'Kulankii qamaamuurta' - Madrid iyo Liverpool tee laga dabbaaldegi doonaa caawa?

Graphic for the 2022 Champions League final between Liverpool and Real Madrid

Xigashada Sawirka, BBC Sport

Published

Maanta sabti waxaa dhacaysa ciyaarta aadka loo wada kama danbaysta koobka lagu magacaabo Champions League, waxaana is waajahay laba kooxood oo ah kooxaha ugu tunka weyn yurub.

Real Madrid waxa ay doonaysaa in ay ku guuleysato markeedii 14-aad, taasoo markaas laba jibaar ka badan kooxaha kale, haddii Liverpool ay badiso waxay ka dhigan tahay inay ku guulaystay goobkan toddoba jeer iyada oo la sinmaysa AC Milan (7) oo ku jirto kaalinta labaad ee liiska guud ahaan hanashada koobkan.

Weeraryahanka Liverpool ee Senegal Sadio Mane iyo weeraryahanka Real Madrid ee xulka France Karim Benzema ayaa labaduba u tartamaya inay ku guuleystaan ​​​​Ballon d'Or-ka sanadkan oo la guddoonsiiyo ciyaaryahanka ugu fiican adduunka.

Benzema, oo 34 jir ah, ayaa 15 gool ka dhaliyay Yurub xilli ciyaareedkan - oo ay ku jiraan laba saddexley - waana gooldhaliyaha ugu sarreeya Champions League xilli ciyaareedkii 2021-22, halka Mane uu door weyn ka qaatay guushii ugu horreysay ee waddankiisu ka gaadho Koobka Qaramada Afrika bishii Febraayo.

Mane ayaa sidoo kale ka caawiyay Senegal inay u soo baxdo Koobka Adduunka 2022, iyadoo 30 jirkaan uu labo koob oo maxalli ah kula guuleystay Liverpool xilli ciyaareedkan. Isagoo lala xiriirinayo inuu ka tagayo Reds xagaagan, Mane wuxuu sheegay inuu "jawaab gaar ah" ka bixin doono mustaqbalkiisa ka dib ciyaartan muhiimka ah.

Mohamed Salah ayaa sheegay horaantii bishan Liverpool inay "hawli qabyo kaga tahay" Real ka dib markii ay 3-1 ay kaga badisay kooxdan reer Spain ciyaartii kamadanbaysta koobkan ahayd 2018 ee ka dhacday Kyiv.

Afar sano ka hor, xiddiga Masar ayaa garoonka ka baxay isagoo ilmeynaya ka dib markii uu si xun u dhacay xilli ay is muteen daafacii hore ee kooxdaas Sergio Ramos. "Waxaan doonayaa inaan ka hor imaado iyaga, waxaana rajeynayaa inaan sidoo kale ka guuleysto iyaga," ayuu hadalkiisa raaciyay Salah, kaasoo aan weli u kordhin qandaraaskiisa oo dhacaya June 2023 kooxdiisa Liverpool.

Waa markii seddexaad ee Liverpool iyo Real ay ku kulmaan ciyaartan kamadanbaysta ah.

Liverpool boss Jurgen Klopp and Real Madrid boss Carlo Ancelotti with the Champions League trophy

Xigashada Sawirka, Getty Images

Si la mid ah 2018, labada naadi waxay hore kulmeen 1981 markii Liverpool ay 1-0 ku badisay xilli lagu ciyaarayey Paris. Kow iyo afartan sano ka dib, taariikhdu ma soo noqnoqonaysaa? Waa su'aasha hadda taagan.

Afar guuldarro weli se mar qudha aan niyad jabin

Real Madrid ayaa laga badiyay afar jeer 12 kulan oo Champions League ah xilli ciyaareedkan - Liverpool ayaa laga badiyay seddex ka mid ah 62 kulan oo ay ciyaareen tartamada oo dhan 2021-22 - sidaas oo ay tahay kooxda heysata horyaalka Spain ayaa gaadhay finalkii 17-aad ee tartanka.

Waxa ay wadada soo mareen real Madrid kooxaha Liverpool horyaalka ingiriiska ee Premier League kala tirsan ee Chelsea iyo Manchester City laakiin waxa ay guuldaro lama filaan ah gurigooda kala kulmeen Sheriff Tiraspol oo ka socotay Moldova kulan ka tirsan heerka Group-yada bishii September ee la soo dhaafay.

Real ayaa sida oo kale soo laabasho cajiib ah samaysay ciyaartii ay ka soo baxayeen City.

Iyada oo cel-celis ahaan 5-3 ku raacday kooxda Pep Guardiola oo hal daqiiqo oo kaliya ka harsan tahay waqtigii caadiga ahaa ee lugtii labaad, Benzema ayaa dhaliyay ka hor inta uusan Rodrygo ku qasbin waqtiga dheeriga ah 89 ilbiriqsi ka dib.

Benzema, ayaa todoba gool ka dhaliyay Champions League xilli ciyaareedkan kooxaha Ingiriiska, ayaa rigoodhe ay haleen kooxdiisa ugu soo saaray in ay soo gaadhaan ciyaartan.