Dr. Mehmet: Waa kuma dhakhtarka Muslimka ah ee guusha muhiimka ka gaaray doorashada xisbiyada ee Mareykanka?

Xigashada Sawirka, Reuters
Dr. Mehmet Oz oo ku dhashay dalka Turkiga ayaa ku guuleystay doorashada isreeb-reebka xisbiga Jamhuuriga ee gobolka Pennsylvania ee dalka Mareykanka. Hadda waxa uu u tartami doonaa kursiga senate-ka isagoo matalaya xisbiga Jamhuuriga doorashada lagu wado inay dalkaasi ka dhacdo bisha November.
Hadii la doorto, Dr. Oz waxa uu noqonayaa senatarkii ugu horeeyay ee Muslim ah.
Waxa uu 1000-cod kaga guuleystay ninkii la tartamayey oo la yirahdo David McCormack. Waxa uu hadda la tartami doonaa musharaxa xisbiga Dimuqraadiga John Fitterman, kaas oo ka soo kabanaya xanuunka faaliga.
Dr. Oz, oo ah dhakhtarka qalliinka wadnaha oo dhowr jeer ka soo muuqday bandhigga Oprah Winfrey, ayaa sii daayay muuqaal ka hor inta aan dib loo tirinin codadka, isaga oo isku magacaabay " Musharraxa Jamhuuriyadda ee macquulka ah"
Macallinkiisii siyaasadda, madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, ayaa ku booriyay inuu ku dhawaaqo guusha ka hor natiijada rasmiga ah.
David McCormack ayaa ku dhawaaqay inuu aqbalay guusha Oz.
"Waxaan maanta wacay Mehmet Oz si aan ugu hambalyeeyo guushiisa," McCormack ayaa sidaasi ku yiri hadal uu soo saaray Jimcihii. Waxa uu sheegay in uu "si buuxda u taageeri doono" Oz.
Oz ayaa u mahadceliyay McCormack, isagoo yiri "waxaan sameyn doonaa wax walba oo aan awoodno si aan uga hortagno in Senate-ka uu ku dhaco gacanta John Fitterman."
Waa kuma Dr. Mehmet Oz?
Oz wuxuu 1960 ku dhashay magaalada Cleveland, Ohio, Aabihii Mustafe waxa uu ku dhashay Bozkir, oo ah magaalo yar oo ku taal koonfurta Turkiga wuxuuna kaalinta ugu sarreeysa ka galay fasalkiisii Dugsiga Caafimaadka ee Cerrahpaşa sannadkii 1950-kii wuxuuna u guuray Mareykanka si uu ugu biiro barnaamijka guud ee degenaanshaha ee Case Western Reserve University ee Cleveland, halkaas oo Mehmet uu ku dhashay.
Afar caruur ah ayay isku dhaleen isaga afadiisa oo la yirahdo Lisa.
Oz waxa uu wax ka bartay Dugsiga Tower Hill ee Wilmington, Delaware. Sannadkii 1982-dii, waxa uu shahaadada koowaad ku qaatay jaamacadda Harvard University.
Oz waxa uu xirfadiisa caafimaad ka bilaabay Cisbitaalka Presbyterian ee Magaalada New York, ka dibna Jaamacadda Columbia, 1986 ka dib markii uu shaqaaleysiiyay Eric Rose. Intii uu halkaasi deganaa, Oz waxa uu mutaystay abaalmarinta cilmi-baarista ee Blakemore.
2018, Trump wuxuu Oz, u magacaabay inuu ka mid noqdo kooxdiisa Isboortiga, Jirdhiska, iyo Nafaqada. Trump ayaa markii labaad Oz u magacaabay ka mid noqoshada kooxda bishii Diseembar 2020.
Intii lagu jiray masiibadii COVID-19, muuqaallada telefishanka Oz ayaa saameeyay go'aan qaadashada Trump, wuxuuna noqday lataliye aan rasmi ahayn maamulkii Trump.












