay qorshe.

"Waxaan go'aansaday inaan dago qolalka sida wadajirka ah loo kireysto, isbuuc walbana aan meel u guuro, si markaas ay iigu suurtagasho inaan saaxiibbo helo", ayuu yiri.

Fikraddii noocaas ahayd way u shaqeysay Mathias, muddo bilo ah ayuuna si tartiib tartiib ah ugu dhistay saaxiibbo farabadan.

Laakiin caqabaddii labaad ee uu wajahay waxay ahayd sidii uu ku heli lahaa xarun ay si wadajir ah u kireystaan dad dhalinyaro ah oo doonaya inay fikrado ganacsi abuuraan.

Halkaas waxaa laga heli karaa fursad la isku weydaarsado talooyin iyo xiriirro horseedi kara horumar.

Bartamihii 2014-kii, wuxuu ugu dambeyn helay xarun noocaas ah oo ku taalla isla magaalada Silicon Valley, laakiin waxaa ka jiray dhib - dhammaan 15-ka sariir ee loogu talagalay goobtaas way buuxeen. Marka haddii uu rabo inuu xaruntaas ku biiro, wuxuu ku khasbanaa inuu seexdo kabar ka sameysan alwaax oo aan daaqado lahayn.

Mathias, oo hadda 29 jir ah, wuxuu sheegay inuu fursaddaas markiiba ka faa'iideystay, maadaama aysan jirin waddo kale oo u furneyd.

"Waxaan alwaaxaas seexanayay muddo saddex bilood ah. Miyaan dareemay doqonnimo ama ceeb? Maya haba ka yaabin.

"Inaan helo xaruntaas fikradaha ganacsi la isugu keeno waxay ii ahayd arrin aad u weyn. Waxay si weyn iigu dhiirrigalisay fikraddeyda ganacsi. Meel muhiim ah ayey ii ahayd, haddii aanan heli lahaynna, uma maleynayo inaan gaari lahaa heerka aan maanta joogo", ayuu yiri.

The team at Memory

Xigashada Sawirka, Memory

Qoraalka sawirka, Mathias' company - Memory - now employs 45 people

Haddii aan usoo laabanno wakhtiga hadda la joogo, barnaamijka Timely ee uu leeyahay Mathias, waxaa hadda isticmaala in ka badan 5,000 oo shirkadood, oo ku kala yaalla 160 waddan.

Ninkan oo ku dhashay waqooyiga fog ee dalka Norway, wuxuu kusoo barbaaray magaalo ku taalla duleedka caasimadda Oslo.

Carruurnimadiisii, wuxuu sheegay in riyadiisu ay ahayd sidii uu uga mid noqon lahaa ciyaartoyda kubadda cagta ee caalamiga ah.

Gaar ahaan wuxuu daneyn jiray inuu ku biiro kooxda kooxda ka dhisan horyaalka dalka Ingiriiska ee Manchester United.

Laakiin markii uu dhalinyaro noqday wuxuu ogaaday inuu aad ugu sii fiican yahay dhinaca barnaamijyada Kumbuyuutarrada.

Isagoo wali ku jiray dugsiga sare ayuu lacag ku heli jiray naqshadeynta bogagga internet-ka ee uu u sameyn jiray shirkadaha. Mathias wuxuu sheegay in waalidiintiisu aysan markii hore ku faraxsaneyn arrintan, ilaa intii uu ka helayay mushaarkiisii ugu horreeyay.

Olso

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, In 2015 he moved the business back to Oslo

Shaqooyinka uu sida madaxa bannaan u qabto ayuu ka aruursan jiray xoogaa lacag ah. Laakiin markii uu ogaaday inuusan sidaas heer sare ku gaareynin, wuxuu go'aansaday inuu hirgaliyo barnaamijkiisa Timely. Taas ayeyna ahayd sababtii ku kalliftay inuu u wareego magaalada Silicon Valley.

Markii uu muddo ka shaqeynayay xarunta ay isugu tageen dadka fikradaha ganacsiga heystay, wuxuu barnaamijkiisa Timely si buuxda dhidibbada ugu aasay sanadkii 2014-kii.

Hal sano ka dib, Mathias wuxuu go'aansaday inuu magaalada Oslo u raro ganacsigiiga uu ugu yeero Memory.

"Maadaama markii aan kasoo tagayay magaaladaas aysan ka jirin fursado fiican oo dhinaca tiknoolojiyadda ah, hadda waxay Oslo noqotay xarun hoy u ah shirkadaha tiknoolojiyadda, waxaana laga heli karaa shaqaale badan oo howshaas qaban kara".

Iyadoo ay lacag dhan $6 milyan oo doolar (£4.6m) ku maalgashadeen shirkado ku kala yaalla Mareykanka, Ingiriiska iyo Norway, Memory waxaa hadda ka shaqeeya 45 ruux, sanadkiina waxay iibisaa in ka badan adeeg uu qiimihiisu gaarayo in ka badan $2 milyan oo doolar.

Mathias Mikkelsen

Xigashada Sawirka, Inger Uppman

Qoraalka sawirka, Mathias wuxuu maalgashi dhan $6m ka helay shirkado dibadda ku yaalla

"Ganacsatada lamidka ah Mathias waxay isku dayaan inay u dhaqmaan si ka duwan sida dadka kale", ayuu yiri Brian Morgan, oo ah bare cilmiga abuurista ganacsiga ka dhiga jaamacadda Cardiff Metropolitan ee waddanka Ingiriiska.

"Tani micnaheedu waa inay qaataan halis iyadoo ujeeddadoodu tahay inay fursado waaweyn helaan".

Haddii aan dib u milicsanno saddexdii bilood ee uu alwaaxa ku seexan jiray, Mathias wuxuu yiri: "Wuxuu ahaa wakhti waalan laakiin qiimo badan. waxaan shaqeyn jiray daqiiqad kasta oo ka mid ah maalin walba, sidaas darteed wax dan ah kama lahayn sida ay ahayd meesha aan seexanayay".